Wasiirka Cusub ee Warfaafinta ee Mudane Cabdillaahi Jaamac Cismaan ”Cabdillaahi Geeljire oo saaka ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Berbera International Airport.
Mudane Cabdilaahi Jaamac Geeljire ayaa caan ku ahaa qoraallo isdaba joog ah oo jaraaidada Somaliland ku soo bixi jiray
Wasiirka cusub ee Warfaafinta Somaliland Mudane Cabdillaahi Jaamac Cismaan ”Cabdillaahi Geeljire ayaa saaka ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Berbera , wasiirka oo ka soo kicitimay dalka Canada isagoo soo maray wadanka UK ayaa hada xalay kasoo dhoofay wadanka imaaraadka.
Wasiirkan Cusub ee Warfaafinta ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu soo gaadho caasimada Somaliland ee Hargeysa halkaas oo la filayo in maalmaha soo socda uu si rasmi ah ula wareeggo wasaarada warfaafinta Somaliland oo loo magacaabay intii uu ku sugnaa dalka Canada oo uu degan yahay.
Mudane Cabdilaahi Jaamac Geeljire ayaa caan ku ahaa qoraallo isdaba joog ah oo jaraaidada Somaliland ku soo bixi jiray, maqaaladaa oo taxane ahaa oo dadku aad u jeclaayeen., waxaanu si ba,an u weerari jiray dawladii hore ee Daahir Riyaale Hogaanka u hayay , isagoo ku tilmaami jiray dawlad musuqmaasuqu daashaday.
Mudane Cabdillaahi Jaamac Cismaan ”Cabdillaahi Geeljire ayaan wali si rasmi ah u sheegin inuu qoraaladii Dube iyo Doolaal ee uu soo bandhigi jiray inuu soo saari doono iyo in kale balse waxaynu sugnaa waa shirka jaraaid ee ugu horeeya oo saxaafada Somaliland uu u qabto iyo iyo su,aalaha saxaafadu uula diyaar tahay.
Gabileynews desk
Hargeysa
The minister of information arrives in somaliland
Moderator: Moderators
- Khalid Ali
- SomaliNet Super

- Posts: 32743
- Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
- Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa
Re: The minister of information arrives in somaliland
Wasiirka Warfaafinta Cabdillaahi-Geel-jire oo maanta si weyn loogu soo dhaweeyey Hargeysa iyo Berbera iyo nuxurka hadalkiisa
posted by: mursal
Hargeysa(Togaherer.com):- Wasiirka Wasaaaradda Warfaafinta Somaliland Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Cabdillaahi-Geel-jire), ayaa markii ugu horreysay tan iyo intii uu Madaxweynuhu magacaabay maanta dalka soo gaadhay, isla markaana, waxa uu sagaalkii subaxnimo ee saaka ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil, halkaas oo si fiican loogu soo dhaweeyey, ka dibna uu uga soo gudbay dhinaca Caasimadda Hargeysa, iyada oo si layaableh loogu soo dhaweeyey Hargeysa, lagagana hortagay Deegaanka Awbarakhadle oo laga soo galbiyey.
Madax-dhaqmeed isugu jiray Salaaddiin, Cuqaal, Odayaal, iyo Siyaasiyiin, Aqoonyahan, Waxgarad iyo dhallinyaro wiilal iyo gabdhaba isugu jira iyo dadweyne aad u tira badan, ayaa baabuur fara badan Wasiirka kaga soo galbiyey Madaarka Berbera illaa magaalada Hargeysa, iyada oo badi dadka iyo gaadiidku ay Wasiirka kaga hortageen Deegaanka Aw Barkhadle ee duleedka caasimadda, halka ay in badan oo qaybahaas ka mid ahina illaa Berbera kaga hortageen
Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Cabdillaahi-Geeljire, oo dhawaanahanba la dhawrayey inuu dalka yimaaddo si uu xilka Wasaaradda loo magacaabay ula wareego, ayaa guud ahaanba u mahadceliyey dadweynaha kala duwan, madax-dhaqmeedka iyo waxgaradka soo dhaweeyey Berbera illaa Hargeysa.
Waxaanu warbaahinta u sheegay mar uu qolka nasashada madaarka Berbera iyo Huteelka Ambassador ee Hargeysa kula kala hadlay qaybaha warbahinta, waxa uu sheegay inuu wax badan ka qaban doono arrimaha Saxaafadda iyo Suxufiyiinta, isla markaana uu ka horumarin doono dhinaca kor u qaadista aqoonta iyo is dhexgalka Warbaahinta dawladda iyo ta madaxa-bannaan, isaga oo si weyn ugu mahad-celiyey Warbaahinta madaxa-bannaan oo uu sheegay inay tahay ta ay Somaliland maanta heerka ay taagan tahay ku soo gaadhay. Sidaa daraadeed-na waxa uu ballan-qaaday inuu dhiirigelin doono Saxaafadda madaxa-bannaan, kuna dhici doonin tacaddiyo badan oo uu xusay inay soo martay warbaahintu muddadii Xukuumaddii hore talada haysay.
Wasiir Geel-jire, oo wax laga waydiiyey inay dad badan oo Saxaafadda ku dhex jira oo ka dalbanaya inuu ku wareejiyo qoraalkiisii caanka ahaa ee Dubbe iyo Doolaal, maadaamoo uu Wasiir noqday iyo wuxuu ka yeelayo, waxa uu sheegay inuu soo dhawaynayo cid kasta oo dabooli karta qormooyinku uu Wasiirka ka noqday.
Sidoo kale, Mar Wasiirka Warfaafinta wax laga waydiiyey TV-ga qaranka oo dhawrkii habeen ee u dambeeyey hawada ka maqnaa, gaar ahaan qaybta Hargeysa laga daawado iyo sida uu u arko, waxa uu sheegay inay cilladda TV-gu tahay arrin aad iyo aad looga xumaado, isla markaana uu si weyn isagu Wasiir ahaan uga xun yahay, hase ahaatee, dhibaato kastaa ka iman karto dhinaca farsamada, taasoo waajibaadku yahay in sida ugu dhakhsaha badan wax looga qabto, sidaa awgeedna ta Wasiir ahaan sida ugu dhakhsaha badan uu uga hawlgali doono sidii dib u hagaajinta iyo ku soo celinta hawada ee TV-ga.
Waxaanu intaa ku daray inay sida ugu dhakhsaha badan Idaacad ballaadhan oo dalka Somaliland oo dhan wada gaadha ay qorshaha ugu jirto in la keeno, isaga oo Wasiirku xusay inuu xidhiidh fiican la soo sameeyey dalal dibadda ah, gaar ahaan dhinaca Warbaahinta.
Togaherer.com

he got a warm welcome, from all salaadinta cuqaasha beesha isxaaq
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 509 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 0 Replies
- 575 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 1 Replies
- 410 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 7 Replies
- 1048 Views
-
Last post by SYSS
-
- 2 Replies
- 529 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 19 Replies
- 1844 Views
-
Last post by SahanGalbeed
-
- 6 Replies
- 584 Views
-
Last post by ramzy2277
-
- 8 Replies
- 1598 Views
-
Last post by SahanGalbeed
-
- 1 Replies
- 426 Views
-
Last post by Kees70
-
- 2 Replies
- 897 Views
-
Last post by Somalistan