Jawiga Magaalada ayaa Aad u deganaa, Dadka shacabka ah ayaa Shucuurtooda Waxaa ka muuqatay Dareen Wadaninimo... Daawo Sawiradda
Gabiley (GNS)-Codbixinta Doorashada Madaxtooyadda somaliland ayaa Saaka guud ahaanba dalka Si Rasmi ah uga Bilaantay, Gobolka Gabiley ayaa isna Dadwaynaha ku nool magaalada Gabiley ayaa Subaxdii hore safaf u galay si ay Codkooda u dhiibtaan,isaga oo Qof walba si habsi ah ugu jiray safka una dhiibanayay Codkiisa.
Goobaha badankooda ayaa ay ka bilaabantay Wakhtigii ay guddida doorashooyinku u asteeyay oo ahayd 7;00 subaxnimo,Halka goobaha Qaar woxogaa dib u dhac ah oo aan sidaa u s,ii badnayn ka muuqday, goobaha qaarkood ayaa wixii ka badan kun (1000) waxaa loo qaybiyay Laba sanduuq iyada oo la dhigay meelo aan sidaa u kala fogayn.
Wariyeyaasha Gabiley News oo Kormeer ku soo maray Goobaha ugu Tiradda badan Gabiley ayaa u kuurgalay Sidii ay Xogogaal ugu Noqon lahaayeen Qaabka Codbixintu uga socoto Guud ahaan Gobolka Gabiley, Dhamaan Goobihii ay soo Mareen si nabad galyo ah ayay Uga socotay Cobixinta Doorashadu.

Ciidanka Milatariga Somaliland ayaa Aad u adkeeyay illaalinta Nabadgalyadda iyo Rabshadaha Goobaha Codbixinta,waxaana Goob walba oo Rabshadi ka dhacdo lageeyay Ciidan Tirro badan oo kala hagaajiya Dadwaynaha, dadwaynaha Qaar ayaa Cabasho ka muujiyay Sanduuqyada laga qaado Goobihii hore tusaale ahaa Sanduuqa la dhigay Tuulada Caada oo Wakhtigii Diiwaan galinta markii Dad badan laga waay goobtaasi la keenay Gabiley Ka dibna iska diiwaan galiyeen ilaa afar Boqol oo Qof, markii Maanta Caada la dhigay ayay Dhibaato ku Noqotay inay Tagaan Goobtaasi, balse Dadbadan ayaanay usuuro galin inay Codeeyaan, Goobta oo ka fogayd Awgeed.
Masuuliyiin ka tirsan Seddexda Xisbi ayaa Gaaf wareegayay Goobaha ay Rajada ka qabaan in Xisbigoodu ka helayo Codad badan, kuwaasi oo komishanku siiyay Waraaqda Dhaqdhaqaaqa ee ay ku dhex mari karaan Magaalooyinka iyo Goobaha ay Codbixintu ka socoto, Waxaa kamid ahaa Masuuliyiintii Saaka Marayay Goobahan magaalada gabiley Gudoomiye kuxigeenka Koowaad ee Golaha Wakiilada C/casiis Muxumed Samaale,Xoghayaha Guud ee Xisbiga UCID Muuse Inji, Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Boosaha iyo Isgaadhsiinta Cali sheikh.

Maamulka Gabiley ayaa Goobaha Qaar Faragalin ku Sameeyay iyada oo aanu Sharcigu u ogalayn Inay Galaan Gudaha Goobaha Codbixinta, kaliya marka ay Codkooda Dhiibanayaan Mooyaane, Masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaridka ayaa Ka cadhooday Faragalinta Xukuumada ee Goobaha Codbixinta waxaanay Ugudbiyeen Taliyaha Ciidanka Qaranka oo Goobta (Gabiley D) markaa ku sugnaa, kana soo Saaray Masuulkii Wakhtigaasi halkaa ku jiray.








The security


