President of Somalia, Sheikh Shariff meets PM Gordon Brown

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
galia2
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 492
Joined: Thu Oct 15, 2009 12:32 pm

President of Somalia, Sheikh Shariff meets PM Gordon Brown

Post by galia2 »

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia Sheikh Shariif Sh. Axmed ayaa caawa magaalada London kulan kula qaatay ra’iisul wasaaraha dalka Britain Gordon Brown.
Kulanka madaxweyne Shariif iyo Brown waxa uu ka dhacay xafiiska ra’iisul wasaaraha Britain ee magaalada London, iyaga oo isla soo qaaday arrimo ku saabsan xiriirka labada dal iyo xaaladda ka jirta dalka Somalia.
Madaxweynuhu waxa uu Brown warbixin ka siiyay xaaladda guud ee dalka Somalia iyo sida loogu baahan yahay in dowladda Britain gacan weyn ka geysato taageeridda iyo wax la qabashada dowladda Somalia.
Madaxweyne Sheikh Shariif , sidoo kale waxa uu kulammo la qaatay wasiirrada arrimaha dibadda iyo baarlamaanka ee Britain oo ay ka wada hadleen arrimo ku saabsan amniga iyo dhaqaalaha, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo oo madaxweynaha ku wehliya safarkiisa London.
Wararku waxa ay sheegayaan in madaxweyne Shariif oo caawa xarunta cilmi barista ee Chatem House ka jeedin doono khudbad faahfaahsan oo uu kaga hadlayo xaaladaha ka jira dalka Somalia iyo sida wax looga qaban karo.
Madaxweynuhu sidoo kale waxa uu kulan la qaadan doonaa wasiirrada arrimaha gudaha iyo xiriirka caalamiga ah ee Britain.
Maalinta arbacada ayaa lagu wadaa in uu madaxweynuhu magaalada London kula hadlo in ka badan 7 kun oo soomaali ah sida ay inooo xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah oo ku sugan magaalada London.
Magaalada Bermigham oo ay ku dhaqan yihiin soomaali aad u fara badan ayuu sidoo kale madaxweynuhu khudbad ka jeedin doonaa.
Waa booqashadii ugu horreysay ee rasmi ah oo madaxweyne Soomaaliyeed uu ku tago dalka Britain tan iyo markii ay meesha ka baxday dowladdii Maxamed Siyaad Barre.
Booqashada madaxweynaha ayaa la filayaa in ay wax badan ka baddasho aragtidii Britain iyo dalal badan oo reer Europe ahi ka qabeen Somalia.
Madaxweyne Sheikh Shariif maqaal uu isagu qoray oo lagu baahiyay wargeyska The Guardian ee ka soo baxa dalka Britain waxa uu ku sheegay in dalka Somalia uusan ahayn qaran fashilmay, balse uu u baahan yahay gargaar deg deg ah iyo in laga gacan siiyo sidii uu dib isugu taagi lahaa.
http://www.guardian.co.uk/commentisfree ... e-al-qaida
ma ahan booqashadii ugu horreysay ee madaxweyne Sheikh Shariif ku tago Europe, ee waxa uu horay uga qayb galay kulan Somalia ku saabsanaan oo ka dhacay magaalada Brusules kaas oo lacago loogu yaboohay dowladda Somalia inkasta oo lacagahaasi aan wali la bixin.
Booqashada madaxweynaha iyo jadwalka kulammada iyo hadallada uu jeedin doono waxaad kala socon kartaa boggan oo loo sameeyay booqashada madaxweynaha.
http://sompresidentvisit.com/
dhammaan wararka ku saabsan booqashada madaxweyne Shariif ee Britain kala soco www.radiomuqdisho.net
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”