Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland Oo Goob Joog Ka Noqon Doona Doorashada Beri Ka Dhacaysa Dalka Rwanda
(Hadhwanaagnews) Sunday, August 08, 2010
Kigali (HWN) Waxa maalintii khamiistii soo gaadhay caasimada wadanka Rwanda ee Kigali gudida doorashooyinka qaranka Somaliland kuwaas oo goob joog ka noqon doona doorashada ka dhacaysa wadankan maalinta beri ah.
gudidan ayaa ka kooban lix xubnood oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Gudida doorashooyinka Mudane Ciise Yuusuf Xaaji Maxamed [Xamari].
Gudidan oo si lamid ah sida wadamada kale lagu maamuusay soo dhawayn heer sare ah ayaa la dajiyay mid kamid ah Hotels ka magaalada ugu bilicsan kaas oo ah Beausejour Hotel Kuna yaala agagaarka dhismayaasha dawlada ugu muhiisman sida Xarunta Barlamaanka Rwanda iyo Wasaraada Gaashandhiga.
lixdan xubnood ayaa waxay awood ulee yihiin in dhamaan ay soo kormeeraan oo soo indha indheeyaan goobaha codbixintu ka qabsoomayso oo ee dhamaan gobolada wadanka oo caasimaduna ku jirto.
waxa gudidu intii ay joogeen soo indho-indheeyeen goobaha taariikhiga ah ee uu ka dhacay xasuuqii loo gaysatay dadka Tutsiga ah ee ay u gaysteen Hutugu.
waxaana kamida goobahaasi ay booqdeen Xarunta wayn ee lagu kaydiyay kumanaan qalfoof oo dadkii lagu xasuuqay dhacdadii 1994 iyo sidoo kale Hotelka caanka ah ee Hôtel des Mille Collines oo dadku inta badan u yaqaanaan Hotel Rwanda kaas oo sannadkii 1994 lagu badbaadiyay dad aad u tiro badan oo kamid ah qoomiyada Tutsiga.
gudidu waxa kale oo ay socod ku soo mareen qaybaha kala duwan ee caasimada iyo daafaheeda iyagoo u fiirsanayay sida ay caasimadani u tahay meel aad u nadiif ah deegaan ahaan taaas oo markaad dhexmarto aanad ku arkayn wadooyinka waawayn iyo kuwa yar-yar toona wax haba yaraatee qashina.
sida lala wada socdo doorashadii ka qabsoontay jamhuuriyada Somaliland 26 bishii June ee sannadkan 2010 ayaa waxa kaalin taariikhi ah kagalay gudidan oo iyagu noqday rag xilkii loo igmaday ka soo baxay kadib markii gudiyo iyaga ka horeeyay ay noqdeen kuwo dhawr jeer labadalay.
maaha wadankii ugu horeeyay ee ay goob joog ahaan u tagaan gudidu balse waxay hore uga qayb galeen doorashooyinkii wadanka jaarka aan nahay ee Ethiopia.
Gudidan ayaa inta ay joogaan halkan waxa ay la kulmi doonan gudiyo badan oo ka kala yimi qaaradan Africa iyo meelo kale oo kala dudwan kuwaas oo iyana u yimi isla doorashadan Rwanda waxaana gudidu ay ka korodhson doonaan waayo aragnino iyo aqoon la xidhiidha habsami u maamulka iyo hanaanka wanaagsan ee doorashooyinka.
Wadanka ayaa ah wadan aad u baaxad yar kuna nool yihiin dad aad u tiro badan kuwaas oo ku dhow tiro ahaan 10 million oo ruux waana wadan indhaha caalamku eegayaan balsida ay doorashadiisu u qabsoonto taas oo ay ku tartamayaan 4 musharax oo uu ku jiro Maxawaynaha hada xilka haya ee Poul Kagame iyo saddex musharax oo mucaarad ah kuwaasoo mid kamidi tahay haweenay.
Cabdiqadir Cabdillahi Mire (Najax)
Kigali/ Rwanda
Mudane Xamari & Somaliland commission head to Rwanda for ele
Moderator: Moderators
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 1 Replies
- 447 Views
-
Last post by MJ360
-
- 0 Replies
- 324 Views
-
Last post by jamal859
-
- 3 Replies
- 577 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 0 Replies
- 350 Views
-
Last post by TarTar
-
- 9 Replies
- 1424 Views
-
Last post by ReturnOfMariixmaan
-
- 0 Replies
- 383 Views
-
Last post by Coeus
-
- 1 Replies
- 422 Views
-
Last post by senoritaa
-
- 0 Replies
- 408 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 0 Replies
- 484 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 7 Replies
- 2205 Views
-
Last post by Nubis
