The new somaliland defence minister Axmed X. Cali Cadami

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

The new somaliland defence minister Axmed X. Cali Cadami

Post by Siciid85 »

Image


Hargeysa(Togaherer.com):- Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Axmed X. Cali Cadami, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay awoodda Wasaaradda uu loo magacaabay, isla markaana waxa uu sheegay inay dad badan oo asxaabtiisa ahi ka biyo-diideen Wasaaradda uu tagay oo uu xusay inay u haystaan meel khatar ah oo laga acuudibillaysto, hase ahaatee, aanu isagu sidaas oo kale u arkahayn.
Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Md. Cadami oo shalay si rasmiya xilkii Wasaaraddaasi ula wareegay, waxa uu sheegay in xaaladda ka jirta Bariga Sanaag iyo Buuhoodle wadahadal iyo masaalaxo wax lagaga qabanayo ee aanay dagaal kala hortagaynin, hase ahaatee, cidda arrintaasi ay khusaysaa haddii ay wax ka qaban waayaan, iyagu u dhiman doonaan.
“Anigu waxaan Wasaaradda Gaashaan-dhigga u aqaanaa adduunkuna u yaqaanaa muhiim afar Wasaaradood ayaa qaab dhismeedka dalka ugu muhiimsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Gaashaan-dhigga, Maaliyadda iyo arrimaha dibadda, markaan cabbiro wixii aan soo arkay iyo wixii aan akhriyeyba, waan u hanweynaa Wasaaradda Gaashaan-dhigga, waxaan u haystay in xul ahaan la iigeeyay ee uma aan qabin in muquuno ahaan la ii geeyay. Markii aan suuqa galay marka aan si dhab ah u kaftamo waxoogaa mooraal-jab ah ayaa igu dhacay oo waxa la iga dhigay nin meel cidla ah lagu tuuray.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Gaashaandhiggu Axmed X. Cali Cadami,
Waxaanu isaga oo hadalkiisa sii wata intaa ku daray oo yidhi; ”Waan yaabay oo waxaan idhi xaggee ayay salaadu ka xidhmi la’dahay. Saaka waxa ii soo noqonaya mooralkii oo waxaan ogaaday in Wasaaradani tahay sidii aan markii horeba fikrada uga haystay. Dadka qaar waxay igu yidhaahdaan Cadamiyoow nin nabadeed ayaad ahayde maxaad meeshan khatarta ah uga cuudubilaysan weyday, waxaan dadkaas u sheegayaa inaan wali ahay nin nabadeedkii.”
Wasiir Cadami, waxa uu ka hadlay, arrinta Bariga Sanaag iyo Buuhoodle, oo uu sheegay inay jecel yihiin in nabad iyo wadahal lagu dhammeeyo ee aan dagaal lagu degdegin, isla markaana waxa uu xusay inuu ciddii arrintaas ku habboonayd la diray oo ay ku maqan tahay, haddii ay wax ka keeni waayaanna iyagu u dhiman doonaan.
“Halkaa (Deegaannadaas) dadkii ku habboonaa ayaa loo diray, hadday wax ka qaban waayaan oo ay waxba ka keeni waayaanna iyaga ayaa u dhimanaya.” ayuuu yidhi Axmed Xaaji Cali Cadami, waxaanu u mahadnaqay Wasiirka xilka ku wareejiyey iyo shaqaalaha wasaarradda uu tirsaday. Gebagabadii waxa uu Cadami sheegay inuu saraakiisha iyo hawl wadeennada kala duwan ee Wasaaradda kula shaqayn doono jawi wada tashi iyo wax is waydiin ah, shaqaalahana sidaas oo kale uu ka filayo.
paidmonk
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11989
Joined: Wed Dec 31, 1969 7:00 pm
Location: http://majerteen.blogspot.com/

Re: The new somaliland defence minister Axmed X. Cali Cadami

Post by paidmonk »

What will he do about the invading TPLF forces in a few weeks?
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: The new somaliland defence minister Axmed X. Cali Cadami

Post by The_Emperior5 »

paidmonk wrote:What will he do about the invading TPLF forces in a few weeks?
He has good diplomatic connection with sri lanka and he can send special tamil tiger forces to hunt tplf
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: The new somaliland defence minister Axmed X. Cali Cadami

Post by Siciid85 »

The_Emperior5, this tamil tiger will secure all the far eastern borders of sanaag and properly attack pirateland and capture bosaso :lol: .
User avatar
Knight of Wisdom
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6609
Joined: Thu Aug 27, 2009 1:56 pm
Location: Eiffel Tower

Re: The new somaliland defence minister Axmed X. Cali Cadami

Post by Knight of Wisdom »

How come he doesn't have the title of "Mujaahid" ? :?
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: The new somaliland defence minister Axmed X. Cali Cadami

Post by Siciid85 »

^^SNMTA kuma jiriin.
paidmonk
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11989
Joined: Wed Dec 31, 1969 7:00 pm
Location: http://majerteen.blogspot.com/

Re: The new somaliland defence minister Axmed X. Cali Cadami

Post by paidmonk »

Knight of Wisdom wrote:How come he doesn't have the title of "Mujaahid" ? :?
He did not chew khat and play kaban. You have to hold 8 pounds of khat in your cheeks and play all the strings of kaban in order to become a "mujahid" in waqoyiland. :lol:
User avatar
Knight of Wisdom
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6609
Joined: Thu Aug 27, 2009 1:56 pm
Location: Eiffel Tower

Re: The new somaliland defence minister Axmed X. Cali Cadami

Post by Knight of Wisdom »

Siciid85 wrote:^^SNMTA kuma jiriin.
Oh, okay. :|
grandpakhalif
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 30687
Joined: Tue Sep 01, 2009 10:32 am
Location: Darul Kufr
Contact:

Re: The new somaliland defence minister Axmed X. Cali Cadami

Post by grandpakhalif »

paidmonk wrote:
Knight of Wisdom wrote:How come he doesn't have the title of "Mujaahid" ? :?
He did not chew khat and play kaban. You have to hold 8 pounds of khat in your cheeks and play all the strings of kaban in order to become a "mujahid" in waqoyiland. :lol:
:lol: :lol:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”