Faysal oo siwayn logu soo dhoweeyeey Ceerigaabo

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Bohol iyo karaman
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1060
Joined: Sat Dec 03, 2005 12:37 pm
Location: Is'argoof> Inta Sacad Yoonis dhaqaan yahay Sidaan falaaba ii furan

Faysal oo siwayn logu soo dhoweeyeey Ceerigaabo

Post by Bohol iyo karaman »

Gudomiyaha xisbiga cadaalada iyo daryeelka ahna murashaxa jagada madaxweynha ee xisbiga ucid Eng:Fatsal Cali Xuseen ayaa saaka wafti uu hogaaminayaa ka soo anbabexeen degmada ceel afweyn ee gobolka sanaag waxaana weftida uu hogaaminayo gudoomiyuhu ayaa saaka abaaro 10kii subaxnimo kusoo dhaweeye dueedka magaalada cerigaabo masuuliyiinta xisbiga iyo taageerayaasha oo gaadiid aad utiro badan sitana astaanta xisbiga boodha iyo halkudhigiyo ay ku taageerayaan musharax madxweynaha iyo ku xigeenkiisa waxaana ay weftidu usoo anbabexeen dhinacaa iyo magaalada waxaana lasoo mariyey wadooyinka iyo shaaracyada waaweyn ee magaalada waxaana ugu danbayntii lageeyey fagaaraha beerta xuriyada ee Nuura waxaana ahalkaa kusugnaa kumanaan katirsan taageerayaasha xisbiga cadaalada iyo daryeelka waxaana safaraka musharaxa ku wehelinayey gudoomiye kuxigeenka xildhibaano iyo masuuliyiin ka tirsan xisbiga Ucid

Waxaana munaasibadaa ugu horayntii munaasibadaa hadal kooban kasoo jeediyey gudoomiyaha xisbiga ucid ee gobolka sanaag C/laahi Axmed Daamur waxaanuu umahad naqay masuuliyiinta iyo taaeerayaasha xisbiga Ucid

Waxaa isaguna halkaa kahadlay xoghayaha beeraha ee xisbiga ucid C/raxmaan Cali Ducaale waxaanuu umahad naqay taageerayaasha xisbig ucid waxaanuu tilmaamay in loo baahan yahay isbedel degdeg ah waxaanuu sidoo kale sheegay inuu idin ka tegey maskii weynaa ee dadka ukala qaybinayey beelaha ee sunta idinkula dhex jiray wuxuu sheegay in gobolada galbeedka laga taag roonaaday ayuu isyiri gobolada bari cod iyo taageeraad ka helayasaa balse uu waxba ka waayey waxaanuu sheegay in xisbiga udub uu gabalkiisii iyo calnkiisiiba dhacay

Xoghayaha arimaha siyaasada ee xisbiga ucid Xuseen Asada oo madashaa kahadlay ayaa isna tilmaamay inuu laba fariimood ugudbinayo dad kudhaqan gobolka Sanaag iyo taageerayaasha xisbiga Udub waxaanuu sheegay in xisbiga Udub maantoo jimce ah tukan doono salaatu jinaase

Maxamed Iidle Cabdule oo kamida masuuliyiinta xisbiga siyaasiga ah ee ucid ayaa dhankiiisa ugu baaqay bulshada ku dhaqan gobolka sanaag inay codkooda siiyaan xisbiga ucid

Waxaa isguna halkaa ka hadlay xildhibaan C/qaadir Askar Xasan oo umahad naqay taageerayaasha xisbiga Ucid waxaanuu ku baraarujiyey inay wadaan hawlada dardargalinta xisbiga ucid

Gudoomiye kuxigeenka xisbiga cadaalada iyo daryeelka ee Ucid Aadan Mire Waqaf oo sina madashaa kahadlay ayaa sheegay inuu madaxweyne riyaale oo ku soo lugo ay gobolka sanaag markii labada xisbi ee kulmiye iyo ucid ay kaga awood roonaadeen xisbiga udub waxaanuu sheegay inaanuu cod ka helayn madaxweyne riyaale gobolka sanaag balse bulshada gobolka sanaag loo baahan yahay inay codkooda iyo cududooda siyaan xisbiga ucid

Gudoomiyaha xisbiga ucid Eng:Faysal Cali Waraabe oo soo gabagabeeye munaasibadaa ayaa ka waramay fadhiidnimada iyo waxqabad ka’aanta xukuumada madaxweyne riyaale waxaanuu sidookale ka hadlay barnaamija waxqabad ee ku aadan dhinac yada caafimaadka waxbarashada iyo arimaha kale ee aasaasiga ah .

iyadoo ay maanta maalintii saddeaxaad ee uu xisbiga Ucid muujinayeye cududiisa ayaa taageerayaahsu si weyn usoo dhaweeyeen musharaxa jagada mdaxweynaha ee xisbigaa si aan loo soo dhaweeyn madax weyne Riyaale oo mudooyinkii udan beeyey ku suganaa gobolka Sanaag isgoo xisbigiisa taageero uraadinaya
balse aad gobolka Sanaag oo ay haatan liweyn ay ugu loolamayaan saddexda xisbi qaran ayaa ay fiinalka taagan yihiin xisbiyada Ucid iyo Kulmiye

C/NAASIR KHAALID SICIID
CERIGAABO/SANAAG
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”