Somaliland oo Maqaam Sarre ka Gashay Doorashooyinka Afrika W

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Somaliland oo Maqaam Sarre ka Gashay Doorashooyinka Afrika W

Post by Siciid85 »

Somaliland oo Maqaam Sarre ka Gashay Doorashooyinka Afrika Waxbixin- by Matt Brown,

Written by Matt Brown,
Jul 06, 2010 at 09:53 AM
Bujumbura (Reuters): Bishii hore waxa looga dareeray doorashada madaxtooyada seddex dal oo qaarada Afrika ku yaala oo kala ah dalalka: Somaliland, Guinea iyo Brundi. Kuwaas oo wajiyo kala duwan uga dhacday, oo aad u kala duwan.
Dalka Somaliland oo dhawr jeer doorashadu dib u dhacday ayaa markii ugu danbaysay bishii hore ee June 26 keedii uga qabsoontay doorashadu si aad u heer saraysa, oo dhamaan goobjoogaayaashii caalamiga ahaa ay qireen inay ahayd mid xor oo xalaal ah, taas oo ay guushu ku raacday murashaxii xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), halka madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin uu aqbalay kuna hambalyeeyay guusha ay gaadheen xisbiga mucaaradka ahi, taasi oo ah mid fajiciso iyo amakaag sida milgaha leh ee madaxweyne Rayaale yeelay. Halka dalka Guinea oo ku yaala galbeedka qaarada Afrika oo doorasho ka qabsoontay bishii June 27 keedii ay soo gabagabaysay mudo nus qarni ku dhaw oo rijiim kalitalis ahi uu ku amar ku taaglaynayay, wareegii hore ee doorashadana lagu kala adkaan waayay loona balamay bisha 18 keeda in lagu kala calafqaado wareeg labaad. Wareegaas oo ay iskugu soo hadheen ra'iisal-wasaarahii hore ee dalkaa Cellou Dalein Diallo kaas oo helay codadkii ugu tirada badnaa balse ku guuldaraystay inuu helo in ka badan 50% codadka la dhiibtay, waxaanu wareeg labaad gorada isdari doonaan mid ka mid ah mucaaradka oo dadku ugu caansan dalkaas ka mid ah oo lagu magacaabo Apha Conde. Dalka Guinea ayaa doorashadani ay tahay tii ugu horaysay ee nooceeda ah tan iyo intii sanadkii 2008 dii uu ka geeriyooday kalidii taliyahii mudada dheer xilka hayay Lansana Conte, kaas oo ka dib markii uu dhintay oo dalku isku diyaarinayay nidaamka axsaabta badan iyo doorashooyin in la gallo hadana mar labaad uu afganbi ku qabsaday Gen. Mousa Camara, kaas oo isna qaar ka tirsan ilaaladiisu ay toogteen ka dibna dhaawaciisii loola cararay dalka ay jaarka yihiin ee Burkina-faso, waxyar ka dibna uu talada la wareegay Gen. Sekouba Konate oo xayiraad ku saaray inuu dib dalka ugu soo laabto. Sakouba Konate wuxuu markii sheegay inuu qabanayo doorashooyin isaga iyo ciidamaduna aanay ka qaybqaadan doonin ee ay xisbiyo soo dhistaan dadka rayidka ahi.

Taas oo keentay in bisha June 27 keedii doorashadii ugu horaysay ee dimuqraadi ahi ay halkaas ka dhacdo, oo ay goobjoogayaashu ku tilmaameen inay ahayd mid xor oo xalaal ah, marka laga tagi waayo waayo waayo-aragnimo la'aan xoogan oo halkaas ka jirtay, natiijadii wareega koowaad ayaa la soo saaray 2 bishii July, iyadoo idaacadaha dalkaasi ay si weyn ugu mahadnaqayeen ciidamada, uguna bushaareeyeen ciidamada in askari kasta hal darajo la dalacin doono, halka taliyahooda Sekouba Konte la siin doono darajo gaar ah oo lagu sharfayo go'aanka geesinimada leh ee uu qaatay, dalkiisana u horseeday inay doorasho xor oo xalaal ahi ka qabsoonto, markii ugu horaysay taariikhdeeda. Dalka Guinea wuxuu tusaale u noqday dalalka galbeedka Afrika oo uu tusay in mudo dheer oo ay shacabku ku jiraan gacanta birta ah ee kalitalisnimada ay si degdeg ah u noqan karaan dalal dimuqraadiyadu si wacan uga hirgasho, balse lama garanayo ilaa hadda wax ay ku dhamaan doonto iyo sida laga yeeli doono natiijada kama danbaysta ah.

Dalka Burundi ee aadka u yar ee ku yaala badhtamaha qaarada Afrika ay ka qabsoontay doorasho ay dhamaan ka muquurteen murashaxiintii xisbiyada mucaaradka ah oo ku eedeeyay madaxweynaha talada haya Mr. Pierre Nkurunziza inuu ku shubtay doorashadii dawladaha hoose, tana uu ku shuban doono.

Waxaanu shacabka ugu baaqayay madaxweyne Nkurunziza inay doorashada u soo dareeraan oo hadii aanay doonayn codkooda ugu cadeeyaan inaanu xilka u qalmin hadii kalana ay siiyaan kalsoonidooda, balse aanay ka aamusin isla markaana aanay dhagaysan qolyaha mucaaradka ah ee ku baaqaya inaan la coday.

Dhanka kale, xisbiyada mucaaradka ayaa uga digay shacabku inay codeeyaan, waxaanay ugu hanjabeen in qofkii codeeya ay faraha ka goyn doonaan, waxaanay sheegeen goobjoogayaashu inay arkayeen dadka uu safaf dhaadheer ugu jira sidii ay khadka iskaga maydhi lahaayeen inta aanay goobta codbixinta ka bixin.

Isku soo wada duuboo dalka Somaliland ayaa labadaa dal ee kalaba ka ayaan iyo nasiib badnaaday markii ay aqbaleen seddexdii xisbiba natiijadii hordhaca ahayd ee komishanka qaranka doorashooyinku soo saaray, taas oo amaan iyo bogaadin laxaad leh ka heshay beesha caalamka, halka la filayo in Somaliland ay cashar ugu filnaanto dalka Ruwanda oo isna bishan gali doona doorasho, taas oo ilaa hadda la kala garanayn marka laga eego weerarada banbo-gacmeedka ee lagu weerarayo goobaha dawlada iyo siyaasiyiinta sida joogtada jeelka loogu taxaabo inay mari doonto jidkii Somaliland iyo inay qaado dhabadii uu qaaday dalka Burundi ee la jaarka ah.


Waaheen
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”