Qorshahayagu waxa weeye in wada-hadal lala galo (SSC),

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
malakumod
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1699
Joined: Sun Apr 11, 2010 3:45 pm

Qorshahayagu waxa weeye in wada-hadal lala galo (SSC),

Post by malakumod »

Qorshahayagu waxa weeye in wada-hadal lala galo (SSC), laakiin waxaan aaminsanahay in..” Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar – WARAYSI GAAR AH Hargeysa, 24 July 2010 (Ogaal)- Xoghayaha Arrimaha dibedda ee Xisbiga toddobaadkan talada dalka la wareegaya ee KULMIYE Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa baaq u diray Kooxda Somaliland-diidka ah ee dhawaan laga abaabulay magaalada Buuhoodle. Waxaanu ka warbixiyay qorshahooda markay talada la wareegaan ee habka ay u waajahayaan. Dr. Maxamed Cabdilaahi oo Wargeyska Ogaal Khadka Telefoonka ugu waramay isaga oo ku sugan Hargeysa, ayaa ka warbixiyay aragtidooda la xidhiidha dhaqdhaqaaqyada Koox la baxday SSC oo laga abaabulay magaalada Buuhoodle, waxaanu tibaaxay qorshaha Dawladda cusub ee uu hoggaamiyo Axmed-Siilaanyo uga meel yaala Kooxdaas. “Qolooyinka la sheegay ee is-urursaday ee Weerarada ku soo qaaday Deegaanka Sool, waxaanu u aragnaa in ay arrintaasi tahay arrin xasiloonida Somaliland iyo ta mandaqaddaba waxyeelli karta guud ahaan, waxaananu ugu baaqaynaa Kooxahaasi inay xasillooni-darrada joojiyaan. Maamul ahaanna, maamulkayaga cusub ee Dawladda cusub ee Axmed Maxamed Siilaanyo Madaxweynaha ka yahay, qorshahayagu waxa weeye, in haddii ay jiraan aragtiyo iyo khilaafyo kale lagu dhammeeyo wada-hadal oo aanu wada-hadal la yeelano. Laakiin, aanay arrintu noqon mid xasilloonida Deegaanka Sool, ta Somaliland iyo ta mandaqaddaba waxyeellaysa. Waayo, taasi maaha mid faa’iido u keenaysa dhinacyada kala duwan. Mar aanu Xoghayaha arrimaha dibedda ee KULMIYE waydiinay in ay jiraan wax xidhiidh ah oo ay Kooxahaas la sameeyeen, ayaa wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, “Horta, wali waxa talada dalka haya Dawladdii hore, maalinta Salaasada ee bishan July 27 tahay, ayaanu anagu talada la wareegaynaa. Markaa masuuliyaddu waxay noo bilaabmaysaa maalintaa wixii ka dambeeya, qorshahayaga siyaasiga ah ee arrintaa ku wajahanina waxa weeye, in haddii cabashooyin ku saabsan arrimaha Gobolku ay ka jiraan meelo Gobolka ka tirsan in laga wada hadlo oo aanu ka wada-hadalno dadka cabashooyinkaas qaba. Waxa kale oo qorshayaashayada ka mid ah in Dawladda Axmed Siilaanyo ka hawl-gasho sidii mashaariic horumarineed laga fuliyo gobolka oo horumarka Gobolka wax laga qabto, gaar ahaan dhinaca Biyaha iyo wax-qabadka kale. sidoo kale, in haddii khilaafaadyo siyaasi ahi jiraan laga wada hadlo. Laakiin, waxaan aaminsanahay in khilaafyo iyo saluug hoose oo dhinaca ka qaybgalka maamulka ahi jiro, taasna waxaanu qabnaa in wada-hadal lagu dhammeeyo.” Mar uu ka jawaabayay Dr. Maxamed su’aal nuxurkeedu ahaa, waxa uu uga jeedo saluugga ka-qayb-galka siyaasadda ee dadka ku dhaqan Deegaankaas iyo qaabka ay u wajahayaan, ayaa wuxuu yidhi, “Ma aaminsani in khilaafku ku salaysan yahay ka-qaybgalka xukuumadda, waxaanse filayaa inay ismaandhaaf siyaasi ah oo gobolka u gaar ah, waxaananu aaminsanahay in wada-hadal lagu dhammeeyo. Laakiin, taa macnaheedu maaha in Xukuumaddayadu arrintaa u mari doonto Xukuumadda dawliga ah. balse, wada-hadal toos ah laga wada hadlo oo xukuumaddu kaalin hoggaamineed ka qaadato wada-hadalladaas. Waxa kale oo iyana ah in Xukuumaddu dib u eegto horumar-la’aan dhinaca Gobolka ah oo aan filayo inay cabashooyinku ku salaysan yihiin oo wax laga hor-qabto.” Mar Xoghayaha la waydiiyay su’aal xidhiidhay habka ay u waajahayaan haddiiba waxyaabaha ay ku andacoonayaan Kooxda la baxday SSC ka duwanaadaan waxay filan karaan KULMIYE ahaan ee dhinaca horumarka Gobolka ah, gaar ahaan mabda’a Soomaaliweyn, ayaa wuxuu oo uu ku jawaabay, “Madax-bannaanida Somaliland waxay u martay afti dalka laga qaaday sanadkii 2001 oo mujtamaha Somaliland badankoodu u codeeyeen inay la soo noqdaan madax-bannaanidoodii. Markaa arrintaas go’aankeedu halkaas ayuu saaran yahay, maaha arrin lagala hadli karo Koox diidan arrimo gaar ah oo ku saabsan deegaan gaar ah oo Somaliland ah. Laakiin, waxaan aaminsanahay in cabashooyinku inta badan ku saabsan yihiin wax arrintaa ka sokeeya oo ay tahay in aanu dhegaysano, wixii garowshiyo lehna laga bixiyo, arrimaha horumarintana wax laga qabto. Balse, goonni-isu-taagga Somaliland wuxuu ku salaysan yahay rabitaanka shacabka Somaliland iyo go’aan ay ku gaadheen afti laga qaaday.” OGAAL
if this is their thinking then there is no point with having talks.
this is :som: :som: not open for negotiation
User avatar
Salah Al-Din
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 623
Joined: Thu Nov 13, 2003 7:00 pm
Location: Faith - Islam ; Ethnicity - Somali; Nationality - Somalilander ; Outlook - Optimistic Alhamdulilah

Re: Qorshahayagu waxa weeye in wada-hadal lala galo (SSC),

Post by Salah Al-Din »

I think Kulmiye is spot on. Since the inception of Somaliland the inhabitants of Eastern Sool, Eastern Sanaag & Buuhoodle District have felt marginalized in the regional representation of Somaliland. I am one of those people who feel it is long over due to correct this unfortunate situation. One of the things that need to be done right away by Silanyo's administration is to bring real change to the lives of the ordinary people in these aforementioned areas. I beleive with an extended hand and the will to have them take on greater leadership will further cement the cohesion of Somaliland from East to West. I do believe however this rag tag militia called SSC will not want any kind of political discussion and all they are looking for is to play spoiler for Somaliland. They must not be let to play this role and must be contained.
User avatar
Rightwing
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9248
Joined: Mon Dec 23, 2002 7:00 pm
Location: Maqaamka lagu xadreeyo MEDED, MEDED
Contact:

Re: Qorshahayagu waxa weeye in wada-hadal lala galo (SSC),

Post by Rightwing »

Adeerkay hadalka wuu cadeeyey.
Somaliland, maaha arrin lagala hadli karo Koox diidan arrimo gaar ah oo ku saabsan deegaan gaar ah oo Somaliland ah
Wixii cabashooyin ahse waanu dhegaysan waanuna garawsan.

Maamulka Silaanyo wuxuu u egyahay mid si wax ku oolaha dadka ugu wada shaqayndoona.

RW
User avatar
Salah Al-Din
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 623
Joined: Thu Nov 13, 2003 7:00 pm
Location: Faith - Islam ; Ethnicity - Somali; Nationality - Somalilander ; Outlook - Optimistic Alhamdulilah

Re: Qorshahayagu waxa weeye in wada-hadal lala galo (SSC),

Post by Salah Al-Din »

Rightwing waa sidee, soodiga adeerkay bilaabaly... Ma isagaaba kursiga weli ku fadhiistayba. Soo inakii ka gudbnay adeerkay iyo arrimahaa lol Dib ha inoo celin Suldaan.
User avatar
Rightwing
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9248
Joined: Mon Dec 23, 2002 7:00 pm
Location: Maqaamka lagu xadreeyo MEDED, MEDED
Contact:

Re: Qorshahayagu waxa weeye in wada-hadal lala galo (SSC),

Post by Rightwing »

Salah Al-Din wrote:Rightwing waa sidee, soodiga adeerkay bilaabaly... Ma isagaaba kursiga weli ku fadhiistayba. Soo inakii ka gudbnay adeerkay iyo arrimahaa lol Dib ha inoo celin Suldaan.
lol. Waa runtaa waa laga gudbay reerihii. I was being sarcastic :lol: :lol: .

1.AbdiRahman Tuur 1991-1993
2. Cigaal 1993-2002
3.Rayaale 2002-2010
4.Silaanyo 2010 2015
5.Rightwing 2015-225
6.Emperior 2025-2040

Maansha allah 6 madaxweyne dheh.
User avatar
malakumod
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1699
Joined: Sun Apr 11, 2010 3:45 pm

Re: Qorshahayagu waxa weeye in wada-hadal lala galo (SSC),

Post by malakumod »

Rightwing wrote:Adeerkay hadalka wuu cadeeyey.
Somaliland, maaha arrin lagala hadli karo Koox diidan arrimo gaar ah oo ku saabsan deegaan gaar ah oo Somaliland ah
Wixii cabashooyin ahse waanu dhegaysan waanuna garawsan.

Maamulka Silaanyo wuxuu u egyahay mid si wax ku oolaha dadka ugu wada shaqayndoona.

RW
SSC-na hadalkeeduu waa cadyahay.
dhulka SSC iyo midnimada iyo qaranimada soomaaliyeed midna qabil dowlad sheegtay (ama British somaliland protectrate) lagala hadlimeyso.
ninkii somalinimo iyo daris wanaag diidan ee SSC kuso xadgudbaa waajibkiis baa la marin!

live and let live & the cause of SSC is the somali cause!
JeyR
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 468
Joined: Tue Aug 05, 2003 7:00 pm
Location: from

Re: Qorshahayagu waxa weeye in wada-hadal lala galo (SSC),

Post by JeyR »

malakumod wrote:
Rightwing wrote:Adeerkay hadalka wuu cadeeyey.
Somaliland, maaha arrin lagala hadli karo Koox diidan arrimo gaar ah oo ku saabsan deegaan gaar ah oo Somaliland ah
Wixii cabashooyin ahse waanu dhegaysan waanuna garawsan.

Maamulka Silaanyo wuxuu u egyahay mid si wax ku oolaha dadka ugu wada shaqayndoona.

RW
SSC-na hadalkeeduu waa cadyahay.
dhulka SSC iyo midnimada iyo qaranimada soomaaliyeed midna qabil dowlad sheegtay (ama British somaliland protectrate) lagala hadlimeyso.
ninkii somalinimo iyo daris wanaag diidan ee SSC kuso xadgudbaa waajibkiis baa la marin!

live and let live & the cause of SSC is the somali cause!

Loool Molakulmod... Hadal adaa dhemaayey.............. :clap: :clap: :clap: :clap: :clap:
User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Re: Qorshahayagu waxa weeye in wada-hadal lala galo (SSC),

Post by LiQaaye_TDH »

Waryaara Nimankiina SSC war Naga fadhiista, Meesha waa la wada hadlaya, oo Miiska la iskugu imanaya, waraaqo aya la kala saxeexanaya, Ha Inagu Celinina Waxu 60 Sano ka Hore Dhici jiray, iska Bashaala Nimanyahow, ama Meesha wax Ka Noqda!!
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”