Dr Ali Warsame: Kulan lala qaato shirkadaha wadanka ka howl gala dhamaan
Waxaa habonaan laheyd in uu maamulka uu yeesho sirdoon xoogleh, oo xilkas ah oo kasoo bixi kara hawsha lo xilsaarey, waxaad aragtaan in maamulku uu ayamahan xooga ku hayo in uu la dagalamo qolyo fidno iyo howlo amaan daro ah ka wada Puntland.
Waxa la isku raacey fidnoolayaasha in ay yuhiin koox yar, oo ku jira buuraha oo tiro yar oo aan aheyn xata dad la shaqeeya al-shabab markii aan baritaano dheer kusameyney, ayaa waxa noo cadaatey in ay jiraan qolyo kale, oo garoonka ka cayaraya oo aan aheyn kooxdaas oo kaliya .
Lakiin waxay aheyd Maamulka sirdoonkiisa in uu hawshan uu horey u baaro oo aad moodid tayadiisu in ay liidato oo uu ka hortag sameyn karin dhibta inteysan dhicin ka hor.
Waxaa muhiim ah in ay ogadaan dadka in ay shirkado ka dhaqaalo badan maamulka laftirkiisa in ay jiraan ,oo ay maslaxad ugu jirin in meesha maamul xoogleh kasoo baxo, oo aruuriya canshuuraha iyo wixii maamul lagu yaqaney.
Waxaad aragtaan goor kastoo askarta canshuuraha ay doonayaan in ay shaqadooda gutaan ay dhib kala kulanto magalada bosaaso.
Waxaa cad marka in ay arintu dhaqaale sal ku lee dahay,oo qolyo canshuuraha kasoo horjeeda oo doonaya in aan fowdo iyo dowlad aan tabar laheyn ay ka jirto Puntland waligeed.
Waxay doonayaan sida ay aheyd burburkii somalia in aysan waligeed ay wax is badalin oo sida ay arintu ahaato ,oo maslaxadooda oo kaliya ayaa waxay ku dhisan tahay jeebkooda ee maaha danta guud iyo sumacada dalka.
Maamulku waa in uu dhamaan shirkadaha dalka ka howl galo oo isugu yeero, isagoo uga digaya in ay dhamaatey casrigii fowdada iyo burburka somalia . maantana lamarayo marxalad tii hore ka duwan oo uu maamulka usoo jeestey hormarinta daganada Puntland dhamaan, hadey doonayaana ay kala shaqeyaan horumarka dalka.
Waa muhiim in arintan hoosta laga xariiqo oo ay ogadaan in isha lagu hayo shirkadaha amni xumada hoosta ka abaabula Puntland iyo qolyaha argagaxisada ah labadaba !!
Dr Ali Warsame
Pland Govt Needs To Meet With All Local Companies. Editorial
Moderator: Moderators
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 9 Replies
- 566 Views
-
Last post by sahal80
-
- 0 Replies
- 164 Views
-
Last post by Kramer
-
- 6 Replies
- 599 Views
-
Last post by Qaarxiye
-
- 0 Replies
- 495 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 9 Replies
- 860 Views
-
Last post by SahanGalbeed
-
- 3 Replies
- 76 Views
-
Last post by FAH1223
-
- 26 Replies
- 2086 Views
-
Last post by Samatr
-
- 0 Replies
- 755 Views
-
Last post by gobdoon
-
- 2 Replies
- 1126 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 9 Replies
- 1483 Views
-
Last post by LiquidHYDROGEN