The Mayor of Hargeisa- We Have to Support Axmed Silaanyo LOL

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

The Mayor of Hargeisa- We Have to Support Axmed Silaanyo LOL

Post by LiQaaye_TDH »

Maayarka Caasimada Oo Shacbiga Hargeysa Ugu Baaqay Inay Ku Qancaan oo Taageeraan Xukuumada Cusub

Hargeysa (HWN)- Maayarka Caasimada Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir, ayaa maanta shacbiga Magaalada Hargeysa ugu baaqay inay ku qancaan oo ay taageeraan xukuumada kooban ee uu soo dhisayo Madaxweynaha la doortay Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

“Maamulka dawlada ee la dhisayo runtii dadka oo dhan ma wada gaadhayso, laakiin waxa dadka gaadhaya cadaalad iyo horumar xukuumaddu gaadho,waxaan dadweynaha reer Hargeysa aan u sheegaynaa inay taageeraan xukuumada cusub sida uu Madaxweynuhu u soo dhiso, oo ay cid waliba ku qanacdo,”ayuu yidhi Eng. Jiciir.

Maayarku wuxuu sidaasi ka sheegay xaflad loo sameeyay bilowga waddo cusub oo laami ah oo isku xidhaysa Wadada 150-ka ee Degmada 26-ka June Illaa Huteelka Maansoor ee degmada Kood-buur waxaanu ka gudoomay Ganacsato iyo qaar ka mid ah dadweynaha ku dhaqan degmooyinkaasi 220 foosto oo Daamur ah oo lagu bilaabayo dhismaha wadaasi.

“Wadadan cusubi waxay guul u tahay Golaha deegaanka Hargeysa, xukuumada cusub iyo Guddida horumarinta xaafadaha, waxaanu doonaynaa marka xukuumada cusubi bilowdo waxqabadkeeda Boqolka maalmood ee u horreeya in mashaariic faro badan la furo oo ay dawladaha Hoose samaynayso tusaale ahaan waxa la furayaa laba Sariibadood Sariibada Suuqa Jaamac Gunti iyo Isha Booreme ku kala yaala,”Ayuu yidhi Maayarka Caasimada Hargeysa.

Eng. Jiciir, wuxuu baaq u jeediyay xukuumada cusub waxaanu yidhi “Dawlada cusub waxaanu ka rajaynaynaa inay dawladaha Hoose lacagaha cashuuraha badan ee xukuumada dhexe kaga maqan sida aanu odayga (Madaxweynaha) ku balanay wax badan ayuu nala qaban doonaa.waxaanu u mahad celinaynaa dadweynaha iyo ganacsatada bixiyay daamurka wadadan lagu dhisayo.”

Sidoo kale, waxa halkaasi ka hadlay Maayar Ku Xigeenka Hargeysa Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde iyo qaar ka mid ah dadweynaha ku dhaqan xaafadahaasi waxaanay sheegeen inay ku faraxsan yihiin bilowga wadadan oo xudun u ah isu socodka bulshada waxaanay tilmaameen in wadadan ay iska kaashanayaan dadweynaha iyo dawlada Hoose Hargeysa.
User avatar
Khalid Ali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 32728
Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa

Re: The Mayor of Hargeisa- We Have to Support Axmed Silaanyo

Post by Khalid Ali »

wuu ku qasbanyahay there is no other option :lol:
This mayor is the most corrupt Somaliland mayor ever, we should do everything to get rid of him as soon as possible, hargeisa needs a great mayor with a vision , we need city planning man , HARGEISA Can look so good with the right mayor.
User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Re: The Mayor of Hargeisa- We Have to Support Axmed Silaanyo

Post by LiQaaye_TDH »

khalid ali wrote:wuu ku qasbanyahay there is no other option :lol:
EXACTLY.................... Thats my POint Right There, Sanka ayay Kaga Tolantahay Ino Tageero SIlaanyo!!!!!
Dhaga Bacayl
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8363
Joined: Tue Dec 23, 2003 7:00 pm
Location: H-Town in Somaliland

Re: The Mayor of Hargeisa- We Have to Support Axmed Silaanyo

Post by Dhaga Bacayl »

Ku qancaan ku lahaa. Oo taa ma hadal ba aka taagan?

Is he trying to start something?
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: The Mayor of Hargeisa- We Have to Support Axmed Silaanyo

Post by Siciid85 »

Khalid Ali, i am afraid hargeysa is stuck with Jicir until the next mayorial elections but i agree his kinda corrupt.
User avatar
hargaysaay
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8453
Joined: Sun Jan 17, 2010 7:32 am
Location: Best part about getting high having sex with you is geting high having sex with you part.

Re: The Mayor of Hargeisa- We Have to Support Axmed Silaanyo

Post by hargaysaay »

this is policy jiciir runs hargeysa and and silaanyo lives in jiciirs city so he should welcome the new guest with open hands
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”