Beel maanta hub iyo gaadiid dagaal ku wareejisay Culumaa’udinka Ahlu Sunna.
Bangale (Sh. M. Network) Mid ka mid ah beelaha degta gobolka Galgaduud ayaa maanta hubkoodii ku wareejisay Maamulka culumaa’udinka Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobolkaasi Galgaduud kadib munaasabad ka dhacday deegaanka Bangalle.
Munaasabadaani oo aheeyd mid ay ka soo qeyb galeen masuuliyiin sar sare oo ka tirsan Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca iyo qaar ka mid ah beelaha degmooyinka gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay maanta ka dhacday deegaanka Bangale ee gobolka Galgaduud waxaana halkaasi Culumaa’udiinka Ahlu Sunna lagu wareejiyay hub farabadan iyo gaadiid dagaal oo ay laheyd mid ka mid ah beelaha dega gobolka Galgaduud.
Waxa ka soo qeyb galay munaasabada Gudoomiyaha Maamulka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca Sheekh Max’ed Yuusuf Xeefoow iyo saraakil kale oo ka tirsan culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca, waxaana maanta lagu wareejiyay Hub aad u farabadan oo isugu jiray Lidka diyaaradaha, Taangiyo iyo kuwa fudu fud.
Munaasabada ayaa waxaa ka hadlay odayaasha dhaqanka ee beesha hubka wareejisay waxaana ay sheegeen in hubkaani ay ugu talagaleen in lagu difaaco deegaanada gobolka Galgaduud gaar ahaan deegaanada ay beeshaasi degantahay.
Gudoomiyaha golaha fulinta ee Maamulka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa waxaa uu sheegay in aad u soo dhaweynayaan qaabk beeshaani ay hubkooda ugu soo wareejiysay waxaana uu balan qaaday in Maamulka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ay difaaci doonaan gobolka Galgaduud.
Dadka munaasabada ka soo qeyb galay ayaa waxaa ay ka kala yimaadeen Magaalooyinka dhuusamareeb, Mareerguur, Guriceel, Caabudwaaq iyo Balanbale

