Baaritaan dheer ka dib shabakadda Ogadentoday maxay ka soo qortay
Xalay Ilaa maanta Shabakada Ogadentoday oo ku Jirtay Xuuraamin ah Xaqiiq Raadis ayaa waxaa u soo baxay In 85% Ciidankii Isdhiibay uu yahay Xaqiiq walow aan la hayn Ilaa hada War Rismi ah oo ka soo yeeray Hogaankii Ururkaas.
Shabakada Ogadentoday waxay kaloo heshay saraakiisha ciidanka isdhiibay oo kala ah Ragan Qoran.
1-Cabdikariim Dheere.
2-Maxamuud Xuseen Xasan(Maxamuud Garaar) Lixbiilood Kahor wuxuu ku Qornaa Madaxa Gaashaandhiga.
Shukri C/Wali oo diiday Inuu isdhiibo ayaa Haatan ahaa Hogaanka Gaashaandhiga Wuxuuna Haatan soo galay Soomaliya Isaga Iyo 40 Nin uu wato ayaa ka Talaabay Xadka Soomaaliya ay la Wadaagto Ogaadeeniya gaar ahaan Magaalada Mustaxiil. Kooxdan Diiday ayaa la sheegay inay Ku Biirayaan Shabaab oo laba bilood kahor soo siisay Hub.
Warkan oo ku noqday Musbaar Kooxan Laga Fadhiyi waayay Mudooyin Danbe oo Dacaayad Xoogan ku hayay Jabhada ONLF ayaa haatan Isku Aruursanaya Magaalooyinka Dalka Koonfur Afrika oo ay Ka mid tahay Peritorea.
Wararka Hoose oo Shabakada Ogadentoday Heshay ayaa sheegaya In Laba Garab ay u kala Jabeen oo Kala ah.
1- Garabka Sheekh Ibraahin Dheere Iyo Shugri Cabdi Wali.
2- Garabka Axmed Nashaad Iyo Kooxda Isdhiibtay.
Maxaa Sal u ah Isdhiibits?.
Wararka waxay sheegayaan in Kadib Markii la ogaaday in mudo Sedex Bilood ah uu Wada hadal u socday Koox ka mid ah Kooxda Gudaha Joogta oo ay waheliyaan Koox Dibada Iyo Koox Cusub oo 70 ah oo Xamar isbuucan ka timid ay soo galeen, ayaa koox waxay cadeeyeen in Hishiis Sedex Bilood ah oo ah Wada hadal ay la saxiixdeen Ciidanka Itoobiya.
Yaa wada Hadalkan ka Danbeeyay?.
Cabdi Haybe oo ahaa Madax Malayshida Godey oo hada Mudo yar kahor Dhintay ayaa la sheegaya in uu ahaa Xariiriya. Shabakada Ogadentoday markay tixraacday Cabdi Haybe iyo Doorkiisa Siyaaasadeed waxaa loo xaqiijiyay inuu ahaa Ninka watay Ciidankaa Malayshiyada Godey iyo Ciidanka Itoobiya ee Dilay Dr Maxamed Siraad Dolaal Allaha Yarxam, Dr Maxamed Siraad ayaa ahaa Halgamaa Caan ka ah Dhulka Soomalida Ogaadeeniya.
Isku soo duu duub Ilaa hada ayaa loo badinayaa in Warkan Xaqiiq yahay Ila Wareegto u dhow Sheekh Ibrahin Dheere ayaa sheegay inay Ciidanka Isdhiibay.
Dhaq-Dhaqaaqan Kooxdan oo Saaxafada Siyaasada Gobalka ku soo Biiray Sedexdii sano la soo dhaafay balse Sannadkii u danbeeyay wax war ah laga la\aa ayaa waxay iska Horyimaadeen Jabhada ONLF.
Waxayna ku Fureen Jabhada Dacaayad Xoogan oo ah kuwii Dagaalka Labaad ee Aduunka oo kale la isticmaali Jiray waxaa ka mid ah Dacaayadaas, ONLF WAA CILMAANIYAAN, ONLF WAA TUUG, ONLF SALAADA MA TUKADAAN, ONLF DAGAALKOODA JAHAAD MAHAN KAANAGAA XAQ AH, HAWEENOW ONLF LACAG HA SIININ,
Ogadentoday/Bariga Afrika
Waxaa la ogaaday qof kasta oo isku dayay inuu khayaano u maleego halganka umadda inuu Ilaahay fashiliyay. Taariikhduna way qormaysaa.
ONA.
Breaking News: UWSLF Surrenders.
- hanqadh
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 2786
- Joined: Mon Mar 23, 2009 1:03 am
- Location: soo dhalin la wada garan wali suuqa dhagaxbuur dhiigoodu ma qoyana!
Breaking News: UWSLF Surrenders.
- hanqadh
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 2786
- Joined: Mon Mar 23, 2009 1:03 am
- Location: soo dhalin la wada garan wali suuqa dhagaxbuur dhiigoodu ma qoyana!
Re: Breaking News: UWSLF Surrenders.
Ceebay Tacaal!Wararka Wariyaha Ogadentoday Magaalada Godey uu Maanta soo Tabiyay ayaa sheegaya in 5 Halaad oo Geel ah lagu qalay Guriga Caanka ah ee loogu Magac daray Madaxwaynhii Hore ee Itoobiya Beet Mengist lagu Casuumay Ciidanka ka soo Xarooday Ururka Altixaad.
Ciidanka Xarooday ayaa Dhan 65 Kuwaas oo ay Ku Jiraan 5 Nin oo Madax ah Wararka ayaa intaas ku darayaa in Ururka Wada hadal Dhexdiisa u socda oo Xubno sare oo aan la magac Dhabin la doonayaa in Gudaha la soo Galiyo.
Dhanka Kale Ciidan ka yimid Soomaliya oo ku sugan Ceel Barde maanta la sugayo oo loogu Marti Qaadayo Godey, Waxaa Jira Warar hoose oo sheegaya in Ciidankaas ku Biiri Doonana Ciidamada Kililka Halkaas Golaha Wasiirada ee Kililka qayb la ga siinayo.
Ila Wareegto ku sugan Godey ayaa Shabakada Ogadentoday u Xaqiijiyay In ay Jiraan Baabur la Daabulayo oo Ciidankaas Ceel Barde Xalay loo Daabulay.
Ciidamada Hadhaawe joogay ayaa Xalay la keenay Magaalada Godey Kuwaas Hubkooda Laga qaaday Iyagoo qaba Tuutaha lagu waday 7 Baabur Halkaas oo Xerada ama Guriga loo yaqaanay Beet Mengist ee Martiada lagu qaabili Jiray la geeyay.
Ciidankaas waxaa Hogaaminayay oo watay Hogaankii Hore ee Gaashaandhiga Ururkaas Maxamud Garaar.
Wiixii ka soo Kordha Kala soco Ogadentoday
Ogadentoday
Godey


- CoolPoisons
- SomaliNet Super
- Posts: 10533
- Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am
Re: Breaking News: UWSLF Surrenders.
UWSLF aa? oo kuwaan xagee laga keenay
- hanqadh
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 2786
- Joined: Mon Mar 23, 2009 1:03 am
- Location: soo dhalin la wada garan wali suuqa dhagaxbuur dhiigoodu ma qoyana!
Re: Breaking News: UWSLF Surrenders.
Waa Koox Itixaad kasoo hadhay.
Re: Breaking News: UWSLF Surrenders.
HANDAQAH:I DONT UNDERSTAND THIS ARTICLE.
WHAT IS HE TALKING ABOUT?
WHAT IS HE TALKING ABOUT?
http://www.somalimirror.com/2010/04/06/ ... axiixdeen/
Guddoomiyaha ururuka UWSLF Sh. ibraahim oo aan ka waraeysannay waxa ka jira in ay itoobiya xabbadjoojin la saxiixdeen?
By SomaliMirror on 6 Apr, 2010 10:33 PM in Main, Wararka, Wareysiyada
Shabakadda somalimirror iyada oo ku dadaaleysa inay akhristayaasheeda u soo bandhigto xaqiiqada heshiiska xabbad joojineed ee la sheegay inuu dhex maray ururka UWSLF iyo dowladda itoobiya waxay wareysi toos ah la yeelatay guddoomiyaha ururkaas Sh.ibraahim maxamad xuseen, waxaana guddoomiyaha weydiinnay su,aalo maalmahan la isweydiinayay oo la xiriira xabbad joojinta dhex martay ururka UWSLF iyo itoobiya, wareysigii oo faahfaasanna wuxuu u dhacay sidan
Sh.ibraahim: wacalykumussalaam waraxmatullaahu wa barakaatuthu
Somalimirror: sheekh ibraahim waxaa jira su,aalo la iska weydiinayo haeshiis xabbad joojin ah oo aad itoobiya la gasheen waxaana jecelnahay inaad kulankan arrintaas faahfaahin naga siiso.
Sh.ibraahim: marka hore bahda somalimirror aad baad ugu mahadsantihiin sida hufnaanta leh e aad u matasheen saxaafadda islkaamiga ah aad baana ugu faraxsanahay kulankiinna iyo inaan su,aalihiinna ka jawaabo.
Somalimirror:guddoomiyaha golaha shuurada ee ururukiinnu wuxuu sheegay inaad itoobiya xabbad joojin la saxiixateen arrintaas maxaa ka jira mase ku wada socotaan?
Sh. Ibraahim: Haa Heshiiskaas wuu jiraa waana kuwada soconaa waana heshiis aan aniga Gudoomiyaha ururka ahi amray Guddoomiyaha golaha Shuuradana anigaa u xilsaaray inuu hogaamiyo guddiga wada hadalka.
Somalimirror: heshiiskan idin dhexmaray itoobiya waa mid noocee ah?
Sh.ibraahim: Heshiiska na dhaxmaray annaga iyo Ethiopia waa mid ku meel gaar ah oo xabad joojin 3bilood ah . Sadaxdaa bilood gudohoodana waxaa kulmi doona Golaha Dhexe ee ururka UWSLF oo go,aamin doona in horay loo sii socdo oo heshiis dhmmeystiran lala gaadho itoobiya iyo in kale iyada oo laga duulayo warbixinta uu golaha fulintu ka soo gudbin doono natiijada ka dhalata xabbadjoojinta iyo khiyaaraadka ururuka horyaalla xilligan.
somalimirror: maxaa sababay inaad heshiis noocan ah xilligan gashaan?
Sh. Ibraahim : Waxyaabaha sababay heshiiskan inaan galno way badanyihiin, waxaana ka mid ah:
1- Horta asal waxaa ah wixii wada hadal lagu dhamayn karo inaan dagaal lagu raadinin maxaa yeelay sidaas ayaa kharash iyo dhibba yar.
2- Waa Asal Islaami ah in Cadawga lala hadli karo siduu nabiguba sameeyayصلى الله عليه وسلم sida heshiiskii Xudaybiya oo qodobadiisa ay ka mid ahayd in ninkii soo Islaama gaalada loo celiyo ka muslimiinta kasoo gaaloobana aan loo celinin hadana Ilaahay uu ku magacaabay Fatxi.
3- Waaqica jirana maanta wuu keenayaa:
(a) Shacabkayaga oo runtii maraya xaalada adag oo dhan walba ah (Xaga nolosha, Wax barashada diineed iyo maaddiba, Caafimaadka, IWM) oo u baahan inuu helo wakhti iyo waayo munaasib ah oo uu ku maareeyo mashaqada haysata si uu wax uga baddalo xaaladdiisa nololeedM, waxaa intaas sii dheer shacabku wuxuu soo maray wakhti ku dhow 20 sano oo usan ka nasanin dil, dhac, kufsi, qixin iyo xabsi IWM inaan shacabkayaga nasinno intii suura gal ahna garbay nagu tahay.
(b) Ururka oo u baahan inuu helo jaanis uu ku fakaro oo uu isku arko kuna tashado kuna qiimeeyo marxaladda uu marayo.
(c) Dawlada Ethiopia oo muujisay inay diyaar u tahay wada hadal horaanna ka dhaga adeygi jirtay.
Intaas oo sababood iyo kuwa kale oo aana sheegin ayaa sababay inaan qaadanno heshiiskan ku meel gaarka ah.
Somalimirror : halkee ayuu ka dhacay heshiiskani side ayuuse ku yimid?
Sh. Ibraahim : Waxaana dhax maray laba kulan oo mid uu ka dhacay wadan yurub ah, kan kalana wuxuu ka dhacay waddan African ah oo aan itoobiya iyo soomaaliya midna aheyn. Wakhtiguna wuxuu ahaa bishii 2aad iyo bishii 3aad 2010. Wuxuuna ku yimid dad ayaa noo kala dabqaaday labadayada dhinacba aan ku kalsooneyn.
somalimirror: ma u maleyneysaa in ay itoobiya ka dhabeyneyso hashiiskan ay idinla gashay?
Sh. Ibraahim : Horta wadahadalkani ma aha kii 1aad ee na dhaxmara Ethiopia. Kani waa wada hadalkii 8aad ee na dhax mara. Lix wada hadal waan ku kala kacnay midna xabad joojin 6billood ayaan kala saxiixanay waxayna ahayd 1996kii. Ka dibna dagaalkii ayaa horay kasii bilawday markii la siku fahmi waayay rabitaannadii labada dhinac, Kan maanta ahna wuxuu la xiriiraa kuwaas hore. Anagu dhinacannaga waxaan isku dayaynaa sidii caadadaba noo ahaan jirtay inaan ilaalinno wixii aan isku waafaqno, Xaga Ethiopiana sidaas ayaan ka rajaynaynaa.
Somalimirror: ma isleedihiin hashiiskani haddii uu taabbo galo wuu xaqiijin doonaa himiladii dadweynaha reer soomaali galbeed?
Sh. Ibraahim : Hishiiskani haduu taaba galo waxaan isleenahay wax badan ayuu usoo kordhin doona shacabka ree soomaali galbeed. Marfka loo gudbo marxaladda 2aad ee wada hadalkana waxaan miiska soo dhigi donnaa rabitaanka shacabkayaga iyo himilooyikiisii, wada hadalkuna waa dagaal aan hubeysneyn wixii aan u aragno inuu shacabkayaga anfacayana waan qaadaneynaa wixii aan u aragno in uusan bulshadayada wax tar u aheynna ma aqbali doonno.
Marka aan sidaas leeyahay uma jeedo wax walba oo dadkayagu rabay way heli doonaan waxaanse u jeedaa wixii wax ku ool ah ee ka fiican sidan maanta ay ku jiraan, wixii naga dhimmanaadana waan u sii habeen dhaxeynaa wax kasta oo aad rabtana hal mar lama wada helo, wixii aan la wada heleyninna lagama wada tago, xikmadduna waxay keeneysaa in wixii ku anfaca ee aad heli karto aad qadato waxa dhimanna aad raadiso sidii aad ku heli laheyd.
Somalimirror: ururka ONLF ee isaguna itoobiya la dagaallama arrintan ma ka wada socotaan?
Sh ibraahim : haddii aan nahay ururka UWSLF waxaan ku qanacsannahay in aanaan kala maarmin annaga iyo ururka ONLF qaddiyaddayaduna ay mid tahay waxaase caqabad nagu noqotay in hoggaana ururka ONLF aanaan ka helin dareenka noocaas ah sababtu waxa ay dooniba ha noqotee, dhinacayaga intii aan is laheyn waajibku wuu idinkaga dhacayaana waan ka dadaalnay inaan wanaajinno xidhiidhka walaalahayo, waxaanse ka xunnahay in xidhiidhka maanta naga dhexeeya uusan aheyn kii la rabay inuu ka dhexeeyo dad wadaaga diin, dal, iyo dadba, dhinacayagana gari labo nin kama wada qoslisee waxaan eedda saareynaa hoggaanka ururka ONLF waliba dhinaca uu hoggaamiyo admiraal maxamad cumar cismaan.
Su,aasha ku saabsan in aan arrintan ku wargalinnay madaxda ururka ONLF jawaabteedu waa maya maxaa yeelay sida aan horay u soo sheegay nagama dhexeynin xidhiidh heerkaas gaadhsiisan, waxaanse haddadan muujinayaa inaan dhinacayaga diyaar u nahay in aan ajandahayaga mideyno col iyo nabad kaan qaadaneynoba, hadda waxa aan galnayna waa xabbad joojin uun waana la hubaa haddaan taladayada mideynno ama isu soo dhoweynno in qiimaha iyo waxa aan heli karnaba ka badnaanayaan inta midkayaba gaar ahaan u heli karo, culimada,aqoonyahanka,iyo waxgaradka reersoomaali galbeedna waxaan ka codsanayaa inay arrintaas dadaal ku bixiyaan annaguna kama weynin wax dadkayagu ku taliyo.
Marka aan sidaas leeyahayna waxaan ogahay in ururka ONLF laftiisu kulammo gaar ah oo ugu yaraan saddex kulan gaadhaya la qaatay itoobiya
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 6 Replies
- 1010 Views
-
Last post by quark
-
- 2 Replies
- 1525 Views
-
Last post by Ina Baxar
-
- 1 Replies
- 8 Views
-
Last post by Garuun
-
- 4 Replies
- 66 Views
-
Last post by Sheikh Mustafa
-
- 3 Replies
- 798 Views
-
Last post by original dervish
-
- 8 Replies
- 1465 Views
-
Last post by guhad122
-
- 0 Replies
- 561 Views
-
Last post by Sanaagian
-
- 27 Replies
- 3103 Views
-
Last post by Hyperactive
-
- 1 Replies
- 438 Views
-
Last post by Queen_Arawello
-
- 16 Replies
- 2814 Views
-
Last post by X.Playa