Gabey:Habar dugaag garatey

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
oldenglish
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5673
Joined: Wed Jan 28, 2009 6:57 am
Location: The Kingdom of Maakhir Coast

Gabey:Habar dugaag garatey

Post by oldenglish »

GABEY:-] BUURAHA GANDOODOO oo ku wajahan raga u shaqo tegey Hargeysa qasna ka wada Sanaag[Dhegeyso]

Gabeygani waxa uu ka mid yahay gabayada uu tiriyey Abwaan Cumar Sanaag oo hadlaya nimankaan loo soo direy iney hoygoodii ka huriyaan colaad iyo iney dulinimo u horseedaan iyadoo deegaankan ay kasoo jeedaan lagu yaqaano Ilbax iyo xadaarad soo jireen ah.



Abwaanku markuu sharaxayey Gabeygan waxa uu yiri ''Gabeygani waxa uu ku yimi markaan arkey sida uu gabolku hodanka ugu yahey biyaha, kaluunka, beeraha, Geela iyo dhamaan hantida dabiicaga ah oo aan gaajo iyo haraad toona loogu dhimaneyn isla markaana aan arkey iney rag u dhashey gacan haadis u joogaan gobolo lagu gumeeyo oo aan laga tix gelineyn ayna u baryo tageen''.



Gabeygan waa gabey qiimo badan isla markaana hal qabsi ka dhigtey nimacada uu hodonka ku yahay Gobolkaan isla markaana aysan dadkan tegey Hargeysa oo 100ka Dollar ku iibsadey Sumcadoodii iyo sumcada reerkoodii soo jireenka ah ka haqab tiri kara wax kastoo gaajo ah.



Abwaanku waxa uu ragan u sharaxay xitaa iney Habar dugaag garatey ineysan ka hayaamin deegaankoodii oo aysan meel kale marti ku noqon isagoo gabeygan ku dhiiri gelinaya nimankaan hungurigu qaadey bal iney eegaan oo dareemaan ineysan gaajo cidi ugu bakhtiyeyn dhulkoodii hooyo.


http://www.laasqoray.net/Murti/Gardarana_Hamoodi.mp3
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”