Tageero Buuxda Suldaanka Guud ee Zubeer Awal
Moderator: Moderators
- LiQaaye_TDH
- SomaliNet Super
- Posts: 15857
- Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
- Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...
Tageero Buuxda Suldaanka Guud ee Zubeer Awal
Shir balaadhan oo kulmiyay dhamaanba salaadiinta beesha Subeer Awal,una socday mudo sadex bilood iyo dheeraada ayaa waxa kasoo baxay go’aamo wax ku oola,waxaana go’aamada ugu muhiimsanaa,si weyna laysugu wada raacay in beeshu iyadoo midaysan ay si buuxda oon kala hadh lahayn u taageerto xisbiga siyaasigee Kulmiye.
Anagoo ka kooban,odayaal,indheer-garad,aqoon-yahan,dhalin yaro iyo dumar looga qaateena kana soo wada jeedna bulsha-weynta beesha Subeer Awal,kuna hadlaynaya afka qurba-jooga beesha,waxaanu halkan hanbalyo iyo bogaadin uga diraynaa salaadiinta beesha subeer awal ee badbaadisay jiritaanka Somaliland, baaqii iyo taageeradii ay ku taageerayeen in beeshu ay ku biirto xisbiga Kulmiye,14 june 2010,ee ay u wakiisheen inuu baahiyo kuna dhawaaqo suldaanka guud ee beesha Subeer Awal,Suldaan Xasan Suldaan Cabdillahi Suldan Cabdiraxmaan.
Beesha Subeer Awal waxay ka mid tahay,hadaanay uuguba mudnayn beelaha ugu magac iyo miisaanka culus guud-ahaanba gobolka geeska Afrika,gaar-ahaana deegaanka JSL,iyo dawladaha jaarka’a sida Jabuuti,Ethopia,Kenya,Somalia iyo Yamanba,waa beel aan jiritaankeeda la dafiri karin oo miisaankeedu inta meelood een kor ku xusayba si weyn uga dhex muuqdo.
Saldanada guud ee beesha Subeer Awal waxay ka mid tahay saldanadaha ugu faca weyn deegaanka somalidu degto,hadaanay ahaynba ta ugu da’da weyn,salaadiinta kalee beeshuna waxay dhamaantood hoos yimaadaan saldanada guud,go’aanka ay wada jir usoo wada saaraana waa go’aan dhaxal gala oon afhayeenka UDUB iyo cid kaloo la fikiri toona aanay is hortaagi karin,waxaanan kula talin lahaa afhayeenka inuu sida uugu dhakhsaha badan uuga noqdo aflagaadada uu ula badheedhay suldaanka guud,xaalna ka bixiyo arintaa,cafisna weydiisto suldaanka,waa talo wada dhalasho hadii Illaahay wax kaga duwayo,Cali Guray ku dheeraan maayo oo wada-dhalashada ka sokow waxaanu ahayn isku kacaan,isku iskuul iyo saaxiib gaara,waxaan markaa xusuusin lahaa Cali Guray inta jeer ee Dahir Riyaale karaamo tiray salaadiinta Subeer Awal iyo sidaanu wax abaalaba hore ugu dhigan,hawgu danbeeyo kiiskii ceelberdaale’e,markaa saxiib adigu Cali Gurayoow,( Beesha Waad ka Dhalataye Bi’iwaaye Xaal Mari,)hadaanad sida raga kale Kulmiye kusoo noqonayn,UCID ba ku biiroo dadkaaga dhinac ka raac,waa talo sokeeye.
Anigu runtii maanta ka hor maan rumaysan in xisbigii UDUB, baaba’ay waayo UDUB waxa aasaasay,Illaahay naxariistii jano haka waraabiyee,marxuum Mohamed H-Ibrahim Egal waxaana la aasaasay laf-dhabarna u ahaa xisbiga Beesha Subeer Awal,waa intaanu bulsh-weynta JSL dhex keenin, kol hadii hadaba udub-dhexaadkii xiskigu ku dhawaaqeen inay ka baxeen UDUB,waa xaqiiq in xisbigii burburay,waanan ka xumahay in tacabkii marxuunku sidaa foosha xun u burburo,sababtana Riyaale iyo kuwa jebiyay ayaa isa leh.
Nin wasiirada Riyaale sida weyn u aaminsan-yahay ka mida oo Burco uuga ololaynayay wiigii hore ayaa meel fagaara’a ka yidhi, geeridii Cigaal faa’iiday ahaydoo waxay keentay Riyaale,dad badan baa ka cadhooday hadalkaa sidaan maqlay, anigu ra’yi kaa ka duwan baan qabaa,waxaan leeyahay Siciid Sulub run buu sheegay oo inaba ereygaa kumuu gefin isagu siduu doonaba hawga jeedee,waxa la yidhi beribaa geerida su’aal la weydiiyoo waxa lagu yidhi,( Geeriyeey Waxaad Disho Mooyee,Wax Ma Tartaa?)geeridii waxay ku jawaabtay haayoo nin aan muuqan jirin oo meel la’baan meel u sameeyaa!.
Daahir Riyaale isagoon waxba ahayn oo qaadka boondarada ah Borama ku iibiya ayuu Cilmi Kabaal madaxtooyada keenay isagoo taliye saldhig meel Awdal ka mida in loo magacaabo doonaya,bahal nasiibuu sheegtoo wuxu lasoo kulamay Cigaal oo Tolwaa ula booca ugu tukubaya,halkuu taliye ka doonayayna waxa loo magacaabay M/Kuxigeen waadee nasiib, marxuumkuna ismuu lahayn waad dhiman oo Riyaalaa ku dhaxli,marka hadaba taariikhdaa yaree kooban sidaa loo dheehdo miyaan hadalka Siciid Sulub ee idinka wada cadhaysiiyay aanu run biyo kama dhibcaana ahayn,aniga aqoontaydu waxay i leedahay Siciid run buu sheegay oo Riyaaloo qaadkuna kala wanaagsane boondarada Qul-Ujeed, jidhi iyo goraya cawl u qaybiya ayay noloshii Cigaalna M/Kuxigeen ka dhigtay,geeridiisiina Madax-Weyne ku noqday markaas ninkaa miyaanay faa’iido u ahayn sida Siciid Suluba sheegay,isagu ismuu lahayn Riyaale ku xumeeye runtaa Illaahay ka dhawaajiyay,markaa bal qolyahan Siciid Sulub ka cadhaysanoow,is yara dejiyoo, bal dhinacan kalana ka eega oo u arka inuu isaga iyo Riyaalaba ka faa’iideen geerida marxuumka,kölay Cigaal wakhtigiisaa intaa ku dhamaayoo waa qadar Alle’e.
Daahir Riyaale ololihiisii u danbeeyay 15 june 2010,wuxuu khudbad muusanaw iyo tola’ayeey u badan ka jeediyay khayriyada Borama wuxu ku bilaabay kuna dhameeyay hadal, Isaaq iyo Samaroon ayaa tartamaye huuno codkiina isiiya,waxa hadaba layaab leh doorashadii horee u 80ka cod kaga helay Siilaanyo,dadkii codeeyay isu geyn wuxuu helay 42.9% ma waxaynu odhan karnaa intaasi waxay wada ahaayeen Samaroon,miyaynu se odhan karnaa Samaroon baa sideedii sanadood ee uu madax-weynaha ahaa dadkii kale ka badatayoo iyagoo qudhuu isku halaynayaa muusanawgu waa ka runoo cid kalaba uma baahna,mise waxaynu nidhaa,falka iyo faaliyayaasha la sheegayay ayaa dadkii kale usoo kuududinayoo iyaga meel buu ku hubaaye,wuxu doonayaa inuu rikoodhkaba jebiyoo Kulmiye iyo Ucid isu geyntoodu labaatan kun oo cod dhaafiba waayaan,( 20 000 ).
Hanbalyada waxaan kusoo geba-gebaynayaa ,Madax-Wyne Kuxigeenka, Ahmed Yusuf Yaasin
waxaanan odhan lahaa, Shekh Axmedoow,habaarka kulmiye waxa kuu dhaanta adigoo waad buktaaye xanuunkii lagaa soo qalay welina kaa muuqda ka ducaysta,waxa kaloon ku xusuusin lahaa Gebilay ergay kuu diratay warna way kaa sugaysaye,cod ha weydiisane Ceelberdaale waxaad uga sido uuga waran.
Waxaan ku soo gunaanadayaa, erey kaloon ula dan-leeyahay Salaadiinta beesha Subeer Awal iyo Suldaan kooda guudba,go’aankiina ku biirida Kulmiye waa badbaadada JSL,waana asiibteen, laakiin baahida beeshu kuma koobna siyaasada oo qudha ee waxaa jira baahiyo kaloo badan oy beeshu qabto,waxaa uugu weyn deegaanka xeebta ee ka maqan gobolka Maroodi-jeex iyo deegaanka gobolka Gebilay ka maqan,iyo dadka ku nool deegaanadaa een weli xuquuqdoodii codaynta helin een Illaahay kama dhigee la doonayo in la dhaqan dooriyo ayaanu idinka codsanaynaa inaad shuruudahaad Kulmiye la gasheen ama aad la geli doontaan inaydun badbaadintiina JSL,badbaadada deegaanadaana ku xigsiisaan, waxaanu dhamaantayo idinku dhaafaynaa, hanbalyo iyo horu-socod,awoodiina oo daacadnimo runa Illaahay ula kaashataan.
Hanbalyadan iyo bogaadintan waxa iska kaashaday kuna midaysan ra’yigan caafimaadka qaba,dhamaanba isbedel doonka beesha Subeer Awal ee ku dhaqan guud ahaanba wadamad laysku yidhaa Scandinavia,gaar ahaana wadanka Sweden magaalooyinkiisa oo dhan,sida caasimada Stockholm,Götenbörge,Nörköping,Orebrö,Jönköping,Malmö,Falkenberg iyo Ronneby iyo magaalooyin kaloo badan oonan halkan kusoo koobi karin,isla mar-ahaantaa waxaanu afkooda ku hadlaynaa dhamaanba qurba jooga bulsha-weynta beesha Subeer Awal ee ku baahsan daafaha aduunka oon taradooda iyo magac yadooda qoraal laguba sheegi karin,kana badan boqolaal kun oo isbedel doona,oo aan hubo inay nagu taageeri doonaan ula jeedada qoraalkayagan ,waayo,horaa loo yidhi,(Abasguul meela ma wada taal warna iskuma seegana,waxaanan ku raja-weynahay inuu baaqayagan oo kale meela badan oo aduunka’a dhakhso uga soo bixi doono,inta yaree fara ku tiriska’a ee UDUB nagaga hadhayna waxaan odhan lahaa,UDUB maca Samaroon Siciid baa ka yaacday ee ku quusta.

-
- SomaliNet Super
- Posts: 8363
- Joined: Tue Dec 23, 2003 7:00 pm
- Location: H-Town in Somaliland
Re: Tageero Buuxda Suldaanka Guud ee Zubeer Awal
Booo...Booo..! 

- LiQaaye_TDH
- SomaliNet Super
- Posts: 15857
- Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
- Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...
Re: Tageero Buuxda Suldaanka Guud ee Zubeer Awal
Waaxay Boo Boo Tageer Suldaanka Ninyow
Mise waxaad Tahay Kuwi Laga soo Helay Dooxa ee la iska Sheegtay
Suldaan LiQaaye Supports 100% Suldaan Subeer Awal,Suldaan Xasan Suldaan Cabdillahi Suldan Cabdiraxmaan.

- SahanGalbeed
- SomaliNet Super
- Posts: 19032
- Joined: Mon Dec 31, 2007 5:48 pm
- Location: Arabsiyo ,Somaliland
Re: Tageero Buuxda Suldaanka Guud ee Zubeer Awal
Suldanka habar Awashu naanaab xun weeye horta !
Midda kale 9 bilood bu sideyda uurka hooyadi uga soo baxay , marka ay xagga doorashada noqota na , 1 Vote bu leeyahay like everybody else .
Majeertenya meesha la yidha aynu ka faano ba qabyaalad wax ku dhamaysata .
Somaliland haddi la rabo in majeertenya laga dhigo , haddaba inoo sii sheega aynu idin ka baxno reerka e !

- Khalid Ali
- SomaliNet Super
- Posts: 32728
- Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
- Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa
Re: Tageero Buuxda Suldaanka Guud ee Zubeer Awal
God bless Suldaanka Guud eeh beelaha habarawal
Suldaan Xassan suldaan cabdilahi suldaan cabdiraxmaan Suldaan Diiriye

Suldaan Xassan suldaan cabdilahi suldaan cabdiraxmaan Suldaan Diiriye

-
- SomaliNet Super
- Posts: 11028
- Joined: Thu Jan 22, 2009 6:21 pm
Re: Tageero Buuxda Suldaanka Guud ee Zubeer Awal
I think suldans are useless today because we now have governments but back in the days they were needed.khalid ali wrote:God bless Suldaanka Guud eeh beelaha habarawal
Suldaan Xassan suldaan cabdilahi suldaan cabdiraxmaan Suldaan Diiriye![]()
As for suldaankan subeer awal does ciise muuse accept him as their suldaan?
- Khalid Ali
- SomaliNet Super
- Posts: 32728
- Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
- Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa
Re: Tageero Buuxda Suldaanka Guud ee Zubeer Awal
ofcourse he is the habarawal sultan. they have a big influance in SomalilandCumar-Labasuul wrote:I think suldans are useless today because we now have governments but back in the days they were needed.khalid ali wrote:God bless Suldaanka Guud eeh beelaha habarawal
Suldaan Xassan suldaan cabdilahi suldaan cabdiraxmaan Suldaan Diiriye![]()
As for suldaankan subeer awal does ciise muuse accept him as their suldaan?
We are people who are traditionally based we have house of elders.
-
- SomaliNet Super
- Posts: 11028
- Joined: Thu Jan 22, 2009 6:21 pm
Re: Tageero Buuxda Suldaanka Guud ee Zubeer Awal
Waar waa useless dawldadun bay lacag ka qaataan
- Khalid Ali
- SomaliNet Super
- Posts: 32728
- Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
- Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa
Re: Tageero Buuxda Suldaanka Guud ee Zubeer Awal
Cumar-Labasuul wrote:Waar waa useless dawldadun bay lacag ka qaataan
Not the habarawal Sultan And Also the habaryoonis sultan Suldaan Cismaan Suldan Cali Suldan madar
They are The sultans oo eega danta shacabka iyo danta guud eeh Somaliland
Suldaan Guud Xassan suldaan Cabdilahi Suldaan Cabdiraxmaan Habarawal sultan
Boqor Xasan Ruug, ciise muse
suldaan Maxamuud Axmed Sheekh,
Suldaan Axmed-nuur Samaale, Bahgobe
Suldaan Shariif Batuun Diiriye, Ciisemuse
Suldaan Xiis Barre, Sacadmuse Cismaanada
Suldaan Ismaaciil Aadan Baxar, Sacadmuse reer axmed
Suldaan Axmed Daahir Cilmi, Sacad muse Reer shirdoon
Suldaan Xuseen Ismaaciil Geelleh
All these sultans agreed with Suldaan xassan on Kulmiye

-
- SomaliNet Super
- Posts: 8363
- Joined: Tue Dec 23, 2003 7:00 pm
- Location: H-Town in Somaliland
Re: Tageero Buuxda Suldaanka Guud ee Zubeer Awal
LiQaaye_TDH wrote:Waaxay Boo Boo Tageer Suldaanka NinyowMise waxaad Tahay Kuwi Laga soo Helay Dooxa ee la iska Sheegtay
![]()
Suldaan LiQaaye Supports 100% Suldaan Subeer Awal,Suldaan Xasan Suldaan Cabdillahi Suldan Cabdiraxmaan.
Inaadeer waan ixtiraamaa suldaanka waana suldaan kaygii laakiin halkan wuu ku qaldan yahay.
Reerku in dooni qaado ka wayn mana nihin sheep meesha la marfaya iska wada daba gala. xisbi kasta waanu ku jiraa waliba rag qiima leh baa naga jira markaa waa ku qaqlad inuu waxaasoo kale ku hadlo because isaga rumaysan sidaa.
he need to stick with his dhaqan duties and leave the politics alone
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 25 Replies
- 13921 Views
-
Last post by X.Playa
-
- 15 Replies
- 1524 Views
-
Last post by theyuusuf143
-
- 2 Replies
- 441 Views
-
Last post by Mr_Alfaas
-
- 0 Replies
- 477 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 7 Replies
- 748 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 8 Replies
- 840 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 29 Replies
- 2791 Views
-
Last post by Xamud.
-
- 8 Replies
- 807 Views
-
Last post by X.Playa
-
- 0 Replies
- 437 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 26 Replies
- 1765 Views
-
Last post by Dhaga Bacayl