Shuban Biyood Ka Dilaacay Degmada Boon Oo Soo Ritay Dad Aad

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Shuban Biyood Ka Dilaacay Degmada Boon Oo Soo Ritay Dad Aad

Post by Siciid85 »

Shuban Biyood Ka Dilaacay Degmada Boon Oo Soo Ritay Dad Aad U Badan



Boon (Ramaas) Mar.12, 2010 -



Maamulaha Caafimaadka ee degmada Boon, Dr. IBraahim Cumar ayaa maanta daboolka ka qaaday in xanuunka shuban biyoodku uu ka dilaacay deegaankaasi waxaanu xusay inay u jiifaan xanuunkaasi 30 Qof oo isugu jira Carruur iyo dad waaweynba.



Dr. Ibraahim Cumar wuxuu sheegay in sidoo kale calaamadaha xanuunkaasi lagu sheegay Tuullooyinka Dhagaxley iyo Libaaxley ee degmadaasi waxaanu baaq u diray Wasaarada Caafimaadka Somaliland.



“Waxaan Wasaarada Caafimaadka Somaliland ugu baaqayaa inay gurmad deg deg ah oo caafimaad iyo dawooyin la soo gaadhaan degmada Boon ee gobolka Salal, waxaana xunuunka shuban biyoodka u jiifa Sodon qof oo carruur iyo dad waayeel ahba iskugu jira una baahan adeeg caafimaad oo deg deg ah,”Ayuu yidhi Maamulaha Caafimaadka ee degmada Boon.



Dhinaca kale, Guddoomiyaha degmada Boon, ayaa isaguna baaq u diray haayadaha iyo xukuumada Somaliland oo uu ka dalbaday in dadka xanuunka shuban biyoodku soo riday lala soo gaadho dawooyinka ay u baahan yihiin oo aan oolin degmadaasi.



Xanuunkan shuban biyoodka ee ka dilaacay degmadaasi ayaa la sheegay inay ka dhasheen biyo aan nadiif ahayn siday faafisay Wakaalada Wararka ee Somaliland ee SOLNA.

Ramaasnews Desk

Boon
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”