Sanaguradii JWXO oo South Africa lagu xusay.

User avatar
EEGA9
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1906
Joined: Thu Jul 22, 2010 8:05 am

Sanaguradii JWXO oo South Africa lagu xusay.

Post by EEGA9 »

Habeenimadii xalay ee taariikhdu ahayd 09/08/2010 waxaa la qabtay xalafad balaadhan oo lagu maamuusayo aas aaskii jabahadda wadaniga Xoreeynta Ogaadeenya (JWXO) waxaa soo wareegtay mudo 26 sano markii la sameeyay oo ahayd 15/08/1984.

Xafladan waxaa soo diyaariyay Jaaliyadda Soomaalida Ogaadeenya ee koonfur afrika(JSOKA) dadweynaha goobta isugu yimid waxay ahayeen kuwo wax yar ka hooseeyay kun, shacabka meesha isugu waxay ka koobnaayeen soomaalida Ogaadeenya, dadweyne soomaaliyeed iyo wali Ajnabi.

Munaasiba oo ahayd mid si aad ah loo soo agaasimay waxaa ka soo qayb galay hadala ka jeediyay duqay soomaaliyeed, markaska Iimaamo shaafici iyo waliba Jaaliyadda soomaliyeed ee (SASA).

Image


Image



Image




Sanad guuradan waxaay ka koobnayd khudbado lagaga hadlayo halganka Ogaadeenya iyo taariikhada soo jireenka ah ee ummadda soomaliyeed waxaa kale ku jiray filmo laga soo duubay Ciidanka Xooreeynta ogaadeenya (CXO) oo dadweynuhu aad ula dhaceen dadwashadiisa,waxaa sidoo kale goobta iyana lagu dawada khudbaddii gudoomiyaha ee shir sanadeedkii Jaaliyaddaha Ogaadeenya ee Sweden qayb kamid ah.

Bilowgii shirka waxaa oo lagu furay ayado qur’aan kariimka ah iyo wacdi diini waxaa bilaamay in marti sharftii shirka lagu caasumay lagu soo dhaweeyo waxaana aad ugu xiiso badan marka laga tago halgan iyo taakhriikhda Ogaadeenya Dr Yaasiin oo ahaa, dhakhtar soomaaliyeed kana soo shaqeeya ogaadeenya, mudo toban sano kudhawaad ah, wuxuu ku nuux nuux saday dhibaatada goobta ka jirtay iyo dulmiga shacabka lagu hayo, wuxuu dhakhtarku dadka ku booriyay in la taageero shacabka reer Ogadeenya ee gacanta ka xoogweyni haysato .




Image





Image


Goobta oo ahayd meel aad loo qurxiyay ayaa sidoo kale waxaa aad ubilicsanaa dadweyniihi goobta isagu oo xidhnaa calanka Ogaadeenya iyo calanka soomaaliyeed, waxaa markale qaylo sacab iyo sawaxan is qabsaday markii hadalaka uu bilaabay Suldaan Shiine oo ahaa salaadiinta soomaalida Ogaadeenya ee Goobta fadhida wuxuu suldaanka dadkii waydiiya soomaaliyeed ma garbaa in ummada soomaalida Ogaadeenya lagu fiirsado cadowga ? waxaa kale uu suldaanku sheegay in qadiyadan u taalo dhamaan ummadda soomaliyeed oo dhan , ee dhinac gaar ah ayna khuseeynin.

Waxaa ku xigay Suldaan Xuseen Xaaji Daahir (Qabil) gobol ahaan ka soo jeeda Northern Frontier District(NFD) Kenya , oo hadalkiisa ku bilaabay mahad naq iyo waano, wuxuuse kululaaday markii danbe markii uu ka hadlay halganka ogaadeenya wuxuna yidhi waa waajib ina saran in aan qadiyada wax ka qabano .






Image






Gabo gabadii shirka waxaa lagu soo dhaweeyay Muxumed Ibraahin Muxumed (Qonbar) oo ka hadlay sidii dowlada Ethiopia iyo jabahdda Onlf isku afgaran wayday sanadadii sagashaanadkii wuxuuna dadka hoga tusaaleeyay in dhibka dadka Ogaadeenya haysta iyo midka ummadda soomaliyeed in uu isku mid yahay hal cadowna yahay . wuxuu ku soo gunaaday in la midoobo .waxaa markaas goobta lagu soo dhaweeyay barnaamij ruwaayada ahaaa oo lagu talo galay goobta markaas oo dadweynuhu hal mar wada kaceen, kuwaas soo dhawaynayay heestii calanka oo goobta laqaday, wuxuuna shirku dhamaaday jiwi wanaagsan oo farxadeed.




Image






Ogadentoday
Koonfur Afrika.
User avatar
Hard-Rock
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1419
Joined: Sat Nov 18, 2006 8:16 pm
Location: Azania state of Somalia

Re: Sanaguradii JWXO oo South Africa lagu xusay.

Post by Hard-Rock »

:up: :up:
User avatar
EEGA9
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1906
Joined: Thu Jul 22, 2010 8:05 am

Re: Sanaguradii JWXO oo South Africa lagu xusay.

Post by EEGA9 »

Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Ogaden - General Discussions”