Hargeysa (Oodweynenews)- Wefti ka kooban Ururada Aflax Social Development Organization, SAMAFAL IYO OODWEYNE FOUNDATION, ayaa dhawaan safar Kor-meer xaqiiqo-raadis ah ku Tegay Degmada Durukhsi oo ka tirsan Gobolka Tog-dheer.

Weftigan oo ujeeda ugu weyn ee ay halkaas u tegeen ay daarnayd sidii ay u soo dersi lahaayeen xaalada waxbarasho ee halkaas ka jira iyo waxa laga qaban karayo baahiyadaha waxbarashado ee deegaanka Durukhsi ka ka taagan, isla markaana dhisme loogu dari lahaa Iskuulka Boodhinka ah ee Durukhsi
Kulankan lagu qabtay Durukhsi, ayaa ugu horyn waxa ka hadlay Gudoomiyaha durukhsi oo ka sheekeyay marxaladahi ay soo martay durukhsi iyo halka ay tagan tahay imika, isaga oo tilmaamay in dadweynaha durukhsi baahi weyn u qabaan sidii wax loogala qaban lahaa baahiyaha waxbarasho ee ka jira deegaanadooda.

Waxa kaloo halkaa ka hadlay Axmed Caydiid oo aad iyo aad ugu dhiri galiyay dadkii kulankaas ka soo qayb-galay muhiimda ay waxbrashadu leedahay, isaga oo ku adkeeyey inay awooda saaraan sidii u kobcin lahaayeen waxbarashadooda. Waxaana Aradaydii halkaas ku sugnayd ku adkeeyey in aabay waxbarashada sii dayn ee ay ku daadaalaan ka midho-dhalinteeda.

Gudoomiyaha Ururka Aflax Social Development Organization Ixsaan Aadan Farax (Foolge) oo iyana halkaas ka hadashay, ayaa sheegtay inay Urur ahaan diyaar u yihiin wixii awoodooda ah inay ka gaystaan horumarinta waxbarashada Durukhsi, isla mar ahaantaana waxa ay tibaxday in waxabarashadu tahay iftiin qofka.
Waxaana ay ku dhiiri gelisay araydii kulankaas ka soo qayb-galay inay waxbartaan, “Waxa aan idinku boorinayaa wax barta oo aqoon yeesha, ilayn kuwa dalka mamulaya waa adinka oo kale oo waxa bartay. Waxa aan idiinku diri galinay waxa barta, marka hada la gego wakhtiga la dhisay schoolkan iyo sida la idiinku sheegay waxa barashada waa waxa lala yaabo.” Ayay tidhi Gudoomiyaha Ururka Aflax Social Development Organization Ixsaan Aadan Farax (Foolge).
Waxa kale oo isna halka ka hadlay Maxamed M. Kahin (Deeq) oo isaguna kula taliyay degan ka caruruta inay ku dadalan waxa barashad oo anay ka sariin marka aad u bahatan caruurta waxa ha la baro.
Xoghayah Guud ee maliyad ee Ururka oodweyne foundation Cumar Saleebaan oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa sheegay in dhisma Iskuulka ay ka bixinayaan Jeebkooda iyo lacago la soo uruuriyey, balse aanu ahayn qandaraas meel ka soo qaateen.
Ugu dambayntii Gudoomiye ku xigeen ka Aflax Siciid Cabdilaahi Col-u-joog oo isaguna kulankaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday muhiimada ay waxbarashada leedahay, isaga oo xusay inay mar kasta muhiimaada koobaad la siiyo horumarinta waxbarashada.
