WELL DONE PRESIDENT MAXAMUUD CABDI GAAB
Madawxeynaha Cusub ee dowlad goboleedka Hiiraan Mudane Maxamuud Cabdi Gaab (Midigta) iyo Ku-Xigeenkiisa Mudane Isaaq Cali Cabdulle

Jimco, Agoosto 13 (HOL) – Madaxweynaha Cusub ee dowlad Gobleedka dhawaan lagaga dhawaaqay magaalada Nairobi Mudane Maxamuud Cabdi Gaab ayaa shir jaraa’id maanta ku qabtay Hotelka Andolus ee magaalada Nairobi.
Madaxweyne Maxamuud Cabdi Gaab uu wehliyo Madaxweyne-ku-xigeenkiisa Mudane Isaaq Cali Cabdulle ayaa wuxuu warbixin dheer ka bixiyey sababta keentay in maamul loo sameeyo gobolka Hiiraan isaga sheegay in dhibaatada maanta ka taagan gobolka Hiiraan aanan indhaheelaga qabsan karin. Mudane Maxamuud ayaa sidoo kale ka hadlay taariikhda dheer ee uu leeyahay Gobolka Hiiraan iyo sida caddaalad darrada ah ee ay ula dhaqmeen dhammaan dowladihii soo maray.


