Eitherway the govt does something or they leave the country

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

Eitherway the govt does something or they leave the country

Post by AhlulbaytSoldier »

AFHAYEENKA AHLU SUNNA: "Duqeyntii Muqdisho ka dhacday waxaa mas'uul ka ah Dowladda Soomaaliya, waana cambaareynaynaa"

Isniin, April 26, 2010 (HOL) Afhayeenka Culummada Ahlusunna Waljamaaca Sheekh C/llaahi C/raxmaan Abuu-Yuusuf (Al-Qaaddi) oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyay Dowladda Soomaaliya inay mas'uul ka tahay khasaarihii ka dhashay duqeymo dad badan ay ku dhinteen oo shalay ka dhacday Muqdisho.



Afhayeenku wuxuu sheegay in duqeynta ay geysteen ciidamada AMISOM ayna mas'uul ka tahay Dowladda Soomaaliya, isagoo daboolka ka qaaday inay dhankooda cambaareynayaan duqeyntaas khasaaraha geystay.



"Shacabka Muqdisho kuma jiri karaan in maalin walba la duqeeyo, waxaana ugu baaqaynaa Dowladda inay ka adkaato kooxaha kasoo horjeeda ama ay dalka isaga baxdo si cadowgu u qabsado" ayuu yiri Madaxa Wafaafinta ee Ahlusunna.



Wuxuu tacsi u diray ehellada dadkii ku dhintay duqeyntii shalay ka dhacday Muqdisho, gaar ahaan Suuqa weyn ee Bakaaraha oo ay ku dhaceen madaafiicdii ugu badnayd oo dhaliyay khasaare nafeed oo fara badan.



"Magaalada Muqdisho waxaa ka socda duqeyn arxan darro ah kumana tilmaami karno dagaal, waxaa looga baahan yahay dowladda inay badbaadiso dhiigga rayidka ee maalinta walba daadanaya" ayuu yiri Sheekh C/llaahi C/raxmaan oo u rajeeyay dadkii ku dhaawacmay duqeynta inuu Alle caafimaad siiyo.



Dhanka kale, mar uu ka hadlay wadahadallada lagu qaybasanayo awoodda ee ay la leeyihiin Dowladda Soomaaliya ayuu sheegay inaysan jrin wax kulan ah oo ay weli ka yeesheen arrintaas iyaga iyo Dowladda Soomaaliya.



"Haddii aan dowladda la kulanno waxaa xisaabta noogu jirta inaan kala hadalno duqeynta naxariis-darrada ah ee ka dhacaysa Muqdisho maalin walba" ayuu yiri Afhayeenka Ahlusunna oo intaas ku daray in Dowladda ku biirin doonaan fikrado.



Culummada Ahlusunna Waljamaaca ayaa waxay heshiis dhinaca awood-qaybsiga ah la galeen Dowladda Soomaaliya bishii Maarso ee sannadkan, iyadoo dhameystirka heshiisaas lagu ballamay inuu ka dhaco Magaalada Muqdisho.
User avatar
Somali_Boqor
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 319
Joined: Fri Jan 08, 2010 6:16 am

Re: Eitherway the govt does something or they leave the country

Post by Somali_Boqor »

at least these guys have more brain than the Ugandan prostitutes.
User avatar
ciyaal_warta
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9629
Joined: Mon Jan 22, 2007 9:58 pm
Location: Hiiraan State of Somalia

Re: Eitherway the govt does something or they leave the country

Post by ciyaal_warta »

true either way i want the suffering to end.. i dont care who da fock controls the villa somalia :up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”