Mudaneyaasha Golaha Wakiilada Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Meel Mariyay 14 Wasiir Oo Ka Mid Ah Golaha Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo
Hargeysa (HWN)- Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay 14 xubnood oo ka mid ah Golaha Wasiirada ee xukuumada cusub ee Madaxweyne Siilaanyo.
Fadhigii Golaha Wakiilada Somaliland ee maanta oo uu Guddoominayay Gudoomiyaha Golahaasi Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxa madasha ku sugnaa 65 Mudane oo ka mid ah 82 Xildhibaan ee Aqalkaasi ka kooban yahay.
Waxa fadhigaasi laga akhriyay CV-yada 14 Wasiir ee la ansixiyay waxaana inta kale loo balamay maalinta barri.
Mudaneyaasha Golaha Wakiiladu waxay mid mid cod gacan taag ah ku meel mariyeen 14 Wasiir ee ay ansixiyeen waxaanay u dhacday sedan:-
1-Wasiirka Maaliyada Md. Maxamed Xaashi Cilmi, markii la ansinayay waxa goobta ku sugnaa 62 Mudane, waxaana ogolaaday 58 Mudane waxa diiday 2 Mudane, waxa ka aamusay hal Xidhibaan Guddoomiyuhuna muu codayn.
2- Wasiirka Arrimaha Gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, waxa isna fadhiyay markii la ansinayay 62 Mudane, waxa ogolaaday 58 Mudane waxa diiday 1 Mudane, waxa ka aamusay 2 Mudane, Guddoomiyuhuna muu codayn.
3-Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Marwo Samsam Cabdi Aadan, waxa fadhiyay 62 Mudane waxa ogolaaday 60 Mudane. Waxa ka aamusay 1 Mudane, 1 Mudane ayaa diiday Guddoomiyuhuna muu codayn.
4- Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Md. Sacad Cali Shire, waxa fadhiyay madasha 62 Mudane waxa ogolaaday 61 Mudane, waxa ka aamusay 1 Mudane, cid diiday may jirin Guddoomiuhuna muu codayn.
5- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha bulshada Marwo Ilhaan Maxamed Jaamac, waxa madasha fadhiyay 63 Mudane waxa ogolaaday 59 Mudane, waxa ka aamusay 3 Mudane, cid diiday may jirin Guddoomiyuhuna muu codayn.
6-Wasiirka Gaashaan-dhiga Md. Axmed X. Cali Cadami, waxa fadhiyay markii loo codaynayay 63 Mudane, waxa ogolaaday 62 Mudane, cid diiday iyo cid ka aamustaytoona may jirin Guddoomiyuhuna muu codayn.
7- Wasiirka Cadaalada Prof. Ismaaciil Muumin Aare, waxa fadhiyay 63 Mudane waxa ogolaaday 62 Mudane cid diiday iyo cid ka aamustay toona may jirin Guddoomiyuhuna muu codayn.
8- Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sh. Khaliil Cabdilaahi Axmed, waxa fadhiyay 63 Mudane waxa ogolaaday 62 Mudane cid diiday iyo cid ka aamustaytoona may jirin.
9- Wasiirka Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska Dr. Maxamed Yaasiin Xasan, waxa goobta joogay 65 Mudane waxa ogolaaday 63 Mudane, hal mudane ayaa ka aamusay Guddoomiyuhuna muu codayn.
10-Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Md. C/Risaaq Ibraahim Maxamed, waxa ogolaaday 63 Mudane waxa 1 mudane ayaa ka aamusay Guddoomiyuna muu codayn.
11- Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Dibada Maxamed Yoonis Cawaale, waxa madasha fadhiyay 65 Mudane waxa ogolaaday 63 Mudane waxa ka aamusay hal Mudane Guddoomiyuhuna muu codayn.
12- Wasiir Ku Xigeenka Maaliyada Md. Warsame Siciid Cabdi, waxa madasha fadhiyay 65 Mudane waxa ogolaaday 63 Mudane waxa ka aamusay hal Mudane Guddoomiyuhuna muu codayn.
13-Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Gudaha Md. Cismaan Garaad Soofe, waxa madasha fadhiyay 65 Mudane waxa ogolaaday 63 Mudane waxa ka aamusay hal Mudane Guddoomiyuhuna muu codayn.
14- Wasiirka Duulista Hawada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, waxa madasha fadhiyay 65 Mudane waxa ogolaaday 63 Mudane waxa ka aamusay hal Mudane Guddoomiyuhuna muu codayn.
Wasiiradan la ansixiyay mid waliba wuxuu Mudaneyaasha Golaha Wakiilada uga xog waramay waxyaabaha uu culayska saari doono ee la xidhiidha waajibaadkiisa shaqo.
Fadhigan Golaha Wakiilada oo ku qabsoomay Hoolka shirarka ee Wasaarada Arrimaha Gudaha waxa aad loo adkeeyay ammaanka goobta shirka oo laga hawl geliyay ciidamo badan oo Boolis ah.
14 ministers got approved what about the others
Moderator: Moderators
- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 3 Replies
- 1016 Views
-
Last post by AbdiCushite
-
- 38 Replies
- 3069 Views
-
Last post by Wareer
-
- 1 Replies
- 464 Views
-
Last post by Bandit
-
- 46 Replies
- 7277 Views
-
Last post by zingii
-
- 6 Replies
- 1038 Views
-
Last post by Daff
-
- 2 Replies
- 6 Views
-
Last post by zingii
-
- 2 Replies
- 482 Views
-
Last post by FarhanYare
-
- 3 Replies
- 526 Views
-
Last post by studente
-
- 0 Replies
- 240 Views
-
Last post by dvision01
-
- 0 Replies
- 234 Views
-
Last post by misterioso