Qaran news)- Dawlada Itoobiya ayaa shalay shaaca kaqaaday in ciidamada nabadsugida federalka Bariga Itoobiya gaar ahaan xuduuda somaliland la adkeyn doono. Warsaxaafadeedkan uu taliya sare ee ciidamada Itoobiya siiyey tvga qaranka Itoobiya ayaa waxa uu ku soo beegmay shalay ka dib markii Alshabab qaraxyo waaweyn oo dhimasho geystey ay ka dhigeen wadanka Uganda.
Dawlada Itoobiya ayaa waxa kale oo ay sheegtey in shirka IGAD lagu gorfeeyey arimo badan oo ku saabsan dalka Soomaaliya sidii farsamo iyo ciidamo geeska Afkira ka socda loo geyn lahaa. Tirada ciidamada IGAD ilaa hada isku raaceen ayaa lagu qiyaasay 20,000 ciidan oo ka kala iman doono wadamada xubnaha ka ah ururka IGAD.
Cabsidan dalka Itoobiya ee xadka Somaliland horey umay jirin labada dal ee Itoobiya iyo Somaliland waxa ka dhexeeyey cilaqaad siyaasadeed,mid dhaqaale iyo midganacsi intaba. Cilaqaadka Itoobiya waxa uu sii xoogeystey 8 sano ee uu Madaxweyne Dahir Rayale wadanka taladiisa hayey oo ay labada dali ka wada shaqeeyeen iskaashiga dhinaca la dagalaanka argagixisada iyo iskaashiga dhaqaale ee horumarinta ganacsiga labada dal isla markaana dalka Itoobiya waxa uu sitoosa wax ugala soo degaa dekada Berbera oo ah ilaha dhaqaale ee Jamuuriyada Somaliland mida ugu weyn.
Xisbiga talada dalka Itoobiya haya ee EPRDF ayaa dawlad cusub ee Somaliland u arka Faqash la shaqayn jirtey dawladii mingiste ee ay halganka adag la galeen waxana adkaan doonto xidhiidhka labada dawladood sidii uu u ahaan lahaa sida uu hadda yahay iyo si ka fiican.
Taniyo mudadii doorashada somaliland dhacday ee xisbiga Kulmiye ku guulaystey doorashada lama hayo wax hadalqaad ah oo dhinaca Itoobiya ka soo yeedhay oo ku wajahan tageerid ama hambalyo dawlada Itoobiya si heer qaran ah ugu fidisay dawlada cusub ee somaliland.
Inkasta oo aan ilaa hada wax ciidamo Itoobiyaan ah oo saayida lagu arag xuduuda u dhexaysa somaliland iyo Itoobiya hadana waxaad dareemaysaa dhaqdhaqaaqa ganacsi ee magaalada Wajaale oo aad hoos ugu dhacay tan iyo intii ka danbaysay doorashada Somaliland . Shabakada saylac.com oo ganacsatada K5aad ee xoolaha u iibkeenta suuqa wajaale waxka weydiisay sababta u yareeyeen ganacsiga xoolaha ayaa waxay noo sheegeen in ay ka warsugayaan isbedelka siyaasadeed ee somaliland ka dhacay siduu ku danbeeyo labada bilood ee inagu soo foolehna dib u bilaabi doonaan hadii waxfiicani iska bedelo.
Gawaadhida xamuulka xoolaha qaada ayaa ee degmada Jijiga ayaa u baydhay inay shaqooyinkale u leexdaan ka dib markii xoolihii ay daabuli jireeni yaraaday.
Cabsida Itoobiya durba ay ka muujisay dhinaca somaliland inay daba socoto qaraxyadii shalay ka dhacay Uganda iyo inay waxkale jiraan ilaa hadda lama kala oga.
Source Saylac.com
The Tigray regime not happy with the new goverment in S/land
Moderator: Moderators
- Khalid Ali
- SomaliNet Super

- Posts: 32780
- Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
- Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 495 Views
-
Last post by General_Farax
-
- 3 Replies
- 509 Views
-
Last post by Son_of_Somalia
-
- 16 Replies
- 1903 Views
-
Last post by BigBreak
-
- 84 Replies
- 9029 Views
-
Last post by zidane88
-
- 6 Replies
- 542 Views
-
Last post by X-unit
-
- 44 Replies
- 2277 Views
-
Last post by original dervish
-
- 26 Replies
- 2863 Views
-
Last post by xiimaaya
-
- 11 Replies
- 926 Views
-
Last post by XidigtaJSL
-
- 9 Replies
- 1388 Views
-
Last post by Rightwing
-
- 30 Replies
- 2083 Views
-
Last post by qoraxeey