Waxaan halkan kusoo gudbinaynaa taariikh gaaban oo ku saabsan Kuumade Kablalax oo aan kasoo aruurinay Odayaal iyo Aqoonyahanno, kadib baaritaano iyo u kuurgal lasameeyahay, dhanacyo baddanna taabanaya, waxaa laga dhawray naxli iyo xumaaan, wixii dhibaato keeni karana waa laga ilaaliyay, uqaado uun taariikh ahaan.
Kuumade Kablalax wuxuu dhalay labo wiil oo kala ah Absame Kuumade iyo Cabdi Kuumade oo looyaqaano ama loogu yeero Galimeys, Absame Kuumade wuu dhintay walaalkii Cabdi kuumade oo nool, wuxuu ka tagay afar wiil oo magacyadooda la kala dhihi jiray 1 Baalcad 2 Ogaadeen 3 Wayteen 4 Jidwaaq.
Absame intii uusan dhimanin ayuu walaalkii Cabdikuumade kala dardaarmay wiilka wiilasha uyar oo Ogaadeen lamagac baxay laakiin Cabdiraxmaan la oran jiray, walaaloow ii ogoow wiilka waa halka uu kayimid magaca Ogaadeen.
wiilasha waxaa gacantiisa kusoo koriyay adeerkood waliba Ogaadeen oo ugu yaraa caruurta.
caruurtii way koreen oo waala kaakacay, qooysas baa la yeeshay oo lakala tagay, reero guurahaya ayay isu badaleen illaa ugu dambayntii beelbeel lakala noqday.
Kuumade kablalax waxay soomareen boqortooyo ad adag, maamul, saldanado, islamarkaana ay ku heleen dhul farabadan iyo aduunyo, hadii aan fiirino maamulkii ugaasyadii ad adkaa ee Galimays lahaan jireen, Boqortooyadii absame ee jiwaaqa hogaaminayay, quwadihii ay soomareen Ogaadeenka iyo kwa kale oo farabadan.
waxaan marnaba la iloobi karin inta halyeey ay soomareen reer kuumade sida Garaad Faarax ileey garaadkii bartiraha ahaa, iyagoo udub dhaxaad u ahaa halgankii uu waday Axmed Gureey, Sayid Moxamed Cabdulle Xassan, Wiilwaal, Cabdi Ibraahim oo horseed ka ahaa hogaaminayayna gabagabadii lagu qabsaday dhulalka Jubooyinka iyo dagaano farabadan oo ka tirsan waqooyi bari Kenya. Boqortooyadii Ogaadeen ee uu hogaaminay Nuur Cubudhiye ee dhulal fara badan hantiday.
inta aftahan iyo geesi kadhashay waliba ku darsaday aftahannimo sida Faarax Qooqane, Raage Ugaas, Qamaan Bulxan, Dabakar, waxay intaa kagasii dareen kartida wanaaga iyo maada, sheekooyinka sheeko xariirka ah sida sheekadii Cigaal Shiidaad.
Qurux iyo xarrago waa waxay dir u lahaayeen, waxaa kaloo ay ku caan bexeen xoog dagaal iyo xeel, waxay ahaan jireen dad laga baqo marka la dhoho goobaha dagaalka oo aan lagu dhicin.
Maantana waa dadka ugu tiro badan Soomaali uguna dhulwayn, markaan hareertaa fiiriyo hada dhinaca kale dayo ayaan dhahaa war toloow yaan ku jabiyaa, Shiinaha lasheego iyo Kuumade keebadan, kaligay baa su'aalahaa iswaydiiya, geeska Afrika ninna igagama itaal roona, laakiin tayo xumo waxay ii gaysay in cidwalba i hawaysato.


