Kulmiye winning by a landslide according to the first scientific polling in Somaliland, and when the opposition are taken together (Kulmiye and UCID) its a clear rebuke of UDUB and its faqash henchmen...
Ka badbaadnay oo Eebahay nama belaayeen...maxamed nuur fadal RA
Saadaal Shaaca ka Qaadday Xisbiga ku Guulaysan Doona Codbixinta Doorashada Madaxtooyada Somaliland
Natiijada saddexda xisbi qaran ka kala heleen rayi-qaadis laga sameeyey 200 qof
Waxa diyaarisay Xarunta Center for Dialogue and Democracy (CFDD)
Hargeysa (Jam)- Natiijo ka soo baxday saadaal rayi-qaadis ah oo markii ugu horreysay laga sameeyey qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland, ayaa shaaca ka qaadday codadka saddexda xisbi qaran ee tartamayaa ka kala heli doonaan doorashada Madaxtooyada ee qabsoomideeddu u muddaysan tahay 26ka bishan June.
Saadaashan oo ay diyaariyeen koox aqoonyahanno reer Somaliland ah oo ka tirsan xarunta Center for Dialogue and Democracy (CFDD) oo xaruntoodu tahay caasimadda Hargeysa, lana sameeyey intii u dhexaysay 12 – 20 June 2010, kuna ku beegnayd muddadii uu socday ololaha doorashada, isla markaana rayigooda ka dhiibteen 200 qof oo isugu jira qaybaha kala duwan dadka codkooda dhiibanaya oo ku kala nool lixda gobol ee dalka, ayaa daaha ka fayday in xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE kaalinta koowaad ku guulaystay natiijada rayi-qaadistaas, kaalinta labaadna waxa istaagay xisbiga UCID, halka xisbul-xaakimka talada haya ee UDUB noqday ka ugu hooseeya.
Haddaba, wargeyska Jamhuuriya waxa uu akhristayaashiisa halkan ugu soo gudbinayaa warsaxaafadeed xarunta CFDD ku faahfaahisay qaabkii loo diyaariyey daraasaddan, cidda ka qaybgashay, su’aalaha la weydiiyey iyo natiijada saddexda xisbi qaran ka kala heleen rayi-qaadista ay sameeyeen.
“Waxaannu halkan idiinku soo gudbinayaa natiijo ka soo baxday rayi-qaadis laga soo ururiyey qaar ka mid ah dadweynaha Somaliland oo iftiiminaysa xisbiga ay codkooda siin doonaan doorashada Madaxtooyada ee la filayo inay dalka ka dhacdo Sabtida toddobaadka soo socda.
Waxa halkan ku lifaaqan laba qoraal oo midkood yahay warsaxaafadeed dhammaystiran oo ka hadlaya sida hawsha loo galay iyo natiijada ka soo baxday, ka kalena yahay halka lagu ururiyay xogta rayi-qaadistii dadweynaha.
Xubno aqoonyahanno ah oo isxilqaamay, kana tirsan xarunta Somaliland Center for Dialogue and Democracy, ayaa sameeyay codbixin laga qaaday dadweynaha Somaliland. Codbixintan waxa la qaaday intii u dhexaysay 12kii ilaa 20kii bishan June oo ahayd muddadii lagu jiray ololaha doorashada Somaliland.
Habkii loo maray hawshan:
Waxa loo galay hawshan saddex qaybood. Qaybta hore waxa dadka wax lagu weydiiyay tiiyoo la isticmaalayo telefoon. Qaybta labaad waxa lagu weydiiyay iyadoo la isticmaalayo habka emailka ee farriimaha la isugu gudbiyo, halka qaybta saddexaadna ahayd waraysi toos ah. Dadka la warraystay waxay ka koobnaayeen dhammaan qaybaha kale duwan ee bulshada iyo heerarkeeda kala duwan. Dadka la warraystay waxay ku sugan yihiin dhammaan gobollada Somaliland magaalo-madaxyadooda. Dadka la warraystay da’doodu waxay u dhexaysay 18 sanno ilaa 71 sanno, waxaanay ka koobnaayeen rag iyo dumarba.
Natiijadii soo baxday:
Dadkii ka qaybgalay guud ahaan hawshan ee na siiyay wararkooda waxay ahaayeen 200 qof; 122 rag ah una dhiganta 61% iyo 78 haween ah una dhigma 39%. Dhinaca da’da waxay 38 ka mid ah una dhigma 19% ka yaraayeen 25 sanno. 124 qof una dhigma 62% waxay da’doodu u dhexaysay 25-45 sanno. Halka 38 qof una dhigma 19% ay da’doodu ka weynayd 45 sanno.
Dhinaca aqoonta 40 qof oo ka mid dadka la warraystay, una dhigma 20% may gelin iskuul amma may gaadhi dugsi sare. 86 qof una dhigma 43% ayaa heerka aqoontoodu gaadhsiisnaa ilaa dugsi sare, halka 74 qof oo ka mid ah dadka hawshan ka qaybgalay una dhigma 37% ay aqoontoodu gaadhsiisnayd ilaa heer jaamacadeed.
Dhinaca codbixinta:
93 qof oo u dhigma 47% ayaa sheegay inay codkooda siinayaan xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE. 55 qof una dhiganta 28% ayaa sheegay inay codkooda siin doonaan xisbiga mucaaridka ah ee UCID, halka 51 qof una dhigma 26% ay sheegeen inay codkooda siin doonaan xisbiga xukuumiga ah ee UDUB.
Sidoo kale, 96 qof una dhigma 68% ayaa sheegay in xisbiga ay codka siinayaan ku doorteen barnaamijkiisa siyaasadeed. 68 qof una dhigma 34% ayaa sheegay inay ku doorteen xisbiga ay codka siinayaan khibradda musharrixiintiisa. 34 qof una dhigma 17% ayaa iyaguna sheegay inay ku doorteen xisbiga ay codka siinayaan si uu isbeddel u dhaco. Halka 2 qof una dhigma 1% sheegeen in xisbiga ay u codaynayaan ku doorteen qabyaalad.
Dhinace kale, waxay 124 qof oo ka mid ah dadka la warraystay una dhigma 62% ayaa sheegay inay jecel yihiin in xisbiga ay u codaynayaan soo dhiso xukuumad kooban oo tayo leh tiro ahaanna aan ka badnayn 14 wasiir iyo wasaaradood, laguna salayn qabiil-qaybsiga wasaaradahan. 62 qof una dhigma 31% ayaa iyagu sheegay inay jecel yihiin xukuumad ka kooban 14 - 30 wasiir iyo wasaaradood, lana tixgeliyo in qabaa’ilku ka wada dhex muuqdaan. Halka 14 qof una dhigma 7% sheegeen inay rabaan xukuumad ka badan 32 wasiir/wasaaradood, isla markaana lagu saleeyo hab-qaybsiga beelaha si la isaga wada dhex arko.
Dhinaca saxnimadda natiijada codbixintan waxay aqoonyahannadu ku darsadeen in 5% ay noqon karto mid ku darsanta ama ka dhimanta wadarta guud ee natiijada soo baxday.
Tani waa saadaal laga tilmaan qaadan karo siday noqon karto natiijada doorashada ka dhici doonta Somaliland 26ka bishan June 2010 hadday u dhacdo si xor iyo xalaal ah.
Waxaannu ugu baaqaynaa shacbi-weynaha Somaliland inay nabadgalyada ilaaliyaan codkoodana u dhiibtaan si xor ah.
Waxaannu u mahadnaqaynaa dhammaan intii nagala qaybgashay hawshan iyo intii wakhtigooda qaaliga ah u hurtay inay noo dhammaystiraan su’aalaha aanu weydiinay,” ayey tidhi saadaashu.
Saadaashan, ayaa muujinaysa guuldarrada taageero ee soo foodsaartay xisbiga talada haya ee UDUB oo isagu calanka u siday saddexdii doorasho ee hore uga dhacay dalka Somaliland.
Jamhuuriya Online
The first scientific polling in Somali history and Kulmiye
Moderator: Moderators
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 418 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 4 Replies
- 322 Views
-
Last post by ahmedbrant
-
- 70 Replies
- 30175 Views
-
Last post by ciyaal_warta
-
- 31 Replies
- 1673 Views
-
Last post by yungnfresh
-
- 51 Replies
- 2155 Views
-
Last post by musika man
-
- 1 Replies
- 356 Views
-
Last post by shaamboo
-
- 12 Replies
- 1132 Views
-
Last post by TarTar
-
- 5 Replies
- 734 Views
-
Last post by sahal80
