Aas Qaran Oo Maanta Degmada Balli-Cabbane Loogu Sameeyey Lafaha Marxuum Xasan Saleebaan-weyne Oo Ka Mid Ahaa Saraakiishii Ururka SNM.
Hargeysa(Ramaas) Apr. 20, 2010 - Masuuliyiin tira badan oo isugu jiray, Wasiirro Xukuumadda ka tirsan, Xildhibaanno Golayaasha Baarlamaanka Somaliland ka tirsan, Saraakiil ka kala socday Xisbiyada Siyaasadda, xubno ka mid ahaa Ururkii SNM iyo dadweyne kale, ayaa maanta ka qaybgalay Aas Qaran oo Degmada Ballicabbane loogu sameeyey Marxuum Xasan Saleebaan-weyne.
Marxuum Xasan Saleebaan-weyne oo ahaa Sarkaalkii ugu horeeyey ee ku geeriyooda hawlgalladii dib u xoraynta 1983-kii ee SNM, kuna geeriyooday dagaal Ciidamadii SNM iyo kuwii dawladdii Soomaaliyeed ee Marxuum Maxamed Siyaad Barre hogaaminayay ku dhexmaray Deegaanka Balli-cabbane, halkaas oo maydka Marxuum Xasan Saleebaan-weyne lagu aasay. Hase ahaatee, Roobab dhawaan ka da’ay deegaankaasi ay soo saareen Lafihiisii, ayaa maanta dib loogu aasay halkaas.
Masuuliyiinta ka qaybgalay Aaska Qaran ee maanta Balli-cabbane loogu sameeyey Mujaahid Xasan Saleebaan-weyne oo uu hogaaminayay Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta Somaliland Maxamed Yuusuf Cismaan, ayaa xabaasha dusheeda kaga waramay taariikhdii Marxuumka, doorka uu halgankii dib u xoraynta iyo dhaqdhaqaaqyadii Ururkii SNM-ba ku lahaa, oo ay sheegeen inuu kaalin muhiim ah labadaba ka soo qaatay.
Guud ahaanba Masuuliyiinta iyo dadweynaha kale ee Aaskaa ka qaybgalay, waxay Illaahay ka baryeen inuu Marxuumka Naxariistii janno ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo dhammaan Somaliland, Ururkii SNM, gaar ahaanna Qoyskii iyo qaraabadiisii. Sidoo kale, waxa halkaa looga duceeyey guud ahaanba Halgamayaashii SNM ee ku naf-waayay iyo kuwii ku naafoobay dagaalladii Ururka SNM dalka ku qabsaday, kagana xoreeyey dawladdii Siyaad. Marxuumka waxa dhawr sano ka hor Taallo looga sameeya Magaalada Balli-cabbane ee uu ku geeriyooday 1983-kii.
Ramaasnews Desk
Hargeysa/Somaliland.
Aas Qaran Oo Maanta Degmada Balli-Cabbane Loogu Sameeyey Laf
Moderator: Moderators
-
- SomaliNet Super
- Posts: 8363
- Joined: Tue Dec 23, 2003 7:00 pm
- Location: H-Town in Somaliland
Re: Aas Qaran Oo Maanta Degmada Balli-Cabbane Loogu Sameeyey Laf
HOW COULD THEY TELL THOSE ARE HIS BORNS?Siciid85 wrote:Aas Qaran Oo Maanta Degmada Balli-Cabbane Loogu Sameeyey Lafaha Marxuum Xasan Saleebaan-weyne Oo Ka Mid Ahaa Saraakiishii Ururka SNM.
Hargeysa(Ramaas) Apr. 20, 2010 - Masuuliyiin tira badan oo isugu jiray, Wasiirro Xukuumadda ka tirsan, Xildhibaanno Golayaasha Baarlamaanka Somaliland ka tirsan, Saraakiil ka kala socday Xisbiyada Siyaasadda, xubno ka mid ahaa Ururkii SNM iyo dadweyne kale, ayaa maanta ka qaybgalay Aas Qaran oo Degmada Ballicabbane loogu sameeyey Marxuum Xasan Saleebaan-weyne.
Marxuum Xasan Saleebaan-weyne oo ahaa Sarkaalkii ugu horeeyey ee ku geeriyooda hawlgalladii dib u xoraynta 1983-kii ee SNM, kuna geeriyooday dagaal Ciidamadii SNM iyo kuwii dawladdii Soomaaliyeed ee Marxuum Maxamed Siyaad Barre hogaaminayay ku dhexmaray Deegaanka Balli-cabbane, halkaas oo maydka Marxuum Xasan Saleebaan-weyne lagu aasay. Hase ahaatee, Roobab dhawaan ka da’ay deegaankaasi ay soo saareen Lafihiisii, ayaa maanta dib loogu aasay halkaas.
Masuuliyiinta ka qaybgalay Aaska Qaran ee maanta Balli-cabbane loogu sameeyey Mujaahid Xasan Saleebaan-weyne oo uu hogaaminayay Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta Somaliland Maxamed Yuusuf Cismaan, ayaa xabaasha dusheeda kaga waramay taariikhdii Marxuumka, doorka uu halgankii dib u xoraynta iyo dhaqdhaqaaqyadii Ururkii SNM-ba ku lahaa, oo ay sheegeen inuu kaalin muhiim ah labadaba ka soo qaatay.
Guud ahaanba Masuuliyiinta iyo dadweynaha kale ee Aaskaa ka qaybgalay, waxay Illaahay ka baryeen inuu Marxuumka Naxariistii janno ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo dhammaan Somaliland, Ururkii SNM, gaar ahaanna Qoyskii iyo qaraabadiisii. Sidoo kale, waxa halkaa looga duceeyey guud ahaanba Halgamayaashii SNM ee ku naf-waayay iyo kuwii ku naafoobay dagaalladii Ururka SNM dalka ku qabsaday, kagana xoreeyey dawladdii Siyaad. Marxuumka waxa dhawr sano ka hor Taallo looga sameeya Magaalada Balli-cabbane ee uu ku geeriyooday 1983-kii.
Ramaasnews Desk
Hargeysa/Somaliland.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 528 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 26 Replies
- 1218 Views
-
Last post by original dervish
-
- 7 Replies
- 725 Views
-
Last post by Sadaam_Mariixmaan
-
- 2 Replies
- 933 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 0 Replies
- 292 Views
-
Last post by SanaagLion
-
- 10 Replies
- 2403 Views
-
Last post by Boodh iyo Torre
-
- 2 Replies
- 279 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 9 Replies
- 519 Views
-
Last post by NewHargeisaGirl
-
- 1 Replies
- 433 Views
-
Last post by THE_TRUTH1
-
- 1 Replies
- 160 Views
-
Last post by FAH1223