Suldaanka Gedabuursi: Sorry about What Happened in Boorame

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Suldaanka Gedabuursi: Sorry about What Happened in Boorame

Post by LiQaaye_TDH »

C/raxmaan Jaamac Dhawal oo ka mid ah salaadiinta ugu cad-cad ee ka soo jeeda Gobolada Awdal/Salal , ayaa xalay goor danbe shir jaraa’id ku qabtay gurigiisa oo ku yaala Xaafada Sh/Makaahiil ee Degmada Borama.
Suldaanka ayaa waxaa uu shirkiisan jaraa’id uga gol lahaa, xaaladahan siyaasadeed ee ku soo kordhay jawiga Somaliland gaar ahaan, Degmada Borama, iyo mudaharaadka maanta ka dhacay degmada Borama ee xarunta Gobolka Awdal.
Hadana, Shirkii jaraa’id oo dhameystiran waxa uu u dhignaa sidan:
Mahadnaq eebe ka bacdai,waxaan caawa iskugu kiin yeedhay inaan caawa si toosa uga hadlo, arimaha ka socda Gobolka Awdal, Gaar ahaan Degmada Borama waxaan doonayaa inaan in cadeeyo qaabka ay barintaasi ku haboon tahay.Waxaan leehay oo caawa halkan uga jeedinayaa Bulshada reer Somaliland,gaar ahaana reer Awdal, ee degmada Borama, maanta halkan waxaa ka dhacay mudaharaad lagu cadaynayo tabashada ay dadku ka tabanayaan Xukuumanta maanta dawlada Cusub soo dhistay,umadu wax way taban kartaa , wax waa la sheegan karaa, waa laga doodi karaa,waana la diidi karaa wixi la tabanayo, waxaanse meesha ku jirin waxyaabaha saa’idka ah, ee aan ku jirin dawladnimada, Dadnimada iyo dalkaba ku jirin, waa in laga reebaa, waxaasi waamaxay ?waxaasi waxa weeji, dadku marka ay wax tabanayaan waxa ay leeyihiin hogaamiyayaal, salaadiin Cuqaal, siyaasiyiin bay leeyihiin, markaa waa inay tagaan miiska wada hadalada oo waxa ay tabanayaan halkaas ka sheegtaan.
Markay maaran waayaan waa in ay talo wixii iska waydiiyaan,oo wixii ay doonayaan talo ahaan la iska waydiiyaa , talo ahaana lagu maareeyaa, laakiin maaha wax aan la isku ogayn oo aan laga tashanin oo aan la iska arkin la iskagana iman ay markasta yimaadaan maaha, waxaa maanta halkan ka dhacay mudaharaad , mudaharaadkuna waa iman karan, cidii wax tabanaysana waa ay ku cabiri kartaa waxa ay tabanayso,laakiin waxaa saa’ida Marka ay mudaharaadyo ka dhacaan Goboladan Awdal/Salal waxaa soo baxa calamaan runtii,waxaa maanta soo baxay calan la yidhaahdo AWDAL LAND oo ay maanta aniga iigu horeysay ayaa soo baxay, aragtidiisa iyo maqalkiisa waan fahmi waayay , waxaan ahay madax dhaqameed waxaan ka mid ahay salaadiinta Gobolada Galbeedka , waxaanan ahay salaadiinta kuwa ugu xogogaalsan ayaan ahay,waan garan waayay meesha uu calankaasi runtii ka yimid,umadu markii laga hadlayo gu’itaan, markii laga hadlayo Gooni isu taag, waa arin wayn waa arin aan shakhsi ka hadli Karin,waa arin ay koox yaroo gaar ahi ayna ka hadli karayn, waxa weeyi wixii guud ee masiir guud ee goboladan galbeedku leeyihiin ee dawlada laga tabanayo waa in la isku yimaado oo laga wada hadlo,waa in ay ka wada hadlaan, madaxdhaqameedyadu, salaadiinta, cuqaasha ,indheer garadka, aqoon yahanka iyo Culumadu isku timaadaa oo ay is fahansiiyaan.
Waxaan hadalkayga ku soo gabo-gabeynayaa , in ay wixii mudaharaadkan maanta dhigay ee ka danbaysay ee waday yayna ku noqon ha ka joojiso dadka , halkay wax yaalaan iyo cidii hayso iyo ciday wax ku maqan yihiin way garanaysaa ee ha tagto,waxaan leehay ka salaadiin ahaan, ka culuma ahaan, anagu hadaan nahay Madaxdhaqameedyadii iyo salaadiintii goboladan,iyo odayaashaba waan is arkaynaa wixii nagaga haboon ana waan ka hadli doonaa waanan ka qaban doonaa haduu alla idmo, laakiin waxaan ka codsanaynaa in laga daayo iminka tan maanta oo kale dhacday,waxaanan mar labaad ku celinayaa cidii waday ,hawshaa maanta foosha xumayd ee dhacdayna ka danbaysay, in ay joojiso ,miiska wada hadalkana ay ku noqoto, wixii ay tabanayaan lagu noqdo ayaan hadalkaygii ku soo gabo gabaynayaa.
User avatar
RuralMan08
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4512
Joined: Thu Sep 10, 2009 8:45 am
Location: His Royal Majesty

Re: Suldaanka Gedabuursi: Sorry about What Happened in Boora

Post by RuralMan08 »

He didnt say sorry, all he said is he doesnt agree with the protestors. Waa caadi waa suldaan
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Suldaanka Gedabuursi: Sorry about What Happened in Boora

Post by The_Emperior5 »

Reer nuur got a minister habar carfaan got a minister but jibrie joonis dident get a minister thats what the demonstration is all about the gadabuursis have also a wasiir kuxigeen whats his clan Liqaaye?
User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Re: Suldaanka Gedabuursi: Sorry about What Happened in Boora

Post by LiQaaye_TDH »

The_Emperior5 wrote:Reer nuur got a minister habar carfaan got a minister but jibrie joonis dident get a minister thats what the demonstration is all about the gadabuursis have also a wasiir kuxigeen whats his clan Liqaaye?
War Inaader adigaaba sheegaya Habar Caraf iyo waxani, Samaroon uma dhaafiyo anigo :lol: Gedabuursi maba idhaahdo!
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Suldaanka Gedabuursi: Sorry about What Happened in Boora

Post by The_Emperior5 »

[youtube]C1ypvFYiqgI&playnext=1&videos=nFG3EqfMst8[/youtube]

here is the video
User avatar
Keyse_0208
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9898
Joined: Thu Apr 10, 2008 11:42 am
Location: L D N
Contact:

Re: Suldaanka Gedabuursi: Sorry about What Happened in Boora

Post by Keyse_0208 »

He said "Arimaha shalay bilaabmay waxa wada Dumar iyo Caruur" Listen to 1:17.

Like i said before Islaamaha waa dangerous :lol:
User avatar
Rightwing
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9248
Joined: Mon Dec 23, 2002 7:00 pm
Location: Maqaamka lagu xadreeyo MEDED, MEDED
Contact:

Re: Suldaanka Gedabuursi: Sorry about What Happened in Boora

Post by Rightwing »

Keyse_0208 wrote:He said "Arimaha shalay bilaabmay waxa wada Dumar iyo Caruur" Listen to 1:17.

Like i said before Islaamaha waa dangerous :lol:


Islaamaha waa 100% dangerous. Dabkasta iyagaa shida.

RuralMan08 wrote:He didnt say sorry, all he said is he doesnt agree with the protestors. Waa caadi waa suldaan

miyuu u yara daray? :lol:
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Suldaanka Gedabuursi: Sorry about What Happened in Boora

Post by The_Emperior5 »

Salaadiinta Gobolada Awdal/Salal oo la tacaalaya Mudaharaadka Maalintiisii labaad Galay+Sawiro

Borama(Bnn) Sida aan la wada socono waxaa maalintii labaadgalay mudaharaadka lagaga soo horjeedo saami qaybsiga xukuumada Cusuub.


Hadaba waxaa saaka aroortii hore shir jaraa’id ku qabtayhotel Rays qaar ka mid ah salaadiinta Gobolada Awdal, salaadiinta shirkanjaraa’id qabtay ayaa waxaa ka mid ahaa, Suldaan C/raxmaan Jaamac Dhawal,Suldaan Xasan Xaddi Baade Iyo Suldaan Saleebaan.
Salaadiinta ayaa dhamaantood waxa ay carabka ku wadaadkeeyeen in dadkan yar ee farakutiriska ah ee mudaharaadka wada , kuwaas oo ubadan caruur iyo dumar in ay sida ugu dhaqsaha badan u joojiyaan, wixii latabanayana lagu waajaho wadahadal iyo is hor fadhiisi ee aan loo baahnayn in lagu raadiyomudaharaad iyo cunfi , waa sida ay hadalka u dhigeena waxa ayna hadalkoodii kusoo afmeereern, in shacabku qabsadaanhawlahooda ardayduna isku diyaariyaan waxbarashadoodii oo bari la bilaabayo.
Markii ay shirkiijaraa’id uu dhamaaday ayaa waxa ay u sookaceen meelihii Mudaharaadku ka socday iyaga oo is dhex taagay lana hadlay carruurtii mudaharaadkasamaynaysay, ugu danbayntiina la iskugu tagay khayriyada way nee magaaladaBorama, halkaas oo ay salaadiintu kula hadashay, waxaana halkaas ka hadlaySuldaan C/raxmaan Jaamac Dhawal iyo Suldaan Saleebaan waxa ayna dhalintii usheegeen in ayna jirin wax la yidhaahdo AWDAL LAND,aynuna ka mid nahaySomaliland calan la wada garanayana uu leeyahay wadankani, waxa ayna u sheegeenin sidan ay wax ku raadinayaan in aan loo baahnayn , hadii ay wax tabanayaanwaxa ay leeyihiin Cuqaal, Salaadiin , aqoonyahano, iyo Culumo, waxa aynasheegeen in dadkaasi ay Mas’uuliyadoodusaaran tahay , iyaga ayaana ka wada hadli kara miiska wadahadalana fadhiisankara.ee markaa iska kala taga nin walbana hawshiisii caadiga ahayd ha qabsado,loomana baahna in suuqyada iyo dadka la rabsho, cidii u hogaansami waydana waxaa talaabo sharciga waafaqsan kaqaadaya Ciidanka amaanka iyo kuwa qarankaba, markaa nin walowba xaafadadii tag,markii ay hadalkii dhamasteen waxa ay dhalintii u kala dareereen xaafadahoodiiiyaga oo wali mudaharaadaya,mana jirin cid mudaharaadlalyaasha u hadlay.
Saacadu markii ay ahayd 12:00 Duhurnimo waxa shir albaabaduu xidhan yihiin yeeshay , Salaadiinta iyo taliyayaasha Ciidanka amaanka iyociidanka qaranka, waxa ayna ku yeesheen Saldhiga dhexe ee degmada Borama.
Markii shirkii dhamaaday waxaa gaadiidka Ciidanka Policekaoo laba ah la saaray cod baahiyayaal waxaana raacay Ciidanka Amaankaiyo kuwa qaranka, iyo salaadiintii gobolka , kuwaas oo hadalo digniino iyohanjabaad ku dheehantahay dadwaynaha u sheegayay,waxa ayna dadwaynaha usheegayeen in cidii mudaraad danbe la timaada maanta ka dib cidii la qabtojeelka loo tabaaxi doono, cidii wax ku noqotana waa Nin damreer dilay,eeamaanka ha lagu dadaalo ha lana adkeeyo waa sida ay hadalka u dhigeena,Waalidkuna carruurtiina ha qabsadaan.
Dhinaca kale Masjidka way nee ku yaala Bartamaha MagaaladaBorama ee layidhaahdo Masjid Harowo ay duhurkii maanta waxaa ka hadlay Sh/XasanDaheeye, waxa uuna jamacii tukanayay salaadii duhur ka bacdi, in dadkancarruurta soo diraya ee waxaan jirin oo aan joogin usoo dhiibaya in ay iyaguhadii ay siyaasiin isku sheegayaan in ay caruurta usoo dhiibin calan aan lagaranayn meel uu kayimid ee ay iyagu soo qaataan banaankana u soo baxaan,waxauuna sheegay in Somaliland nimadu ay tahay mid muqadas ah, calanka Somalilandyahay mid lama taabtaana,wixii tabasho ahna waxaa loo baahan yahay in wadahadallagu dhameeyo iyo miiska wada hadalka , waxaana loo baahan yahay in la isdajiyo , waxa uuna amaan aad u badan u soo jeediyay General Xudhuun oo uu yidhi shalay ilaa maanta waaninka qudha ee dawlada ka tirsan ee hawshiisa daacad u wata, hadii isaga iyociidankiisu ayna joogin in dagaal faraha la iskaga gubtay uu ka dhici lahaaDegmada Borama.
lali99
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1575
Joined: Sat Feb 21, 2009 9:10 pm

Re: Suldaanka Gedabuursi: Sorry about What Happened in Boora

Post by lali99 »

^^^walee he has spoken like a true sultan
djibsomali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5229
Joined: Fri May 25, 2007 6:39 pm

Re: Suldaanka Gedabuursi: Sorry about What Happened in Boora

Post by djibsomali »

idoor jahilaa hadanaa mirqansaan ooh xitaa jargowdaa waxbaa kaa ogayn baa xalkaan iis kuku yiimiid!!

This the suldaan of habar carfaan representing 1/3 of samaroon


gadabuursi does not have a suldaan but an ugass

And the ugass of beel weyntaa gadabursi is the handsome young guy in canada.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”