Somaliland Millitary officers graduate

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Khalid Ali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 32743
Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa

Somaliland Millitary officers graduate

Post by Khalid Ali »

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka oo Casuumad u Sameeyey Saraakiil Millatari ah oo ka soo Qallinjabiyey Itoobiya


Hargeysa (Jam)- Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Md. Saleebaan Warsame Guuleed iyo Taliyaha Guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland Gen. Nuux Ismaaciil Taani, ayaa shalay casuumad soo dhaweyn ah huteel Maansoor ugu sameeyey dufcaddii labaad ee saraakiil milatariga Somaliland ka tirsan oo ka soo qallinjabiyey waxbarasho dalka Itoobiya.


Saraakiishan oo tiradoodu dhan tahay 17 waxay muddo afar sanno iyo badh ah jaamacad ku taala dalka Itoobiya ku soo qaateen culuunta Ingineerka milatariga, waxaanay hadda oo ay soo dhammaysteen aqoontoodii dib ugu soo laabteen Somaliland.


Hoggaanka tababarada ciidanka Qaranka Axmed Cali Maxamed oo casuumaddaas ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey saraakiishaas cusub ee soo qallinjabiyey, isagoo mahadnaq ballaadhan u jeediyey sida ay waxbarashoodii ugu samreen muddadii afarta sanno iyo badhka ahayd ee ay dhiganayeen.


Taliyaha Ciidanka Qaranka Gen. Nuux Ismaaciil Taani, ayaa sheegay in dawladda Itoobiya oo dalkeeda saraakiishani wax ku soo barteen ay Somaliland ka caawiso deeqaha waxbarashada iyo dhinacyada tababarada. Waxaannu tilmaamay in saraakiishan laga xushay ardayda dugsiyada sare ee dalka muddo.


Taliyaha oo la hadlayey saraakiisha ciidanka ee soo qallinjabiyey, waxa uu kula dardaarmay in cilmiga ay soo barteen ay ugu shaqeeyaan dalkooda, isla markaana ugu samraan oo ay mutadawacnimo ugu shaqeeyaan, isagoo u ballanqaaday in kor loo sii qaadi doono aqoontooda.


Sidoo kalena, Wasiirka Gaashaandhig Md. Saleebaan Warsame Guuleed oo isna hadal u jeediyey saraakiisha casuumadda loo sameeyey, ayaa sheegay in ciidanka Qaranka Somaliland maanta marayo heerkii ugu fiicnaa, isla markaana ay u soo baxeen Ingineero wax badan ka tari doona dhinaca cilmiga tiknolojiga iyo aqoonta sare ee ciidanka.




Jamhuuriya Online
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”