June 14, 2010

By Axmed Muuse Dheere
Waxaa magaalada Bossaso ka socata hub-aruursi ey wadaan labadan beelood, dhacdan ayaa ku soo beegmeysay kadib markii la diley xeer-ilaaliyihii Gobolka Bari iyadoo aan la qaban dilkan cidii geystay balse Dowlada Puntland Beesha Cismaan Maxamuud u sheegtay in dilkan ey geysteen rag ka soo jeeda Beesha Axmed Harti
Waxaa lala socdaa in waayahan ey ka socdeen magaalada Bossaso dilal qorsheysan iyadoo labadan beelood ey ka dhinteen dad gaaraya 40, tani iyo markii la doortey Dowlada Faroole.
Dadkan laga diley labada beelood ayaa isugu jirey Xildhibaano Xeer-ilaaliyaal Qaadiyaal Agaasimayaal Haween Caruur, waxaase nasiib daro ah Maamul ku sheega Puntland ineysan arintan waxba ka qaban balse ey ka shaqeeyeen sidii ey isaga horkeeni lahaayeen beelaha Gobolka Bari ee walaalaha ah.
Dowlada Faroole ee ku fashilantey sugida amniga ayaa imka qorsheyneysa dagaal cusub oo ey dooneyso iney isaga hor-keento beelaha Puntland waxana tani ku soo beegmeysaa xili gobolka Bari ey ka socdaan shirar iyo taageerooyin lagu taageerayo maamulka Sool iyo Cayn ee Madaxwaynaha u Yahay Dr Xagla-Toosiye
Cabdirxmaan Faroole ayaa aad uugu farxsan inuu iska-hor-imaad dhex-maro beelaha walaalaha ee Dashiishe iyo Cismaan Maxamuud kuwaaso ehal iyo ood-wadaag ah, Siyaasi magaciisa aan xusin una dhashey beesha Dashiishe ayaa shaaca ka qaadey in qorshahan iyo colaadan ugubka ah ey ka dambeyso dowlada Faroole iyadoo ey dooneyso iney wiiqdo awooda gobolka Bari iyo iney taageero ka heshay gobolkaas. Waxa aan lawada soconaa in gobolka Bari ey taageeradii kala noqdeen maamulka godoonka ku ah Garowe taasina ey keentay in shacabka ehalka ah la iska horkeeno, Faroole ayaan ka jawaabin dhacdooyinka ka socda gobolka isagoo oo doorbidey inuu ka hadlo doorshada Maamulka SNM.
Labadan beelood ayaan fahmin khiyaanada iyo dabinta uu dhigayo Cabdirxmaan Faroole iyo inta ku fikirka ah waxase la dhowari doonaa sida xaal noqdo.
Warar hoose ayaa sheegaya in Boqor Cabdulaahi Boqor Muuse uu imanayo Bossaso sidii uu u qaboojin lahaa colaada soo kala dhex-gashey labada beelood ee uu u yahay Isimka. Wali Dowlada Faroole ayaan ficil iyo daba-gal ku sameyn dilalka qorsheysan ee ka dhacaya Bossaso waxana la eegi doonaa halka ey ku danbeyn xaalka Bossaso dilalka Faroole wado.
Wararka Bosaaso
Galgalanews
