Somaliland ministers and parliamentarians arrive in dhahar

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Somaliland ministers and parliamentarians arrive in dhahar

Post by The_Emperior5 »

Wasiirka Ciyaaraha SLD Iyo Xildhibaan Baarlamaaka Ah Oo Gaadhay Degmada Dhahar Ee G. Sanaag
Waxa Magaaladda Dhahar ee Gobolka Sanaag caawa fiidkii gaadhay, wafdi wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan golaha wakiiladda Somaliland oo halkaa ka hawl gali doona qaybinta kaadhadhka cusub iyo sidii dadweynaha loogu wacyi galin lahaa inay qaataan oo si mug leh uga qayb galaan.
Sida uu ku soo warramay weriyaha wargeyska Maalmaha ee gobolka Sanaag C/laahi Xuseen Darwiish oo aanu warkan ka helnay waxa caawa fiidnimadii gaadhey degmada Dhahar ee gobolka Sanaag Wasiirka Dhallinta iyo Cayaaraha Maxamuud Sciid iyo Xil-dhibaan Baar Siciid oo ka tirsan golaha wakiillada.

Xildhibaan-Baar siciid oo weriyuhu khadka telefoonka kula xidhiidhay ayaa sheegtay in socdaalka iyada iyo wasiirka aanay jirin cid kale oo ku wehelisa sidoo kalena sheegtay in socdaalkoodani yahay mid ku salaysan kaadhadhka cusub ee xilligan laga beddelanayo degaankooda balse aanay jirin wax olole kusaabsan xisbi ahaan Udub oo ay xilligan u socdaan.

“Socdaalkayaga marka hore waxannu nimid degaankayagii laakiin wuxu ku salaysan yahay in aannu dadkayaga kala qayb qaadanno wacyigelinta kusaabsan kaadhadhka cusub ee la qaadanayo iyo annaga oo markii horeba kaadhadhkayaga ka qaadannay halkan imminkana ka beddelanayna”. Sidaas waxa tidhi Xildhibaan-Baar oo weriyaha khadka telefoonka ugu warramaysey.

Xildhibaan-Baar oo weriyuhu weydiiyey socdaalkoodani in uu la xidhiidho olole ku waajahan in la doorto xisbigooda Udub ayaa tidhi “Xilligan uma soconno tas waayo lama gaadhin waqtigii axsaabtu ololayn lahaayeen”. Wasiirka cayaaraha ayaa khadka telefoonka awgiis waxa suurto geli weydey in weriyuhu wax xidhiidh ah la sameeyo.

Dhinaca kalena Maayorka degmada Dhahar Cali Kilwe Cismaan ayaa isagana weriyaha oo khadka telefoonka kala xidhiidhay waxna ka weydiiyey guud ahaan xaaladda degmadiisa iyo hawsha beddelashada kaadhadhka cusub ee codbixinta wuxu yidhi

“Guud ahaan xaaladda degmadu xag nabadgelyo iyo xagga roobabkaba waa fiican tahay wax dhibaato ahina kama jiraan hawshii diiwaangelintuna gudaha Dhahar iyo magaalooyinka ku gedaaman ee ay ka mid yihiin Balli-busle Boodda-cad Baraagaha-qol iyo meelaha baadiyaha ah intaba waa ka socotaa”.


Source sanaag.org
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Somaliland ministers and parliamentarians arrive in dhahar

Post by Siciid85 »

:up:
oldenglish
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5673
Joined: Wed Jan 28, 2009 6:57 am
Location: The Kingdom of Maakhir Coast

Re: Somaliland ministers and parliamentarians arrive in dhahar

Post by oldenglish »

None of the MPs of SL are from Dhahar maybe one and then its zero possiblity that non-Dubays let alone Cumars can parade around an Isaaq government in hargeysa, when Bosaaso is no different than dhahar.

A wasir from SL thats Dubays who returns to Dhahar doesnt mean SL is there. Isaaqland can never incorporate Sanaag because we have different cultures and the basic, we ruled you you cant take control financially and politically of a foreign region when your piss poor.

SL and the propaganda wheel is amusing but you know sanaag.org is not even a Sanaag website (burco+waaqoyi news has nothing to do with sanaag).
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Somaliland ministers and parliamentarians arrive in dhahar

Post by The_Emperior5 »

Wasiirka Cayaaraha iyo Xildhibaan Golaha Wakiillada oo Gaadhey Degmada Dhahar ee gobolka Sanaag.
Written by Qarannews
May 17, 2010 at 03:08 PM
Dhahar (Qarannews) - Waxa Magaaladda Dhahar ee Gobolka Sanaag caawa fiidkii gaadhay, wafdi wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan golaha wakiiladda Somaliland oo halkaa ka hawl gali doona qaybinta kaadhadhka cusub iyo sidii dadweynaha loogu wacyi galin lahaa inay qaataan oo si mug leh uga qayb galaan.
Sida uu ku soo warramay weriyaha wargeyska Maalmaha ee gobolka Sanaag C/laahi Xuseen Darwiish oo aanu warkan ka helnay waxa caawa fiidnimadii gaadhey degmada Dhahar ee gobolka Sanaag Wasiirka Dhallinta iyo Cayaaraha Maxamuud Sciid iyo Xil-dhibaan Baar Siciid oo ka tirsan golaha wakiillada.

Xildhibaan-Baar siciid oo weriyuhu khadka telefoonka kula xidhiidhay ayaa sheegtay in socdaalka iyada iyo wasiirka aanay jirin cid kale oo ku wehelisa sidoo kalena sheegtay in socdaalkoodani yahay mid ku salaysan kaadhadhka cusub ee xilligan laga beddelanayo degaankooda balse aanay jirin wax olole kusaabsan xisbi ahaan Udub oo ay xilligan u socdaan.

“Socdaalkayaga marka hore waxannu nimid degaankayagii laakiin wuxu ku salaysan yahay in aannu dadkayaga kala qayb qaadanno wacyigelinta kusaabsan kaadhadhka cusub ee la qaadanayo iyo annaga oo markii horeba kaadhadhkayaga ka qaadannay halkan imminkana ka beddelanayna”. Sidaas waxa tidhi Xildhibaan-Baar oo weriyaha khadka telefoonka ugu warramaysey.

Xildhibaan-Baar oo weriyuhu weydiiyey socdaalkoodani in uu la xidhiidho olole ku waajahan in la doorto xisbigooda Udub ayaa tidhi “Xilligan uma soconno tas waayo lama gaadhin waqtigii axsaabtu ololayn lahaayeen”. Wasiirka cayaaraha ayaa khadka telefoonka awgiis waxa suurto geli weydey in weriyuhu wax xidhiidh ah la sameeyo.

Dhinaca kalena Maayorka degmada Dhahar Cali Kilwe Cismaan ayaa isagana weriyaha oo khadka telefoonka kala xidhiidhay waxna ka weydiiyey guud ahaan xaaladda degmadiisa iyo hawsha beddelashada kaadhadhka cusub ee codbixinta wuxu yidhi

“Guud ahaan xaaladda degmadu xag nabadgelyo iyo xagga roobabkaba waa fiican tahay wax dhibaato ahina kama jiraan hawshii diiwaangelintuna gudaha Dhahar iyo magaalooyinka ku gedaaman ee ay ka mid yihiin Balli-busle Boodda-cad Baraagaha-qol iyo meelaha baadiyaha ah intaba waa ka socotaa”.

Harawo
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”