Furitaanka Jaamacadda Pioneer oo Hargeysa lagaga Dhawaaqay
Hargeysa (Jam)- Jaamacadda Pioneer University oo dhawaan ku soo biirtay jaamacadaha dalka, ayaa furitaankeeda shalay si rasmi ah loogaga dhawaaqay magaalada Hargeysa.
Jaamacaddan Pioneer oo muddo toddobada bilood ah ka furnayd magaalada Hargeysa, waxbarashaduna ka socotay, ayaa xaflad ballaadhan oo loo sameeyey bilowga xilli-waxbarasheedka labaad ee jaamacadda (second semester) iyo ku dhawaaqista jaamacadda, waxa shalay lagu qabtay huteelka Maansoor ee Caasimadda Hargeysa, taas oo ay ka qaybgaleen masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada, Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka, madax ka socotay xisbiyada qaranka, xubno matalayey jaamacadaha kale ee dalka, shirkadaha ganacsiga ee xawaaladaha iyo isgaadhsiinta, aqoonyahanno, ururrada bulshada rayidka ah, maamulka, macalimiinta iyo ardayda jaamacadda iyo martisharaf kale.
Madaxa Jaamacadda Pioneer Prof. Duncan O. Amadi oo furintaankii xafladdaasi hadal ka jeediyey, ayaa tafaasiil ka bixiyey jaamacaddan oo ah mid ka soo jeeda dalka Kenya, qaybaha duruusta ay bixinayso iyo waxyaabaha ay ku talojirto.
Mr. Duncan waxa uu sheegay in Jaamacadda Pioneer aqoonsi buuxa ka haysto Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana muddadii ay furnayd ardayda wax ka baratay tiradoodu tahay 203 arday, kuwaas oo isugu jira rag iyo dumarba.
“Jaamacadda Pioneer waxay xidhiidh iskaashi la leedahay laba jaamacadood oo waaweyn oo kala ah oo laga aqoonsanyahay gobolka, kuwaas oo kala ah Pioneer University of Kenya iyo Kampala University in Uganda oo laamo ku leh Kenya,” ayuu yidhi Madaxa Jaamacadda oo ka hadlayey meelaha jaamacadoodu xidhiidhka la leedahay.
Mr. Duncan waxa uu tilmaamay in ujeedadoodu tahay sidii aqoonta casriga ah bulshada loo gaadhsiin lahaa, si loo helo bulsho aqooneed oo wax-ka-beddel ku samaysa hab-nololeedka bini’aadamka, waxaannu yidhi; “Ujeedadayadu waxa weeye in aannu soo samayno fursado waxbarasho, gaar ahaan xirfadaha iyo aqoonta, taas oo u oggolaanaysa ardaydayada inay isbeddel ku sameeyaan hab-nololeedka bulsheed iyo mid tiknolaji.”
Waxa kale oo uu ka waramay kulliyadaha waqtigan jaamacaddu bixiso iyo kuwa u qorshaysan, isagoo xusay in kulliyadaha waqtigan ay dhigaan ay ka mid yihiin, cilmiga barashada kombiyuutarka, cilmiga ganacsiga, cilmiga arrimaha bulshada, kulliyadda luuqadaha, cilmiga saxaafadda iyo weliba cilmiga horumarinta bulshada, kuwaas oo dhammaantood lagu qaadanayo shahaadada Degree-ga.
“Waxaannu ku talojirnaa in aannu degdeg u bilowno shahaadada Master-ka oo lagu baranayo kulliyadaha kala ah; cilmiga ganacsiga, barashada horumarinta culuunta, maamulka iyo faa’iidaysiga aqoonta dadka iyo cilmiga diblumaasiyadda iyo xidhiidhada caalamiga ah,” ayuu yidhi Madaxa Jaamacaddu.
Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Md. Ismaaciil Maxamed Madar oo isagu jaamacadaasi furay, ayaa hadal kooban oo uu jeediyey waxa uu ku hambalyeeyey jaamacadda cusub ee Pioneer.
Md. Madar waxa uu sheegay in inkasta oo baahi fara badan oo aqooneed dalka taalo oo loo baahan yahay jaamacado, haddana ay jiraan dhibaatooyin ka iman karo koradhka jaamacadaha.
“Wasaarad ahaan waxaannu leenahay afartii jaamacadood ee ugu horreeyey mooyee kuwan kale guddi sare oo waxbarashada ka tirsan oo eega, lana socda manhajkoodu inuu yahay mid noqon wax jaamacad lagu dhigo, si ay u noqdaan jaamacado dhab ah, markaa qiimayntaa aannu ku samaynayno jaamacadii ka dhacda waanu ka ridaynaa, tii ku guulaysatana waanu u oggolaanaynaa,” ayuu yidhi Wasiir-ku-xigeenku.
Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Mr. Daa’uud Axmed Faarax oo isna xafladaas ka hadlay, ayaa si faahfaahsan uga hadlay heerarkii kala duwanaa ee aqoonta Somaliland soo martay iyo kaalinta uu kaga jiro xafiiska imtixaanaadku.
Mr. Daa’uud waxa uu ku baaqay in la adkeeyo nidaamka waxbarasho ee dalka, si aanay aqoontu u noqon mid aan sal adag ku fadhiyin, isagoo si gaar ah uga dalbay jaamacadaha inay kaantaroolaan aqoonta ardayda ay qaadanayaan oo ay ku xidhaan shahaado dugsi sare oo sax ah.
“Waxaan jecelahay jaamacadduhu iyagoo u baahan dhaqaale inay xulshada hore ee ardagya la adkeeyo shuruudaha loo baahanyahay, si aannu inooga dumin nidaamka waxbarashada ee distoorka dalku qabo iyo siyaasadda waxbarashadu, waxaan jaamacadaha iyo ardaydaba kula talin lahaa in qofka jaamacad tagayaa uu yahay mid heerka aqoontiisu tahay mid aqooneed, laakiin aanay noqon hebel baa tahay ee hebelow tag, haddii ay sidaa noqoto waxa inoo soo baxaya qalfoof dhisan oo aan dhuux lahayn,” ayuu yidhi Mr. Daa’uud.
Mr. Cabdirisaaq Cali oo isna ka mid ah maamulka Jaamacadda Pioneer oo halkaa ka hadlay, ayaa sheegay in furitaanka jaamacaddani ay keentay baahida faraha badan ee loo qabo cilmiga, iyadoo dhallinyarada waddankuna soo badanayso, sidaa dardeedna loo baahan yahay in la baro xirfado shaqo oo ay ku shaqaystaan mustaqbalka.
Waxa kale oo xafladaasi ka hadlay madaxa kulliyadda saxaafadda Mr. Eston Kwach, Farduus siciid, Kamaal iyo Muna Casayr oo ka mid ah ardayda wax ka barata jaamacadaasi, kuwaas oo ka hadlay waxyaabaha ay bartaan iyo sababaha ku doorteen.
Jamhuuriya Online
New Pioneer university in Hargeisa
Moderator: Moderators
- The_Emperior5
- SomaliNet Super

- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
-
Goljano Lion
- SomaliNet Super

- Posts: 15340
- Joined: Fri Jan 04, 2008 10:07 pm
Re: New Pioneer university in Hargeisa
got images?
- The_Emperior5
- SomaliNet Super

- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
Re: New Pioneer university in Hargeisa
Soon ha iga deg degin
-
Goljano Lion
- SomaliNet Super

- Posts: 15340
- Joined: Fri Jan 04, 2008 10:07 pm
Re: New Pioneer university in Hargeisa
am still waiting in vainThe_Emperior5 wrote:Soon ha iga deg degin
- LiQaaye_TDH
- SomaliNet Super

- Posts: 15857
- Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
- Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...
Re: New Pioneer university in Hargeisa
Now days the Universities in somaliland are becomeing joke wallahi, there is a new So Called University everyday in somalilad
Guri Kasta waxu lagu Qoraya Jaamacad Hebla 
- Cirwaaq
- SomaliNet Super

- Posts: 6472
- Joined: Wed Mar 24, 2010 2:37 pm
- Location: Event Horizon periphery... HIILumination
Re: New Pioneer university in Hargeisa
LiQaaye_TDH wrote:Now days the Universities in somaliland are becomeing joke wallahi, there is a new So Called University everyday in somalilad![]()
Guri Kasta waxu lagu Qoraya Jaamacad Hebla
This is a simple pattern of early growth which is evident in accelarated divergence. When it reaches peak growth you will begin to see convergence and survival of the best systems and institutions.
You will witness the same pattern in the constructions, restaurants and across all sectors.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 2 Replies
- 510 Views
-
Last post by Togdeer
-
- 12 Replies
- 827 Views
-
Last post by Mizzy_Xclusive
-
- 4 Replies
- 687 Views
-
Last post by HalfSomali
-
- 5 Replies
- 614 Views
-
Last post by kadafi007
-
- 9 Replies
- 1045 Views
-
Last post by HooBariiska
-
- 40 Replies
- 2045 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 11 Replies
- 1943 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 0 Replies
- 380 Views
-
Last post by LionHeart-112
-
- 7 Replies
- 776 Views
-
Last post by Somalistan
-
- 8 Replies
- 890 Views
-
Last post by Cumar-Labasuul