Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ayaa maanta deeq dhan todobaat

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ayaa maanta deeq dhan todobaat

Post by Siciid85 »

Hargeysa(HWN):- Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ayaa maanta deeq dhan todobaatan neef [70] oo ugu deeqay dhowr xarumood oo kala duwan ee dhisan Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Goobaha uu Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe uu deeqdan gaadhsiiyey ayaa waxay kala ahaayeen Cusbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa, Cusbitaalka TB-da, xarunta agoomaha iyo xarunta curyaamiinta ee Magaalada Hargeysa.kuwaas oo dhamaantood ku farxay sida uu Guddoomiyaha Xisbiga UCID uu deeqdan ugula niyooday.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo ay wehelinayaan Guddoomiyaha ololaha Xisbiga UCID Saleebaan Daahir [Dogax], iyo xoghayaha arrimaha bulshada ee Xisbiga UCID Cabdinaasir Yuusuf [Qodax] ayaa waxay deeqda ay goobahaasi u qeybiyeen kala yihiin sidan, afartan neef oo waxay gudoonsiiyeen Cusbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa, halka todoba neefna ay gudoonsiiyeen Cusbitaalka TB-da, waxaanay todon neef siiyeen xarunta Curyaamiinta ee Magaalada Hargeysa, halka tobanka kalena ay siiyeen xarunta agoomaha ee Magaalada Hargeysa.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay Munaasibada gudoonsiinta deeqdan ayaa waxa uu mahad-naq balaadhan u soo jeediyey goobaha ay deeqda gudoonsiiyeen, isaga oo sheegay inaanay deeqdani noqon doonin deeqdii ugu horeysay ee ay gaadhsiiyaan dadka jilicdasan, balse ay si joogto ah u siin doonaan Xisbiga UCID ahaan iyo Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ahaanba.

Masuuliyiintii goobahana ay gudoonsiiyeen deeqaha ayaa iyaguna uga mahad-celiyey Xisbiga UCID deeqdan ay soo gaadhsiiyeen, iyaga oo ku tilmaamay inay tahay mid xaaladoodaa uu kaga war-hayo iyo heerka ay taagan yihiinba.


Mustafe-Janaale

Hadhwanaagnews/Office

Hargeysa/Somaliland

Email:Janaale94@gmail.com
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”