
Caynaba(iftinnews)22/08/2010 Guddoomiyihii hore ee gobolka Saraar ayaa goordhawd xilkii ku wareejiyay guddoomiyaha cusub ee gobolka Saraar madasha xil wareejinta ayaa ahayd mid aad loosoo agaasimay waxaanna Madasha kasoo qayb galay salaadiin cumo .awdiin xildhibaano iyo waliba siyaasiyiin.
Dadka ku dhaqan magaaladda Caynaba ayaa saaka ka warhelay in guddoomiyihii Hore ee gobolka Saraar uu xalayto soo Galay waxaanna saaka Salaaddii Magaaladda burco ka Jarmaaday guddoomiyaha Cusub ee gobolka Saraar ibraahin jamac xasan .
Guddoomiyaha cusub ee la soo magacaabay oo halkaasi kaHadal ayaa u Mahadnaqay marti sharafkii halkaasi kasoo qayb galay waxaanna ilaa iyo hadda wali lagu gudda jiraa munaasibadda xilwareejinta oo wali socota
