Cabdi Dhoombe oo ahaa abwaan gabyi jiray qarni intii udhaxeysay 1890-1940'kii, ayaa isagoo JigJiga jooga maqlay geerida sayidka, Cabdi-dhoombe asal ahaan wuxuu kasoo jeedaa qarbidahare, JigJigana wuxuu ku ahaa inan layaal.
Gabaygan wuxuu abwaanku ku sifeynayaa naxdinta geeridaasu ku keentay iyo sida qabaa'ilada soomaaliyeed uu jabkani ukala badalay awoodahooda, oo kii horray dirir loogu yaqaanay, laga awood batay,Kii aan horay abwaan u aheyn uu hada usheegto aftahanimo, dadkii gumeysiga raacay iyo ingiriiska oo nin walba gees kasoo faanay isagoo awood sheeganaya.
Arimahaas oo dhan ayuu gabaygan ku sifeeyay.
Aduunyada nin geesi ah maxaa Gaadmo lagu wiiqay
Muxuu fulaygu goodiyay siduu goolka dhalinaayo
Maxaa doqon garaadkii hadloo gaani lagu sheegay
Maxaa gabay nimaan tirin aqoon gole ka sheekeeyay
Maxaa guuyo kii dhaqan ogaa guri banaan seexday
Geelii ogaadeen maxaa guuto lagu boobay
Maxay guni hantiday maal rag kale gobina caydhawday
Gaashaan dhigii iyo maxaa guure wada naaftay
Maxaa guul nimaan sheegan jirin libin ku geeraaray
Muxuu kii ganbada qaadan jiray guudka sare laacay
Inkastooo guyaan hore col iyo godobi noo tiilay
Inkastuu guryaha reer subeer guluf kusoo qaaday
Gadaankii tolkii buu ahaa gaadhka hayn jiraye
Gidaar aan la marin buu ahaa lagana giigaaye
Gaambiye dagaal buu ahaa gaasas bixiyaaye
Gumac iyo mariid buu ahaa gaalka weerara'e
Geeraarshe waynbuu ahaa gabay aqooneede
Guubaabadiisaan murtida cidi ku gaadhayne
Gayigaba ragii uga tagee cadan u guureeyay
Garbasaarna qaarna loo xidhaaa soo gunuunucay e
Gablamaye darwiishkii miyaaa geeri lagu sheegay
Abwaan cabdi dhoombe iyo geeridii sayid maxamed
-
- SomaliNetizen
- Posts: 428
- Joined: Fri May 23, 2008 2:34 am
- Location: Awaare
- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
Re: Abwaan cabdi dhoombe iyo geeridii sayid maxamed
faraax caytame waxaad iga waranta Marki qoladina Maxammad suber siba reer cabduluhu aad geela ka dhacdeen darawiishta
-
- SomaliNetizen
- Posts: 428
- Joined: Fri May 23, 2008 2:34 am
- Location: Awaare
Re: Abwaan cabdi dhoombe iyo geeridii sayid maxamed
Reer Subeer Daraawiish buu ahaa Intii Ka horeysay Dagaalkii JigJiga ka dhacay, Dagaalkaas ka dib buu khilaafku bilowday.
Geel badan iyo rag badana waa la kala laayay.
Geelal badan baa laga soo dhacay daraawiish, Iyana ay ka dhaceen Reer Subeer.
Gabaygan hoose ee sayidku mariyay kolay wuxuu ka mid yahay, Geel isaga laga soo dhacay oo Muxumed-Waal soo dhacay, Yuu daraawiish ku guubaabin hayay in laga daba tako.
Hadaan Dhoodiyoow Reer Subeer lagu dhex qaadsiinin
Cidiyaha hadaad dhiig la gelin Sida Dhulkoo Rays ah
Dhalinyarada Rer Warfaa Hadaan Bahal ku dheylaasin
Hadaan Bah Dhuubooy Waxaad Dhaqatay Kaa Qaadin
Dhedigood iyo Wuxuu igu Yahay Dhiiga Naagaha'e
Geel badan iyo rag badana waa la kala laayay.
Geelal badan baa laga soo dhacay daraawiish, Iyana ay ka dhaceen Reer Subeer.
Gabaygan hoose ee sayidku mariyay kolay wuxuu ka mid yahay, Geel isaga laga soo dhacay oo Muxumed-Waal soo dhacay, Yuu daraawiish ku guubaabin hayay in laga daba tako.
Hadaan Dhoodiyoow Reer Subeer lagu dhex qaadsiinin
Cidiyaha hadaad dhiig la gelin Sida Dhulkoo Rays ah
Dhalinyarada Rer Warfaa Hadaan Bahal ku dheylaasin
Hadaan Bah Dhuubooy Waxaad Dhaqatay Kaa Qaadin
Dhedigood iyo Wuxuu igu Yahay Dhiiga Naagaha'e
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 5 Replies
- 943 Views
-
Last post by Ismail_Boss
-
- 13 Replies
- 1855 Views
-
Last post by MAD MAC
-
- 1 Replies
- 401 Views
-
Last post by Minneapolis Mayor
-
- 12 Replies
- 2543 Views
-
Last post by EEGA9
-
- 3 Replies
- 490 Views
-
Last post by Mr_Alfaas
-
- 29 Replies
- 3530 Views
-
Last post by Buhodle-Gurl
-
- 0 Replies
- 870 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 5 Replies
- 1123 Views
-
Last post by guhad122
-
- 1 Replies
- 1477 Views
-
Last post by QansaGabeyle