Guddoomiyaha Komishanka Ciise Yuusuf Maxamed
Hargeysa (Jam)- Qaybinta kaadhadhka cusub ee codaynta doorashada Madaxtooyada oo lagu beddelayo kuwii hore ee diiwaangelinta, ayaa si rasmi ah saaka 7:00 subaxnimo ka bilaabmi doonta dhammaan oo dhan.
Beddelaada kaadhadhka oo ka dhacaysa in ka badan 1130 goobood oo ku kala yaala dalka, waxay socon doontaa muddo toddoba maalmood ah oo ay dheer yihiin 10 maalmood oo dheeraad ah, ayaa la filayaa in 7:00 subaxnimo ee saaka ay ka wada bilaabanto dhammaan goobihii hore diiwaangelintu uga dhacday ee dalku.
Waxaana shalay ilaa xalay komishanku ku hawlanaa sidii ay u gaadhsiin lahaayeen goobihii u dambeeyey agabkii kaadhadhka cusub oo ku jira sanaaduuq iyo shaqaalaha ka hawlgala oo ay weheliyaan ciidamo boolis ah oo loogu talogalay inay ammaanka sugaan, iyadoo xubnaha Guddiga Doorashooyinku aanay ilaa xalay seexan ee ay heegan ugu jireen dhammaystirka in guul uu ku bilowdo qorshaha beddelaadda kaadhadhka cusub ee diiwaangelinta.
Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Eng. Ciise Yuusuf Xaaji Maxamed (Xamari) oo xalay saqdii dhexe Wargeyska Jamhuuriya kula xidhiidhay khadka telefoonka isagoo ku hawlan shaqada maanta bilaabmaysa, ayaa sheegay in inta badan goobaha loogu talogalay in kaadhadhka laga bixiyo ee dalka oo dhan ay wada gaadheen agabkii iyo shaqaalihiiba, marka laga reebo dhawr meelood oo roobab yar xanibeen isu socodkii.
“Dhammaan dalka oo dhan hawsha qaybinta kaadhadhka cusub berri [saanka] ayey ka bilaabmayaan, agabkii iyo shaqaalihiina badankooda goobaha laga bixinayo way gaadheen, marka laga reebo gobo kooban oo roobab xanibeen,” ayuu yidhi Eng. Xamari.
Guddoomiyuhu waxa uu shacabka ugu baaqay inay kaadhadhka cusub ee doorashada loogu talogalay si nabadgelyo ah u qaataan, waxaannu yidhi; “Dadweynaha reer Somaliland waxaan ugu baaqayaa inay si wanaagsan oo nabadgelyo ah u qaataan kaadhadhka cusub ee doorashada.”
Sidoo kale, Guddoomiyaha oo shalay warbaahinta uga waramay bilowga diiwaangelinta iyo siday uga hawlgalayaan, ayaa sheegay inay dhacayso goobo tiradoodu gaadhayso 1131 oo ah meelihii hore diiwaangelintu uga dhacday.
Eng. Xamari waxa uu xusay in kaadhadhka la beddelayaa yihiin labadii kaadh ee hore dadweynuhu ugu qaateen diiwaangelintii codbixiyayaasha, “Qof waliba wuxuu keenayaa labadii kaadh kii aqoonsiga iyo kii codbixinta, hadii uu mid ka lumay ka kale waa la ogol yahay, kaadhkan aanu siinaynaana waa kaadh labadiiba ka kooban.”
Md. Xamari waxa uu sheegay in qofka aan qaadan kaadhadhka cusub ee codbixintu aanu ka qaybgeli doonin doorashada, “Doorashada madaxtooyada ee socota waxa gelaya oo keliya cidii qaadatay kaadhadhka codbixinta, kuwaas oo socon doona 7 cisho iyo 10 cisho oo dheeraad ah.”
Guddoomiyaha oo la waydiiyey waxa laga yeelayo dadka degaanada miyiga ee ka guuray goobihii markii hore ay iska diiwaangeliyeen, waxa uu ku jawaabay, “Haddii ay dhacdo in dadku ay u kala hayaamaan meelo kala fog waxa dhacaysa in uu qof waliba heli doono oo uu iman doono degmada, haddii la waayana kaadhkiisa la tuuri maayee waa loo haynayaa, waxaanu qofku kaadhadhkiisa soo doonanayaa marka la helo fursad.”
Guddoomiyaha komishanka ayaa cadeeyay in xisbiyada ay u sheegen in ay keenaan muraaqibiintii u joogi lahayd goobaha diiwaangelinta “Saddexda xisbiba waxa aanu u sheegnay in haddii ay doonayaan in ay muraaqibiin u soo dirtan goobaha ay soo gudbiyaan liisaska magacyada dadka ay u soo dirsanayaan goobahaas, dadkaasina maaha kuwo fadhiyaya meesha’e ay noqdaan kuwo wareegaya oo kolba la socda sida ay hawluhu u socdaan,” ayuu yidhi guddoomiyaha komishanka doorashooyinku.”

