Ahlusunnah-MOG getting ready for the fight

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

Ahlusunnah-MOG getting ready for the fight

Post by AhlulbaytSoldier »

Ahlusunada Muqdisho oo bilaabay abaabul ciidan uruursi iyo diyaar garow dagaal.

Kadib markii todobaadkii la soo dhaafay ay Xarakada Alshabaab bilowday howl galo qabuuro bur burin oo ku soo faageen lafaha mashaa'ikh caan ah ayaa waxaa taas ay keentay in xubnaha Ahlu Sunah Waljamaacah garabka Muqdisho ee qunyar socodka ahaa ay bilaabeen abaabulo ka dhan ah Shabaabka.

Afhayeenka Ahlusunada Muqdisho Sheekh C/qaadir Soomow ayaa sheegay in ay jawaab cad ka bixin doonaan ficilka ay Alshabaab qabuuraha uga soo saareen lafihii mashaa'ikhdooda, isagoo carabka ku adkeeyay in ay wadaan abaabul ciidan iyo diyaar garow dagaal.

Mr Soomow ayaa sheegay in haatan wadaan diiwaan gelin dadka diyaarka u ah in ay ka qeyb galaan dagaal jihaad ah oo ka dhan ah Alshabaab, waxaana uu carabka ku adkeeyay in meel wanaagsan u marayo diyaar garowgaas.

Xubnaha Ahlusunada Muqdisho ayaa ahaa kuwo aanay horay wax qori ah u qaadin, hase ahaatee carada ay ka qaadeen tallaabadii Shabaabka ay ku bur buriyeen qabuurayaasha ayaa u muuqata mid soo dedejisay in ay ka dhiidhiyaan oo ay abaabul dagaal bilaabaan.

Lama oga sida Garabka Ahlusuna ee fadhigooda yahay Muqdisho ay libin la mid ah tii Ahlusunada Gobolada Dhexe ka gaareen Shabaab in ay iyaguna gaari karaan, laakiin marka loo eego dhaq dhaqaaqyada ay hada bilaabeen ayaa la mid ah tii sanadihii la soo dhaafay ay isugu abaabuleen Ahlusunada Gobolada Dhexe.
User avatar
hanqadh
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2786
Joined: Mon Mar 23, 2009 1:03 am
Location: soo dhalin la wada garan wali suuqa dhagaxbuur dhiigoodu ma qoyana!

Re: Ahlusunnah-MOG getting ready for the fight

Post by hanqadh »

Where are they based in Mogadishu?
AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

Re: Ahlusunnah-MOG getting ready for the fight

Post by AhlulbaytSoldier »

hanqadh wrote:Where are they based in Mogadishu?
everywhere

they need to unite only.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”