Madaxweynha Puntland Cabdiraxmaan Faroole waa in lagu dhiiri geliyaa in uu qaato nabadaynta ay wadaan Odayaasha Warsangeli ,hadii uu ka dhego adaygona waa in loo sheegaa Galgala inaanay ahayn Gurigii baarlamaanka Puntland oo ku yaala magaalada Garoowe oo uu horay u weeraray.
Maalmahan waxa warbaahinta ka socday labo arimood oo kala
1-Arinta kowaad oo aad warbaahinta ka maqasheen ayaa waxay ahayd , in Cuqaasha,Odayaasha iyo waxgaradka Beesha Warsangeli oo ku sugan dal iyo dibadba ay wadaan olole ah in wax kasta lagu dhameeyo wada hadal,dagaal aan faaiiddo u keeni doonin Bulshadana aan lagu deg degin, sidaas awgeed waa in waqti la siiyaa odayaasha iyo cid kasta oo nabada jecel si ay arintan u soo afjaraan
Qolada labaad ayaa ah Jar iska xoorka uu madaxda u yahay Madaxweynaha Puntland iyo qaar ka mid ah Beeshiisa oo ahaa kuwii horay u diidanaa in Dhulbahante,Warsangeli iyo Dishiishe ayna ka mid noqon waxa hada loogu yeero Puntland xiligii la samaynayey ,waana tan ku kaliftay markii looga adkaaday xaq jirnimadiisa ‘ madaxweynaha hada xilka haya cabdiraxmaan Faroole in uu aado Austaraaliya,markii labaad oo jar iska xoorkani ay isku dayeen in ay mar labaad u sameeyaan dawlad beeshoodu u gaarka iyaga oo aaminsan in ay ka maarmi karaan Beelaha kale waxay ahayd sanadkii hore markii dastuurka Puntland ay ku soo qoreen Gobolda Waqooyi bari halkii ay ka ahayd in ay ku qoraan puntland hadaba maanta madaxweynaha Puntland hadalada uu beesha Warsangeli u marinayo warbaahinta waxa ka mid ah isaga oo ilaa maanta la kulmin Suldaan ama Garaad Beeshu leedahay hase ahaatee warka u soo mariya Garoowe Online iyo qaar ka mid ah warbaahinta Hargaysa iyo Koonfurta Soomaaliya
Hadaladiisii maanta VOA
Raga jooga Buurta Galgala waxay u badanyihiin rag tabobaran oo laga soo diray Koonfurta Somalia ahna rag ka amartqaata Argagaxisada Caalamiga waxayna col la yihiin in nidaam iyo maamul meelna ka jiro,” ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland oo u waramay Laanta Afsoomaliga ee VOA, isagoo ku daray in kuwo Reer Puntland ah ay ku jiraan Kooxda Buurta Galgala oo laga samaystay inay amar qaataan.

“Kuwa Local-ka waxaa madax u ah ninka la yiraahdo [Max'ed Siciid] Atam
oodhowr sanno ciidamo ku haystay meel Buuro ah laakin kuwa dadka ku laaya Boosaaso waa dad loo soo tabobaray in Argagaxa ay ka samayeen Koonfur lagu balaariyo Dalka oo dhan,” ayuu yiri Madaxweyne Farole
Madaxweyne Faroole dhowr qodob oo aad ku guuldaraysanayso dagaalkan aad ku diidan tahay in aad Widhwidh kula dagaalanto argagixisada joogta ee SNM hase ahaatee aad doonayso in Beeshaada magac argagixiso ku abaabusho adiga oo raba in aad werarto degaano aad ku haysay cuna qabatayn
1- Madaxweyne Faroole labo sano ku dhowaad ayaad madaxweyne ka ahayd mamulka Puntland ilaa hada ma noqon mid soo booqda ama ka soo war doona degaanada Beesha aad hada rabto in aad ku soo duusho sidaas awgeed qof kasta wuxuu arkayaa ujeedada dhabta ah oo ku salaysan Qabiilka
2- Madaxweyne Faroole waxa tahay qabiilayste aaminsan beeshiisa iyo degaanka ay degaan mashaariicdii ugu danbaysay ee puntland aduunku ugu deeqay waxa ka hirgalisay Garoowe Gaalkacayo iyo Qardho , sidoo kale magaalooyinka ay jufadaadu degto sida Dangorayo, Eyl,Sunijiif iyo Garoowe ugu yaraan tobon mashruuc ayaad ka fulisay sanadkan aynu ku jirno halka gobolka Sanaag oo dhan aad ka hor istaagtay mashruucyadii loogu talo galay sacadihii ugu danbeeyey sidaas awgeedna in aad wiilashooda ku disho adiga oo dhiigooda raba in aad ku taajirto ,uguna hesho mashaariic kale magaalooyinkaaga Sunijiif iyo Dangorayo haba yaraatee qof kaa yeelaysa ayaan jirin
3- Madaxweyne Faroole waxa tahay mid jebiyey shuruucdii Puntland beelaha degan ku heshiiyeen sidaas awgeed hadii aad sharciga baal marto ogow puntland waxay noqonaysaa ka hor sanadkii 1998 oo waxa lagu wada xisaabtamayaa Beel ahaan
Ugu danbayntii dagaalka aad rabto in aad Galgala ka bilowdo ma noqon doono mid halkaa ku istaaga ama ku hakada ,wuxuu noqon doonaa mid saameeya dhamaan inta nabada jecel iyo intii awalba doonaysay in puntland bur burto, waxa aan caadi noqon doonin ganacsiga magaalada Boosaaso,waxa sidoo kale waxa adkaan doonta isku socodka gaadiidka hada Garoowe caadiga uga yimaada ,dagaalada maanta ka socda Widhwidh iyo Buuhoodle ayaa SNM iyo xulafadoodu waxay u soo rari doonaan Boosaaso duleedkeeda,Ahlusunaha halka qabiil ah oo maanta gabanaya wuxuu noqon doonaa mid qorigiisa soo cabaysta iyaga oo noqon doona kuwo ku gor gortami doona wax ka badan xaafaa Baraxley,iyada oo intaas oo arimood jiraan ilaa hada wax ka hadlaya ama u ololeenaya nabada ma jiraan oo hayb la wadaaga madaxweynaha hada xilka haya