Friday, 26 March 2010 15:37 administrator Qaar katirsan waxgaradka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa si diiran usoo dhaweeyay Howlgakii qabuura burburinta ahaa oo ay xarakada Shabaabul Mujaahidiin ka fuliyeen degmooyinka magaalada Muqdisho.
Culimaa'udiinka iyo Abwaanada Somaaliyeed ayaa si diiran usoo dhaweeyay qabuura burburinta ay ku dhaqaaqday Wilaayada Islaamiga Xarakada Shabaabul Mujaahidiin gobalka Banaadir.
Sheekh Axmed Cali Gees oo kamid ah waxgaradka ku dhaqan magaalada Muqdisho oo maanta lasoo xariiray SomaliMemo.net ayaa Islaamiyiinta uga mahad celiyay qabuura Burburintii ay ka sameeyeen degmooyinka Kaaraan,Wardhiigleey iyo H/wadaag magaalada Muqdisho.
Sheykh Axmed wuxuu ku tilmaamay qabuurtii la burburiyay kuwo Asnaam ah oo ay dad waxmagarata ah si khalad ah u caabudayeen wuxuuna ugu baaqay Umada Somaliyeed ee sida dadban ugu xireen qabuurihii la burburiyay in ay alle u towbad keenaan.
Sidoo kale waxaa isna arrinkaasi soo dhaweeyay Abshir Nuur Faarax Abshir Bacadle oo kamid ah Abwaaniinta Soomaaliyeed ee caanka ah dalka Somaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.
Abshir Bacadle oo ka qayb qaadanayay barnaamij ka baxayay idaacad Muqdisho kajirta ayaa amaan balaaran usoo jeediyay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin wilaayadeeda islaamiga gobalka Banaadir wuxuuna sheegay in Burburinta qabuuraha ay tahay mid alle loogu dhawaanayo.
Abwaanka ayaa qiray in qabuurihii laburburiyay ay ahaayeen Asnaam alle sokadii ay caabudaan dad suufi ah taasina ay shaki gelinaysay Islaamnimada Somaliya oo la oran jiray 100% Somaali waa Islaam.
"Anigoon Koox Koox ka hadlayn waxaan aad ugu mahad celinayaa ragii isku taagay in ay xiligan adag Burburiyaan qabuurihii shirkiga ahaa oo si xun loo caabudayay, diinteena islaamka wanaag badan ayay usoo kordhinaysaa in laburburiyo waxyaabaha shirkiga ah qaasatan Somaliya"ayuu yiri Bacadle.
Abshir Bacadle oo kamid ahaa Abwaaniinta Gabayadiisa ku muujiya xumaanta Qabuura galeenka suufida ayaa maanta markale gabay ka tiriyay burburinta qabuuraha Muqdisho.
Qabuurihii ay xarakada Shabaabul Mujaahidin Burburiyeen waxaa ku aasnaa Dad shirkiga meel sare ka gaaray oo isku sheegi jiray in ay dhulka iyagu fidiyeen sida Cali Muumin iyo Sheykh Muxidiin Celi oo kamid ahaa 4 Nin oo ay suufidu rumaysanyihiin in ay dhulka fidiyeen taasi oo ah gaalnimo weyn oo alle wax lala wadaajiyay.
Ugu dambayntii Abwaan Abshir Bacadle ayaa sheegay in Shabaabul Mujaahidiin iyo Xisbul Islaam ay qabteen wax aysan abid qaban dowladihii soo maray Somalida taas oo ah in ay dhulka lasimeen macbadyo ay dadku caabudi jireen.
Xisbul Islaam ayaa horay cagta u marisay qabrigii Sheykh Aweys alqaadiriya deegaanka Biyooleey halka Shabaabul Mujaahidiin ay Koonfurta Somaliyeed ka baab'iyeen qabuuro shirki ahaa sida Jubooyinka iyo gobalka Banaadir.
It could be propaganda because somalimemo is a khaariji website which accused many culuma of apostacy.
Or did he say all these wahabi statements under this threat:

