
FAROOLE OO KU DHAWAAQAY IN UU XAARAN YAHAY URURKA SSC EE XAGLATOOSIYE HOGAAMIYO
Madaxweynaha Maamul Gobaleedka Puntland C/raxmaan Faroole ayaa maanta ku dhawaaqay in degaanada Puntland laga mamnuucay inuu ka hawlgalo ururka SSC (Sool, Sanaag iyo Ceyn) oo uu hogaamiyo Saleebaan Axmed Ciise (Xagla Toosiye).
Madaxweyne Faroole ayaa hadalkaasi kaga dhawaaqay furitaankii kalfadhiga 24aad ee barlamanka Puntland oo maanta ka furmay xarunta barlamanka ee magaalada Garowe.
“Arimaha ka jira Buuhoodle waxa qeyb ka ah jabhada la baxdaty SSC oo anan garaneyn meel ay wax u wado. Waana jabhad xaaraan ka ah Puntland”, ayuu yiri madaxweyne Faroole oo khudbad u jeediyey 49 mudane oo kalfadhigii barlamanka maanta soo xaadiray.
“Xoreynta Laascaanood waxaa xilkeeda saaran yahay dowlada Puntland waana hawl u taalla”, ayuu sii raaciyey hadalkiisa madaxweynaha oo ka hadlay goorta Laascaanood ay dib ugu soo laaban doonto gacanta maamulka Puntland.
Waxaa madaxweynaha Puntland uu sidoo kale ka hadlay dagaaladii dhowaan ka dhacay Buuhoodle iyo Widhwidh isagoo eeda qeyb ka saaray maamulka Somaliland iyo SSC.
“Widhwidh waxaa ka dhacay Xasuuq, Buuhoodlana waxaa ka dhacay dagaal hanti lagu qaatay waana ka daba tegeynaa, waxaana fileynaa in hantidii shacabka laga qaatay la soo celin doono dadaalna waan wadnaa”, ayuu yiri madaxweynaha oo intaa ku daray in dhiaatadii ka dhacay Buuhoodle ay qeyb weyn ku lahaayeen siyaasiyiinta SSC oo uu sheegay inay horseed ka noqdeen isku dhicii dhexmarey shacabka iyo ciidanka Ethiopia.
C/raxmaan Faroole wuxuu sheegay in maamulkiisu uu ku talaabsaday waxqabad weyn intii uu hadalka u jeedinayey mudanayaasha barlamanka ee soo xaadiray kalfadhiga 24aad ee barlamanka oo maanta madaxweynuhu xariga ka jaray.
Baashe Maxamed
Garoowe

