Daawo Sawirada





MudugNet, Muqdisho, Talaado, 29ka Juun, 2010.
Raali Galin Aqristayaasheena Sharafta Mudan ee Mudugnet waxaan ka raali Galinaynaa Go’aanka Shirka & Sawirada oo dib u dhacay Cilad Dhanka Internetka ah oo ka jirta Gaalkacyo
Kulan aad u balaar ayaa Shalay xarunta Madaxtooyada Magaalada Gaalkacyo waxaa ku yeeshay Mas’uliyiinta Galmudug State oo iskugu jira Golaha Wasiirada, Xildhibaano & Golaha dhaqanka iyo xubno ka socday Beesha Sade Mareexaan oo ka yimid dhanka Gobolka Galgaduud Sida Caabud waaq iyo Balanbal iyo Deegaano hoos yimaada
Kulanka oo Mudo Saacado ah ka socday xarunta Maaxtooyada Gaalkacyo waxaa ka qayb galay Mas’uliyin ay ka mid yihiin Gudoomiyaha Gobolka Xasan Faarax Barre Wasiirka Arimaha Gudaha & Amniga Axmed Max’d Xaashi, iyo Mas’uliyin kale kulanka oo Saxaafadda ay banaanka ka joogtay oo aan loo ogalaan in ay dubaan cododka mas’uliyiinta hadashay waxaa goor danbe saxaafadda qadka telfooonka ugu waramay Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfafainta ahna Afahayeenka Guud ee Galmudug Axmed Baasto waxa uu ka warbixiyay kulanka Madaxtooyada ka dhacay iyo qodobada ka soo baxay
“Waxaa Xarunta Madaxtooyada Maanta ka dhacay kulan aad u muhiim ah oo ay Gogasha dhigeen Golaha dhaqanka Galmudug State waxaana ka soo qayb galay beesha Sade Mareexaan waxaana looga hadalay sidii wada tashi dib u heshisin iyo wada shaqayn joogto ah looga samayn lahaa dadka ku nool gobolada dhexe loona gaarsiiyo talo ahaan iyo Cod ahaan nadaamka Dawlad Goboleedka Galmudug oo Magacaasi yahay Galgaduud & Mudug waxaa kulanka furay Golaha dhaqanka oo Gogasha dhigay Gudoomiyaha Gobolka Xasan Faarax Barre ayaa hadal kalsooni buuxda leh soo jeediyay kadibna waxaa loo gudbiyay walaalihii kale oo ka koobnaa saraakiil sare, gole dhaqan iyo culimo'udiinka caanka ah ee ka jira deegaanada Caabadudwaa iyo Balan-bal oo ayaguna soo jeediyay fekar kaasi la mid ah iyo in la mideeyo bulshada Mudug &Galgaduud kulanka waxa uu ahaa mid hor’udhac ah waxaana lagu balamay in ay sii socdaan kulamaadan” ayuu yiri Axmed baasto oo intaasi ku daray in hadafka kulanka yahay in meesha laga saaro qabiilka iyo kala qoqobnaanta loona gudbo midnimo iyo dawladnimo iyadoo laga tusaale qaadanayo magaca Galmudug oo lagu balaariyo bulshada Gobolada Mudug iyo Galgaduud Guddiyo ayuu sheegay baasto in kulanka laga magcaabay isla markaana dhawaan shir weyn lagu qaban doono Magaalada Galakacyo ee Xarunta Galmudug State
Abadlla Mohomed Abdulle
Mudugnet Galkacyo
GalMudug SOMalia
+25290-752260
+252615-495000
Cabdalla45@hotmail.com
"
Source:http://mudugnet.com/GalMudug%20News/New ... eexaan.htm


