Reer Togdheer oo Tageeray Dowlada cusub

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Reer Togdheer oo Tageeray Dowlada cusub

Post by LiQaaye_TDH »

Shacabka Gobolka Togdheer oo si weyn uu Soo Dhoweeyay Dowlada Cusub!

Dadweynaha Ku Nool magaalada Burco aya si weyn uu soo dhoweeyay Dowlada Cusub ee ka dhalatay jamhuuriyada Somaliland ee uu hogaaminayo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamoud Silaanyo iyo Madaxweyne Kuxigeenka Cabdiraxman Saylaci

Dadweynaha Ku Nool magaalada Burco aya waxa aad looga hadal hayay beryahan uu dambeeyay wasiirada dowlada cusub ee ay ku dhawaaqday Xukumadda uu hogaaminayo Axmed Silaanyo, Dadweynaha aya sii weyn uu soo dhoweeyay iyago sheegay inaano Madaxweynaho Qabiil ku dooran Wasiirada laakin se uu ku doortay Khibrad iyo Cilmi.

Mar aan wareysanay Nin Aqoonyahan ah oo Qurbojoog ah Md Ismaacil Cilmi Barre oo Fadhiyana Maqaaxi lagu magaacabo Caweyska Caynaba aya Noo sheegay ino aad ugu faraxsanayahy Dowldan Kooban ee Taayoda leh ee uu soo dhisay Madaxweynaho, waxaano sheegay inu dalka uu Yimid Doorashadi dhowaan ka dhacday Somaliland, uu ahaana dadki uu Ololeyn jiray Xisbiga KULMIYE ee Qurbaha, waxaano sheegay waxa jira Reero Badan oo leh, maxa nala siin waayay Jago Wasiirnimo ileen waan dooranay Silaanyo, laakin waa inay oogaadan Marki Ololaha lagu jiray Axmed Silaanyo iyo Xisbiga KULMIYE waxey Yidhaahden Hadaan dalka ku guuleysano, waxaan soo dhisayna Dowlad Kooban oo Tayo leh aanan ku koobnayn Qabiil, Tii waa kaas Fuliyay Madaxweyne Silaanyo waanan ku hambalayaynayna, markaas maanta inay yara cawdaan oo yidhaahdan reer hebel aya loo badiyay anakana waxba nalama siin, dhinac'na ka yidhaahdan Dowlad Tayo leh aya looo baahanyahay isma gasho, Marka Tageera Dowladan Qiima leh ee Ictraafki keeni karta iyo Horumarka.

Mar aano suaal weydiinay islaan Qudaar ku Iibinaysa Wado dhinaced oo lagu magaacabo Cibaado Maxamed Yuusuf ayaan weydiinay Siday uu aragto Dowlada cusub ee Dalki ka dhalatay, waxaanay si Farxad leh uu Tiri ( SILAANYO HA NOOLADO SILAANYO HA NOOLADO) waxaanay sheegay Faadumo inay aad ugu faraxsantahay dowlada cusub ee ka dhalatay somaliland, waxaanan aaminsantahay ayay tidhi inaan Horumar hadda gaadhi doono, oo Dhaqaalaha Dalko Kor uu Kici doono, waxaanay sheegtay inay aad ugu faraxsantahay haddi ay na dhaaftay Dowladi Riyaale ee Dadka Masakiint aha Dhici jirtay.

Waxa kale aano uu galnay Dhalinyaro, ku ciyaaraysa Kubad Garoonka Alamzay Stadium) waxaan ka weydinay siday uu Arkaan, dowladan cusub, waxaanay sheegen inay aad ugu faraxsanayahin, waaxanay yidhaahen waxey aaminsanyahin inay Horumar keeni karto dowladan cusubi, waxa kale ay ku dareen inay Dhalinyaradi Badnayd ee Tahriibi Jirtay Yaraysay Boqolkiiba Boqol waayo waxey aaminsayahin inay hadda Shaqo Dowladani abuuri doonto.

Anigo ah wariyaha Shabakada Buraoonline.com ee Muse Maxamoud Cali abayan aya ku wareegay magaalada burco sidaan uga warhelo siday shacabka Burco ku nooli uu tageersanyahin Dowladan cusub, waxaana ka muuqata dadweynaha Farxad aad uu weyn...

Muse Maxamoud Abyan
Buraoonline.com
Burco
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Togdheer”