Suldaan Cisman Suldaan Cali Madar oo ka Nixiyey Masuuliyiin ka Socday Madaxtooyadda iyo Raxan Wasiirro ah
Tiraabtii wasiirka hawlaha Guud, gilgilashadii Suldaan Cismaan iyo raaligelintii Xaabsade
“Maantana waan garanayaa halka aan ahay oo ah dadka, dalka haday dawlad tahay iyo haday xisbiyo tahayba waxaan u ahay dhex”
Suldaan Cisaman Suldaan Cali Madar
“Suldaanka waxaan leeyahay hadii lagugu gafay raali ahow, iyagana waxaan leeyahay suldaanka yaan mardambe gaf loo gaysan”
Axmed Cabdi Xaabsade
Hargeysa (Jam)- Xaflad qado sharaf ahayd oo raxan wasiiro ah iyo masuuliyiin ka socday xukuumadda Rayaale u sameeyeen Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar, ayaa ku dhamaatay weji-gabax aanay masuuliyiintu jeclaysan, kadib markii afka suldaanka ay ka soo baxeen hadalo aanay jeclaysan wasiiradii martiqaadka fidiyey ee madasha fadhiyey.
Munaasibada qado-sharafeedka ah oo shalay lagu qabtay hudheelka Maansoor ee magaaladda Hargeysa oo ay ka qaybgaleen wasiiro tiro badan oo ka socda xukuumadda, masuuliyiin ka socday madaxtooyadda, madax-dhameedyo iyo odayaal reer Somaliland, ayey wasiiradii halkaa ka hadlay sheegeen in suldaanka oo ay in badan cadho ku kala maqnaayeen uu hadda u soo noqday dhinacooda, balse waxa afkala qaad iyo naxdin ku noqday wasiiradda iyo masuuliyiinta xukuumadda erayo ka soo baxay suldaanka oo uu ku sheegay inuu dhex u yahay dawladda iyo xisbiyada qaranka.
Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeyna Md. Siciid Sulub Maxamed oo munaasibadaa ka hadlay, ayaa sheegay in Suldaanka oo ay muddo ku kala maqnaayeen siyaasado uu hadda u soo noqday dhinacooda, isaga oo xusay inay meesha ka baxday cadho jirtay oo u dhaxaysay suldaanka.
Wasiirka oo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi; “Suldaanka oo muddo aynu kala maqnayn, cadhana jirtay, haddii uu is badh qabtay, suldaankana wixii na dhex maray waanu ka heshiinay, isagaana maanta lahaa tallaabada hore ee soo noqoshada, taasina waa tii la yaqaanay kolhadii ninka suldaanka ah hadii la xumeeyo iyo haddii la wanaajiyaba ay isugu mid noqoto oo uu garto inuu dadka madax u wada yahay, taasina suldaanka waanu uga mahad naqaynaa.”
Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Md. Cabdillaahi Maxamed Ducaale oo isaguna ka hadlay xafladda qado-sharafka ah ee suldaanka loo sameeyey, ayaa ku dheeraaday ammaanta suldaan Cismaan, isaga oo sheegay inuu marwalba ka shaqaynayey danta guud iyo danta qaranka, wakhtigana ay si fiican suldaanka jaanta iyo sacabka la isula heley.
“Maanta hadii arinkii si wanaagsan la isula helay suldaan anaguna waxaanu nahay dadkii kula shaqaynayey, xukuumaddii gacanta ku siinaysay baanu nahay, waxtar aanu filaynayna waa jiraa, dalkani cadaw badan ayuu leeyahay, saldanada aad ka soo jeedaana qiimo weyn bay qaranka ugu fadhidaa maantana qarankani waxa uu marti kaaga yahay in aad wax la qabato,” ayuu yidhi; wasiirka arrimaha dibedu.
Wasiirka ganacsiga Somaliland oo isaguna ka hadlay xafladda xukuumaddu u samaysay suldaanka, ayaa tilmaamay in sida rasuulku (CSW) sheegay uu qofka cadhada ka soo noqda fadli badan leeyahay, isaga oo xusay inay in badan filayeen in suldaanku u soo noqdo, isla markaan ay hadda abaalweyn u hayaan, abaalmarinteedana ku siin doonaan soo noqoshadiisa.
Axmed Cabdi Xaabsade oo isaguna munaasibada xukuumadu dhigatay hadal kooban ka jeediyey, ayaa isaga oo aan sheegin afka uu ku hadlayon waxa uu raaligelin siiyey suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar, isaga oo arrintaa ka hadlayana waxa uu Xaabsade yidhi; “Suldaanka waxaan leeyahay hadii lagugu gafay raali ahow, iyagana waxaan leeyahay suldaanka yaan mardambe gaf loo gaysan, dee suldaan adiguna marka lagugu gafo ilayn suldaan weyn baad tahaye marka aanu kugu xanaaqno iska raali ahow.”
Suldaan Cisaman Suldaan Cali Madar oo ugu dambayntii halkaa ka hadlay, ayaa ka gilgishay weedhihii wasiirka hawlaha guud iyo wasiiradda kale isaga daba mareen ee ay ku sheegeen in suldaanku u soo noqday dhinacooda, waxaanu sheegay in marka hore aanu Somaliland ka maqnayn, isla markaana uu wakhtigan si fiican u garanayo halka uu yahay oo ah inuu dhex u yahay dadka iyo dalka haday dawladda tahay iyo hadii ay xisbiyada tahayba, isaga oo ku baaqay in siyaasiyiintu ka waantoobaan inay sallaadiinta ku shaambadeeyaan mid ka mid ah dhicayada siyaasadda isku haya.
“Horta marka hore maan maqnayn, Somaliland-na kamaan maqnayn, maantana waan garanayaa halka aan ahay oo ah dadka, dalka haday dawlad tahay iyo haday xisbiyo tahayba waxaan u ahay dhex, waxaan ahay saldanad guud oo dhex u fadhida mid walba runtii waxa igaga gudboon nin garanaya ayaan ahay, markaa hadaano salaadiinta nahay dhex baanu dadka u nahay, laakiin waxaad moodaa in kolba dhinaca la nagu shaambadaynayo, taasna waxaan doonayaa inay imika aad nooga yaraatoo qolooyinkiina siyaasiyiintu aad qaybahaa ku qaybtaan oo anagu dhinicii dhaqanka wax u wadnaa, markaa ta aan maanta halkan u imi waa inaan dalka iyo dadkaba dhex u ahay, xisbiyadana sidaasaan dhex ugu ahay.
Waxaynu hareeraha ka joogaynaa oo ka shaqaynaynaa wixii dalka iyo dadkaba dan u ah ee wanaagsan, waxaan ku talinayaa oo aan dhinac walba leeyahay dawladda xageeda iyo dhinacyada kaleba ee xisbiyada oo aan ugu baaqayaa si wanaagsan oo nabadgelyo ah halooga shaqeeyo sidii doorashadu si wanaagsan oo nabadgelyo ah inoogu dhici lahayd oo nin waliba qaybtiisa uga qaadan lahaa,” ayuu yidhi; Suldaan Cismaan, iyada oo la sheegay in hadalka suldaanku falaadh ku noqday raxantii wasiirada iyo masuuliyiinta kale ee xukuumadda ka socday ahaa ee sida koronkorta buux-dhaafiyey xafladdii qada sharafta ahayd ee Suldaanka loo sameeyey.
Jamhuuriya Online
Suldan Cisman Suldan Cali Suldan Madar Udub the hel with Yu
Moderator: Moderators
- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
- kaliil
- SomaliNet Super
- Posts: 5400
- Joined: Thu Oct 30, 2003 7:00 pm
- Location: Nin ku yidhi sinaanmayno adna diid sarayntiisa
Re: Suldan Cisman Suldan Cali Suldan Madar Udub the hel with Yu
Suldaanku been haka sheegina. Wuxuu yidhi;
“Maantana waan garanayaa halka aan ahay oo ah dadka, dalka haday dawlad tahay iyo haday xisbiyo tahayba waxaan u ahay dhex”
suldaanka dhawr sano ka hor ayay dawlada colobeen oo isaguna kulmiye u wareegey oo taageeri jiray taasina waxay ka ahayd xin iyo dawlada oo uu ku xumaynayay laakiin hadda dawlada way heshiiyeen.suldaanku Hadda Kulmiye taageeradii wuu kala noqday oo intii HY ahayd ee kulmiye ku jirtayna way iskaga tegi meesha mar hadduu suldaankiba ka baxay.Suldaanku Wuxuu sheegay inuu xisbiyada iyo dawlada dhex u yahay oo dawladana kala shaqayn nabadgelyada iyo wixii wanaag ah ee ay wadaan taana wuu ku saxsanyahay oo madaxdhaqameedyahuna inay siyaasada ku milmaan oo cidna la saftaan maaha.Suldaanku waa suldaan culus oo Habar Yoonista Togdheer isagaa u taliya oo ka amar qaataan markaa dawladu isaga kama maaranto isaguna dawlada kama maarmo.
Intii HY ahayd ee kulmiye ku jirtay ayaa durba suldaanka baryaysa.
Natiijada Casuumad ay Sul. Cismaan u Fidiyeen Gabboose, Duur iyo Waabeeyo
http://www.qarannews.com/index.php?opti ... &Itemid=62

Suldaanku dee udub maha Hadu dhex yahay Suldaanku udub maha , udub wa ka so horjeeda
Suldaan cismaan Suldaan Cali Suldan madar waleh wa nin gob ah i respect him alot awoowgi ba talin jiray waleh wa oday isaaq
Suldaan cismaan Suldaan Cali Suldan madar waleh wa nin gob ah i respect him alot awoowgi ba talin jiray waleh wa oday isaaq

- kaliil
- SomaliNet Super
- Posts: 5400
- Joined: Thu Oct 30, 2003 7:00 pm
- Location: Nin ku yidhi sinaanmayno adna diid sarayntiisa
Re: Suldan Cisman Suldan Cali Suldan Madar Udub the hel with Yu
suldaanku wuxuu yidhi:
Waxaynu hareeraha ka joogaynaa oo ka shaqaynaynaa wixii dalka iyo dadkaba dan u ah ee wanaagsan, waxaan ku talinayaa oo aan dhinac walba leeyahay dawladda xageeda iyo dhinacyada kaleba ee xisbiyada oo aan ugu baaqayaa si wanaagsan oo nabadgelyo ah halooga shaqeeyo sidii doorashadu si wanaagsan oo nabadgelyo ah inoogu dhici lahayd oo nin waliba qaybtiisa uga qaadan lahaa,”
Emprerow sidaan kuu sheegay suldaanku markii hore kulmiye ayuu u ololayn jiray isagoo dawlada ku xumaynaya laakiin hadda dawlada way heshiiyeen oo waakuwa miiska wada fadhiya. ilaa 2006:kii dawlada col bay ahaayeen.weliba raggay isku xumaadeen ee uu la ficiltamayay waxay ahaayeen raggay ilmaadeerada yihiin ee dawlada ku jiray(Cawil, siciid sulub iyo Maxamed Ismaciil Bulaale AUN).Iyagaa xidhay 2006 illeen nin kale oo HY ahayni suldaanka Burco iyo meel kale toona kuma xidhi karee.Markii danbee xaaladu meel xun gaadhay ee beeshu ku hanjabtay inay suldaanka xoog kusii dayna iyagaa sii daayay oo cafiyay
Waxaynu hareeraha ka joogaynaa oo ka shaqaynaynaa wixii dalka iyo dadkaba dan u ah ee wanaagsan, waxaan ku talinayaa oo aan dhinac walba leeyahay dawladda xageeda iyo dhinacyada kaleba ee xisbiyada oo aan ugu baaqayaa si wanaagsan oo nabadgelyo ah halooga shaqeeyo sidii doorashadu si wanaagsan oo nabadgelyo ah inoogu dhici lahayd oo nin waliba qaybtiisa uga qaadan lahaa,”
Emprerow sidaan kuu sheegay suldaanku markii hore kulmiye ayuu u ololayn jiray isagoo dawlada ku xumaynaya laakiin hadda dawlada way heshiiyeen oo waakuwa miiska wada fadhiya. ilaa 2006:kii dawlada col bay ahaayeen.weliba raggay isku xumaadeen ee uu la ficiltamayay waxay ahaayeen raggay ilmaadeerada yihiin ee dawlada ku jiray(Cawil, siciid sulub iyo Maxamed Ismaciil Bulaale AUN).Iyagaa xidhay 2006 illeen nin kale oo HY ahayni suldaanka Burco iyo meel kale toona kuma xidhi karee.Markii danbee xaaladu meel xun gaadhay ee beeshu ku hanjabtay inay suldaanka xoog kusii dayna iyagaa sii daayay oo cafiyay
- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
Re: Suldan Cisman Suldan Cali Suldan Madar Udub the hel with Yu
kaliil wrote:suldaanku wuxuu yidhi:

horta hadalku yidhi wa hadal siyasadeed suldaanku Wuxu rabba inu eego waxay dawladani ay ku dhaqmeyso, run ahaanti wana suldaan aad u culus somaliland suldaanka guud eeh beelaha sicid garxajis Suldan cisman, hasa yeeshe marku leeyahay Mucaraad baan ahay wuxu arkaya dawladan ina rayaale oo dalki waxba u qabban taako ay dhistay mooyane dhagax yar uun bay dhigta oo ay dadka ku meewelisa, ragga H.y. eeh ku jira udub na dee wa la cunayan uun tuugta Udub eeh ummada somaliland hantidoodii cunaya , Suldaankani hadal aad u siyasadeysan bu ku hadlay waxan u eegeya reactionka ka imada Beeshisa ama mucaraadka iyo dawlada ba , laakin suldaankani maha suldaan cid u joogia cidna uga habadeysna mayo mawqifkisa

Suldaan Emperior

- hargaysaay
- SomaliNet Super
- Posts: 8453
- Joined: Sun Jan 17, 2010 7:32 am
- Location: Best part about getting high having sex with you is geting high having sex with you part.
Re: Suldan Cisman Suldan Cali Suldan Madar Udub the hel with Yu
inaar ma siilaanyaa ku wasa waa yaabe mise muuse biixi baad isleedahay wasiir baa laga dhigi, niyaw anigu qof kulmiye sidan ugu boholyoobay aduun baan arkee is daji, xisbi waa la taageeraa laakiin sidaadu waa xad dhaaf, 

- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
Re: Suldan Cisman Suldan Cali Suldan Madar Udub the hel with Yu
Maya sxb caydu wa ceeb maxa wasma keenay ma suldaankaga ayaad caysahargaysaay wrote:inaar ma siilaanyaa ku wasa waa yaabe mise muuse biixi baad isleedahay wasiir baa laga dhigi, niyaw anigu qof kulmiye sidan ugu boholyoobay aduun baan arkee is daji, xisbi waa la taageeraa laakiin sidaadu waa xad dhaaf,
maya inadeer anigu waxan jecelahay Somaliland inu xukumo Nin addag Oo labba xiniyood ah oo halyey ah Oo dalka jecel oo uu damqada oo dhig u so daadiiye ma fahantay anigu Faisal cali waraabe xata waan tageersanahay inu Madaxweyne Noqdo Cidii dalka dacaad u ah ee wax badali karta , Rayaale iyo hangashtisu inadeer wax la tageero maha Anigu Ina bixi waxba ii tari mayo ina bixi wa shakhsi Somaaliland ba ka weyn oo aan aad u jecelahay ma fahantay , Adigu laakin walanweynta ba bad u dooda

- hargaysaay
- SomaliNet Super
- Posts: 8453
- Joined: Sun Jan 17, 2010 7:32 am
- Location: Best part about getting high having sex with you is geting high having sex with you part.
Re: Suldan Cisman Suldan Cali Suldan Madar Udub the hel with Yu
walaahi waad iga garheshay ee suldaan raali noqo, riyaale iyo waxa soo raacaaba waa wasakhda inagu jirtaa ee in la nadiifiyo u baahan, arinta wala weynta sxb uma doodo umadaas laakiin in qofka mabda iisa in la ixtiraamo ayaan jecelahay oo haduu yidha somaliland ma rabo aan la cunin lana diiranThe_Emperior5 wrote:Maya sxb caydu wa ceeb maxa wasma keenay ma suldaankaga ayaad caysahargaysaay wrote:inaar ma siilaanyaa ku wasa waa yaabe mise muuse biixi baad isleedahay wasiir baa laga dhigi, niyaw anigu qof kulmiye sidan ugu boholyoobay aduun baan arkee is daji, xisbi waa la taageeraa laakiin sidaadu waa xad dhaaf,
maya inadeer anigu waxan jecelahay Somaliland inu xukumo Nin addag Oo labba xiniyood ah oo halyey ah Oo dalka jecel oo uu damqada oo dhig u so daadiiye ma fahantay anigu Faisal cali waraabe xata waan tageersanahay inu Madaxweyne Noqdo Cidii dalka dacaad u ah ee wax badali karta , Rayaale iyo hangashtisu inadeer wax la tageero maha Anigu Ina bixi waxba ii tari mayo ina bixi wa shakhsi Somaaliland ba ka weyn oo aan aad u jecelahay ma fahantay , Adigu laakin walanweynta ba bad u doodaMarka garan meysid waxa somaliland u fiican

- SahanGalbeed
- SomaliNet Super
- Posts: 19032
- Joined: Mon Dec 31, 2007 5:48 pm
- Location: Arabsiyo ,Somaliland
Re: Suldan Cisman Suldan Cali Suldan Madar Udub the hel with Yu
“Maantana waan garanayaa halka aan ahay oo ah dadka, dalka haday dawlad tahay iyo haday xisbiyo tahayba waxaan u ahay dhex”

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 15 Replies
- 1332 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 1 Replies
- 396 Views
-
Last post by gobdoon
-
- 28 Replies
- 3333 Views
-
Last post by BlackRain
-
- 20 Replies
- 1330 Views
-
Last post by LadyKastumo
-
- 6 Replies
- 550 Views
-
Last post by gemini07
-
- 12 Replies
- 790 Views
-
Last post by Hyperactive
-
- 2 Replies
- 397 Views
-
Last post by QansaGabeyle
-
- 30 Replies
- 1320 Views
-
Last post by Goljano Lion
-
- 55 Replies
- 4869 Views
-
Last post by TheblueNwhite