Madaxweynihii ugu Horeeyay Jamhuuriyada Somaliland

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
AsadSL
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2899
Joined: Sun Mar 21, 2010 2:31 am
Location: Oodweyne

Madaxweynihii ugu Horeeyay Jamhuuriyada Somaliland

Post by AsadSL »

Waxaa maqaalkan igu dhaliyay in aan qalinka u qaato kadib markii aan arkay in dad aan ehel u ahayn tacbiirka iyo lafa gurida taariikhdu ay si qaldan u adeegsadeen ama u dureen taariikhdii dahabka ahayd ee Madaxweynihii ugu Horeeyay Jamhuuriyada Somaliland. Dhanka kale yaanay Sheekadu inagu noqon ana kayga iyo seben jaahiligii wakhtigii carabta reer Quraysheed caabudi jireen (Asnaamta) ee nin waliba sanam yar jeebka kala soo bixi jiray. Xuska loo sameeyay marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal oo madaxweyne ka soo noqday Jamhuuriyada Somaliland wuu u qalmaa in xus loo sameeyo, waxaanu ahaa Shakhsiyad Qiimo leh oo ka baxday qaranka Somaliland waxaana illaahay uga rajaynayaa naxariis balaadhan. Dhanka kale waxaa isweydiin leh maxaa loo qori waayay ee weli hortaagan Taariikhdii ururka SNM taasi waxaan ku soo qaadan doonaa maqaalo danbe hadii Eebe idmo balse kama foga tan aan qalinka u qaatay.

Bal ugu horayn aan iskiin baro intiina qalin duurayaasha ah kumuu ahaa Madaxweynii koobaad ee Jamhuuriyada SL Mujaahid Cabdi Raxmaan Axmed Cali (AHUN). Cabdi Raxmaan Axmed Cali wuxuu ku dhashay miyiga Gobolka Togdheer hilaad ku beegan horaantii soddomaayadii, Cabdi Raxmaan waxaa dhalay Axmed Cali oo ahaa hogaamiye si weyn looga qadirayo bulshada iyo deegaanka Somaliland, waxaanay sidoo kale walaalo ahaayeen Aabihii Tacliinta Soomaaliyeed Marxuum Maxamuud Axmed Cali oo iftiinkii uu shiday ilaa iyo maanta uu ka daaranyahay Geyiga Soomaalidu degto guud ahaantii gaar ahaan Jamhuuriyada Somaliland.

Cabdi Raxmaan Axmed Cali wuxuu nasiib u helay in uu noqdo ardaygii koobaad ee dugsi waxbarasho casri la qoro maadaama oo ay waloolo ahaayeen Aabihii Tacliinta Soomaaliyeed Marxuum Maxamuud Axmed Cali.

Cabdi Raxmaan Axmed Cali waxaa uu ahaa arday aad ugu wanaagsan waxbarshada iyo Isboortiska sida ay ka markhaati kaceen intii taqaanay, waxaanu Cabdi Raxmaan wabxarashadii dugsiga dhexe ku dhamaysto Dugisiga Sheekh isagoo waxbarashadii Dugsiga Sare ugu kici timay dhankaas iyo wadanka Sudan isla markaasina ay isku fasal noqdeen, mid ka mid ah Madaxweyne yaashii soo maray dalka Sudan oo lagu magacaabi jiray Jacfar Numayri, Cabdi Raxmaan wuxuu wabarasho jaamacadeed ugu kicitimay wadanka Ingiriiska waxaana Shahaadada Digriiga kaga qalin jabiyay jaamacada Extreme University maadada maamulka iyo maaraynta (Public management).

Marxuumku wuxuu noqday badhasaabkii ugu horeeyay ee uu noqdo qof reer Somaliland ahi wakhtigii maxmiyadii Ingiriiska waxaanu ka noqday magaalada Borama ee Somaliland. Mudadii Somaliland la midowga la gashay Jamhuuriyadii Soomaaliya wuxuu u diga rogtay isla markaasina noqday Danjire Jamhuuriyada Soomaalida u fadhiya wadamo ay ka mid yihiin, Germany, UAE, Sudan iyo Ethiopia.



Maxaa lagu xasuusan karaa Muj: Cabdi Raxmaan Axmed Cali (Tuur)


Mujaahid Cabdi Raxmaan Axmed Cali wuxuu ahaa masuulkii dhidibada u taagay xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya dadka Soomaalida iyo shacbiga iyo xukuumada dalka Sudan, waana xidhiidhka dhaliyay in ay halkan Somaliland yimaadaan kooxo ka socda fanaaniinta loogu jecelyahay dalka Sudan waxaana ilaa maanta nool dhimbiishii uu nooleeyay Maxadwenihihii Koobaad ee JSL Marxuum Cabdi Raxmaan Axmed Cali, waxaana guushaasi sabab u ahaa aqoonta uu ulahaa dalka Sudan maadaama oo uu dugsigii sare ku soo dhamaystay dalka Sudan isla markaasina ahaa nin si wanaagsan ugu hadla luqada Carabiga oo ay dadka reer Sudan ku hadlaan.

Marxuumku waxaa kale oo uu door diblomaasiyadeed oo muhiim ah ka qaatay dagaalkii Jamhuuriyada Soomaaliya la gashay wadanka Ethiopia maadaama oo uu ahaa Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay magaalada Addis Ababa akhristoow kaalintii lama ilaawaanka ahayd ee Cabdi Raxmaan arintaas kaga qaybqaatay waxaa ka markhaati furay safiirka Soomaaliya u fadhiya wadanka Masar waraysi uu siiyay idaacada BBC laanta Afka Soomaaliga isaga oo sheegay in Marxuum Cabdi Raxmaan Axmed Cali aanu waxba kala hadhin halgankii loogu jiray in dhulka Soomaalida degto lagaga xoreeyo gacanta gumaystaha wakhtiga waraysigaasi ka baxay laanta Afka Soomaaliga ee BBC wuu noolaa Cabdi Raxmaan. Marxuumku kaalintii diblumaasiyadeed ee uu kaga jiray halgankaas waxay ay sababtay in Mingistu uu khaarajiyo ama dilo wasiiro ka tirsan xukuumadiisa oo lagu eedayay in ay gacan saar dhow la lahaayeen safiirka Soomaalida u fadhiya magaalada Addis Ababa. Arintaasi waxay daaha ka faydaysaa sida wax ku oolka ah ee uu kaalintiisa uga soo baxay taasi oo ina xasuusinaysa murtida Soomaaliyeed ee tidhaahda (ama waa ka muuqo ama waa ka maqnow) markaasi isagu waa ka muuqday. Cabdi Raxmaan Axmed Cali wuxuu ku sigtay in lagu shirqoolo gudaha dalka Ethiopia sababtoo ah waxay dawlada Ethiopia dareensanayd in uu qayb libaax kaga jiro sidii uu dawladiisa ula socodsiin lahaa arimaha mukhaabaraadka ee ay dawlada Soomaalidu uga baahnayd gudaha dalka Ethiopia, marxuumku markii uu dareemay in lala maagan yahay iskay dil wuxuu u dabaal joogteeyay sirdoonkii xabashidda waana kii lug kaga soo baxay dalka Ethiopia isaga oo u kicitimay dhankaas iyo dalka Sudan halkaasi oo aanay filayn dawlada Ethiopia in uu u ruqaansado.

Geesta kale waxaa marxuumka lagu xasuusan doonaa in uu ahaa nin aad u afgaaban, go’aan qaadasho, waxaa uu ahaa nin dhegaysta fikradaha dadka kale isla markaasina aad u dulqaad badan. Horaantii 1983 Cabdi Raxmaan Axmed Cali wuxuu xilkii safiirnimo ee uu ka hayay magaalada Abu Dhabi uga fadhiistay sidii uu dadkiisa uga saari lahaa dulmigii ay ku haysay dawladii uu madaxda ka ahaa kali taliye Maxamed Siyaad Bare, waxaanu ku biiray Ururkii Dhaqdhaqaaqa Wadaniga Soomaaliyeed ee SNM isaga oo u noqday wakiilka SNM u fadhiya qaarada Yurub waxaanu marxuumku uga faa’ideeyay ururkii SNM khibradiisii dimlomaasiyadeed uu ku soo dhex jiray intii badnayd noloshiisa, Marxuumku wuxuu waxbadan maareeyay xalinta khilaafaadkii ka dhex jiray gudaha SNM wakhtigii halganka isaga oo meelo dheer uga soo kicitimay, waxaanu kaalin weyn ku lahaa magacaabistii Muj Axmed Siilaanyo loogu doortay Gudoomiyaha SNM, isla markaasina laga wareejiyay jagadii Gudoomiyenimo Muj Cabdi Qaadir Koosaar (AHUN). Cabdi Raxmaan Axmed Cali wuxuu noqday ama nasiib u yeeshay in uu ku guulaysto xorayntii dalka Somaliland waxaana uu rumeeyay ama ka jibo keenay balanqaadkiisii ahaa in dalka ku xorayn doono mudo aan ka badnayn lix bilood, Cabdi Raxmaan Axmed Cali wuxuu judhadiiba dardargeliyay in taliskii Maxamed Siyaad Bare lagu kiciyo jabhado kale waana kii hubeeyay jabhadii USC ee uu hogaamiyaha u ahaa Marxuum General Maxamed Faarax Caydiid, hadii aanu sidaa yeeli lahayn wakhti dheer ayay qaadan lahayd in Siyaad Bare iskaga cararo wadanka. Mujaahid Cabdi Raxmaan markii loo magacaabay Gudoomiyaha SNM bishii april 1990 loona gelbiyay dhinaca magaalada Addis Ababa waxaa madaxweynihii Ethiopia u arkay in uu yahay Shakhsi leh waayo aragnimo siyaasadeed maadaama oo uu ogaa kaalintii waxku oolka ahaydd ee Cabdi Raxmaan kaga jiray dagaalkii dhexmaray Ethiopia iyo Soomaaliya waxaanu Mingiste u arkaayay cudud ku soo korodhay hogaanka Jabhadii SNM. Marxuumku wuxuu ahaa nin aad u dhowra sharafta iyo karaamada qofnimo, qoraaga reer Somaliland Boobe Yuusuf Ducaale oo ka mid ahaa waftigii dhanka Addis Ababa usii raacay gudoomiyaha waxaa uu sheegay in ay intii ay halkaas joogeen ay soo gashay munaasibada 26 June maalintii Somaliland ay gobanimada ka qaadatay dalka Ingiriiska isla markaasina rag uu Boobe ku jiray ay Cabdi Raxmaan oo ahaa markaasi Gudoomiyihii SNM ka codsadeen in ay xaflad ku xusaan maalinta qiimaha leh isla markaasina uu raaco Marxuumku, balse Cabdi Raxmaan Axmed Cali wuxuu u sheegay ragii uu Boobe ku jiray in dalka Ethiopia mudadii uu ka shaqaynayay uu dalka Eedo ka galay ama sababtiisa dad badan lagu waxyeeleeyay sidaasi darteed ay tahay in uu ilaaliyo karaamadiisa Gudoomiyenimo, waxaanu marxuumku ahaa nin aan lahayn belwada Alcholo taasi oo disha milgaha qofka aadamaha ah.

Cabdi Raxmaan Axmed Cali wuxuu ahaa shakhsi aad u garasho dheer wuxuu dalka hogaamiyay mudo aad u kooban oo ahayd Laba Sano, dalku aad buu u burbursanaa dhinackasta, dadkana qof waliba waxa uu sitay qori mana jirin wakhtigaas bisayl ay dadkeenu u qabaan nabad oo waa fududayd sida dagaal loo ridi karaa. Cabdi Raxmaan waxay dawladiisu ahayd dawlad uu ka soo dhisay ururkii SNM, balse kooxo ka mid ah Dhaqdhaqaaqii SNM waxay ka horyimaadeen maamulkii uu rabay in uu ka dhiso dalka, iyaga oo ku furay dagaalo sokeeye oo aynu inteena badani goob joog u ahayn. Marxuum Cabdi Raxmaan Axmed Cali oo maalin ka hadlayay khayriyada magaalada Hargeysa waxaa uu sheegay in uu isagu maanta yahay nin weyn oo odday ah isla markaasina ay dhaxalka SNM u aayi doonaan raga dhalinta yar ee ka tirsanaa ururkii SNM, hadalka Madaxweynuhu wuxuu duurxulkiisu ahaa in uu isagu yahay nin SNM ah isla markaasina wada shaqayn lala sameeyo hadii kale ay dhici karto in inta isaga laga cararayo guushii SNM lagu tuuro meel ay adag tahay kala soo noqoshadeedu sida maanta dhacday ee aynu u jeedno.

Marxuum Cabdi Raxmaan Axmed Cali waxaa lagu xasuusan doonaa sidii wanaagsanayd ee uu xilka u wareejiyay maalintii ay xukuumadiisa wakhtigu ka dhamaaday waliba isaga oo labdii sano ku soo qaatay dagaal sokeeye. Markii la abaabulayay shirkii Boorama Cabdi Raxmaan wuxuu socdaal ugu maqnaa dhanka iyo wadanka Faransiiska waxaana xilka madaxweynenimo sii hayay Muj Xasan Ciise Jaamac, mar wargeysii Xoriya wax ka weydiiyay hadii shirka Boorama lagu soo hadal qaado arin siyaasadeed maxaa idiinka qorshaysan, wuxuu Xasan Ciise ku jawaabay in shirku noqon dooni ciyaar lagu kala dareeray hadii arintaasi lagu soo hadal qaado, balse duruufo jiray awgeed wuxuu Cabdi Raxmaan doorbiday in uu guurtida ku wareejiyo xilkii uu umada u hayay waxaan halkaas qofka saaxibul caqliga ahi ka dheehan karaa, bisaylkiisii siyaasadeed heerka uu gaadhsiisnaa. Mudadii uu xilku ka dhamaaday hadii uu xilka isku dhejin lahaa oo aanu sidaasi yeeli lahayn isla markaasina uu soo fadhiisan lahaa daamaha magaalada Hargeysa mid ka mid ah arintu waxay maanta noqon lahayd ama u ekaan lahayd dhibaatada maanta ka taagan magaalada Muqdisho, maantana waadiga arkaya inta goor ee ay doorashadu dib u dhacday. Cabdi Raxmaan wuxuu ahaa Madaxweynihii isaga oo madaxweyne ah gaadhigii uu wata laga dejiyay isla markaasina, dhacdadaas u maamulay sidii ku haboonayd. Markii uu Cabdi Raxmaan Xilka ka tegay uu yimi Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waxaa wasiirkii arimaha Gudaha ee wakhtigaasi ku dhawaaqay in SNM wax la yidhaahdaa aanay jirin oo SNM sidaasi ku god gashay waa raga maanta SNM ugu oohinta badan, balse waxaan ogahay in ay jirtay waayo aragnimo la’aan, balse maanta hadii laga qaylinayo in dawlada maanta taagan ay ka kooban tahay ragii dalka laga xoreeyay su’aasha meesha taalaa waxay tahay, yaa sabab u ahaa in xukunka ururkii SNM laga dhexal wareejiyo isla markaasina maanta lagu cataabo in xukunku gacanta ugalay ragii wakhtigaas ka soo jeeday dhankii kale ee ay maanta ka midka yihiin masuuliyiinta dawlada intooda badani?. Waxaa sabab u ahaa ragii SNM ee ay ka socon wayday dawladii SNM madaxda ka ahayd ee garan waayay waar labada sano si fiican ula shaqeeya hogaamiyihiina xataa Madaxweyne Ku-xigeenkii ka dhigay gudoomiye ku xigeenkii ururkii SNM. Mar inaad qaldanto bini aadmi ayaad u tahay balse waa in aad garowshiiyo ka bixisaa qaladkaaga oo dadkaaga bartaa waxa loo yaqaano qirashada qolooca waa arin muhiimkeeda leh. Guntii iyo gebegebadii waxaan maqaalkayga ku soo xidhayaa maansadii Galaal ee Abwaan Hadraawi ka tiryay Geeridii Abwaan Muuse Galaal, waxaanu yidhi:

Nin kastaa ha gooddiyo
gocorradu ha doobyeen
godadliyo hinaasha
waxaad kaga gam'aysaa
runtu waa Galaalow
murti garangarteediyo
goobaha tixraaca leh
haddii maanso loo guro
guddigeeda khaaska ah
golajoogga maantaas
adigaa guddoonshe ah.
Suugaanta guunka ah
afgobaadsigeediyo
gaalgaalka jiiftada
godka hogatusaalaha
ninka gawda baanaha
gaawaha hayaad tahay.

Hawraar gahaydhiyo
maahmaah go' xidhatiyo
gololada sarbeebta ah
halka ay ku gorortiyo
godaniyo ishaad tahay.

Geeraarka kahadalkii
gabay iyo abtirintii
jirridiyo guntaad tahay.

Gaadiidka dhaqankiyo
gurguurshaaga heesaha
garka lagu daleeyiyo
gibishiyo figtaad tahay

Goobaha aftahamada
guga doogsinkiisiyo
gudgudaa hillaaciyo
guulaamo cartiyo
galal buuxsamaad tahay
Gudcurkiyo habeenkii
saadaasha guudkiyo
godadkiyo xiddigiska na
dayaxoo galshaystiyo
gabbalaha cirkaad tahay

Gebagebada sheekada
hambalyada Galaalow
waxaan kugu galbinayaa
martisoorka gacalkiyo
geenyadii abaalkiyo
mahad aan gaboobeyn.

Guntigaaga waa sharaf
goonyahaaga waa nuur
gogoshaadu waa nabad
guusha na dadkays ka leh
dalka geesigiisiyo
galladda na adaa mudan.



Khadar Axmed

Abtiyo43@yahoo.com
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Madaxweynihii ugu Horeeyay Jamhuuriyada Somaliland

Post by The_Emperior5 »

This is the first president of somaliland

Image
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”