Burco: Wasiir ka mid ahWasiirada xukumadda cusub oo ku dhaqaaqay Tallaabo ka cadhaysiisay Guud ahaan Shacabka Togdheer. Muxuu Sameeyey?????????
Wasiirka Duulista hawada iyo gaadiidka Cirka Maxamud Xashi Cabdi ayaa Dab-damiskii keli ahaa ee magaalada Burco u wareejiyey magaalada Berbera ee gobolka Saxil, Hadaba wareejinta dabdamiskaaas loo wareejiyey Berbera ayaa ahayd hadalhaynta u badan ee shacabka Reer Burco tan iyo markii uu wareejiyey wasiirku, waxaana wareejintaasi uu ku amray mar uu kormeer ballaadhan si wada jir ah ula sameeyey wasiirka shaqada ee xukuumadda Cusub marwo ilhaan,
Dadweynaha ku dhaqan magaalada Burco ayaa cabasho ka muujiyay wareejinta dabdamiskaas, Dadweynaaha ku dhaqan Burco ayaa nasiib-daro ku tilmaamay in wasiirka Duulistu uu baabuurkaa Dab-damiska ah ee kelida ku ahaa magaaladaas uu u wareejiyo magaalada Bebera. "Waa nasiib-daro in uu maanta wasiirka cusub ee Duulista Hawadu ku kaco talaabadan oo aanu mid foosha xun u aragno, taasoo uu gaadhigii keli ahaa ee Burco lahayd ee garoonka iyo magaalada bakhtiin jiray Berbera ugu wareejiyo," sidaa waxa yidhi Cali-Gudyar oo dareenkiisa arrintaa ku saabsan u sheegay warbaahinta mar ay u kuurgalaysay dareenada kala duwan shacabka Burco.
"Dab-damiskani waxa uu bakhtiin jiray maalin kasta meesha gubata, maalintii wasiirku ka xaystay intii ka dambaysayna guro badan baa gubtay, wax bakhtiiyana waa la waayay" sidaana waxa yidhi mid ka mid ah waxgaradka magaalada Burco.
Dhinaca kale, dawladda Hoose ee Burco ayaa dareen cabasho ah ka muujisay talaabada Dabdamiskaas lagaga wareejiyay Burco, maadaama siday sheegeen ay arrintaasi sababtay in Dab-damis loo waayo guryo ku yaala magaaladaas oo Dab ka kacay. "Gaadhigan Dawladda Hoose ayaa gacanta ku haysay oo dayactiri jirtay shaqaalena u qortay musharkana siin jirtay, waxaana lahaa madaarka Burco oo loo keenay, markii madaarku shaqadiisu yaraatay ayaana dawladda Hoose lagu wareejiyay, waxaanu Dab-damis u ahaa Burco oo dhan iyo Togdheer oo dhan, maalin kastana waxa uu bakhtiin jiray wixii gubta. Laakiin, waxa lagu kaxeeyay amar ka soo baxay wasiirka cusub ee Duulista Hawada waxaana la geeyay magaalada Berbera," waxa isna sida warbaahinta u sheegay madaxa gaadiidka ee dawladda Hoose ee Burco Mr. Jaamac Ibraahim Cajab.
"Gobolkiinu bilaa Dabdamis ha ahaado, Gobolka kalena dab damis ha lahaado, iyo magaalada Burco waa magaalo weyn waana caasimaddi 2aad inay bilaa madaar ahaaton maaha suurto gal inu labadaas kala yidhaahdo ha naga daayo wasiirku o dhinac ha isugu baydho, oo Burco in dabdamisyada loo soo kordhiyo mooye in keeda laga qaado uma qalanto ha na yidhaa ama Go’aanka iyo amarkaa uu dabdamiska nagaga wareejiyey ha ku adkaysto" sida waxa so cadho leh u tidhi mid ka mid ah haweenka Gobolka Togdheer.
Dareenada ay dadka iyo masuuliyintu ka bixinayaan talaabada wasiirka duulista ee xukumadda cusubi ku warejiyey Dabdamiska Gobolkani lahaa ayaa dhammaantood ahaa qaar cadho leh, waxaana arrintani ay noqonaysa Bar madow oo shacabka Togdheer durba ay ku suntaan wasiirka cusub ee duulista hawada, wasiirka ayaan sheegin sababta uu gobolka uga dhigay bilaa dabdamiska , isagoo mar uu warbaahinta la hadlayey sheegay kuna ammaanay Burco inay tahay meel anay surto gal ahayn inay madaar la’ato tahayna magaalo madaxda labaad, balse waxa aan laba is qabanayn ah eryada ka soo baxaya afka wasiirka oo noqonaya kuwo iska hor jeeda oo dadku ay la yaabanyihiin.
Ugu danbayntii talaabadan uu wasiirku qaaday oo shacabka Burco ku dhaqani ay sheegeen inaanay aqbalaynin ayaa laga war dhowrayaa waxa uu madaxweynaha cusubi mr.siilaanyo ka yidhaahdo marka ay arrintani gaadho.
Mustafe Osman A/rahman (Mustafe Teacher)
Hadhwanaagnews Burco / Office
Wasiir xukumadda cusub oo ka cadhaysiiyey Reer Burco
Moderator: Moderators
- Khalid Ali
- SomaliNet Super

- Posts: 32790
- Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
- Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa
Re: Wasiir xukumadda cusub oo ka cadhaysiiyey Reer Burco
We just need more fire department vehicles in Burco region Maroodjeex has lots Fire department vehicles Because now Burco and berbera have to share , and I can understand the frustration from reer burco because there are lots fire incidents in burco the last few years , The new government just needs more fire department vehicles in the togdheer region
- Cali_Gaab
- SomaliNet Super

- Posts: 14013
- Joined: Wed Oct 17, 2007 8:50 pm
- Location: Sleeping next to my life's cottage
Re: Wasiir xukumadda cusub oo ka cadhaysiiyey Reer Burco
I really don't understand this stupid move.
'Burco ha laga qaado, magaalo kalle ha la geeyo, wax alaa la idin soo kordhinayo na maba jirto' ? Yaa?
It makes no sense to remove important things from one city to another, which is much smaller and has a lesser population. Inan xashi Cabdi has alot of explaining to do, i'm looking forward to his statement in the next couple of days. That's 'if' he knows what he's doing.
So far:
Dawladda 0
Rightwing 1
'Burco ha laga qaado, magaalo kalle ha la geeyo, wax alaa la idin soo kordhinayo na maba jirto' ? Yaa?
It makes no sense to remove important things from one city to another, which is much smaller and has a lesser population. Inan xashi Cabdi has alot of explaining to do, i'm looking forward to his statement in the next couple of days. That's 'if' he knows what he's doing.
So far:
Dawladda 0
Rightwing 1
Re: Wasiir xukumadda cusub oo ka cadhaysiiyey Reer Burco
Cali gaabna waxaadna moodaa inuu isagu madaxweynihii SL yahay. Wuxuu ku leeyahay "Ina Xaashi Cabdi has a lot of explaining to do".
Waar sidayada marka dab dhaco nin dhagax la orda, nin jiingad la orda, nin digsi biyo kula orda, niman dhagxaan waaweyn la yaaca yeesha intaadan hal gaadhi ka dhaxaysiinaysaan Burco iyo Berbera.
Last edited by udun on Mon Aug 23, 2010 11:07 pm, edited 1 time in total.
- ToughGong
- SomaliNet Super

- Posts: 15321
- Joined: Mon Jul 14, 2008 11:06 pm
- Location: No Justice Just Us
Re: Wasiir xukumadda cusub oo ka cadhaysiiyey Reer Burco
Dawladda 0
Rightwing 1
- ToughGong
- SomaliNet Super

- Posts: 15321
- Joined: Mon Jul 14, 2008 11:06 pm
- Location: No Justice Just Us
Re: Wasiir xukumadda cusub oo ka cadhaysiiyey Reer Burco
ha share gareeyaan gaadhiga dab demiska ah Burco iyo Berbera
By the time it comes from one city to the other mgaaladiiba gubateye
- Cali_Gaab
- SomaliNet Super

- Posts: 14013
- Joined: Wed Oct 17, 2007 8:50 pm
- Location: Sleeping next to my life's cottage
Re: Wasiir xukumadda cusub oo ka cadhaysiiyey Reer Burco
udun wrote:![]()
@ Cali Gaab and Khalid's comments. Mid wuxuu yiri ha share gareeyaan gaadhiga dab demiska ah Burco iyo Berbera (Khalid's comments). Oo yaa og meel dabku ka dhici doono, gaadhiguse miyuu kasoo gaadhaa?
![]()
![]()
Cali gaabna waxaadna moodaa inuu isagu madaxweynihii SL yahay. Wuxuu ku leeyahay "Ina Xaashi Cabdi has a lot of explaining to do".![]()
Waar sidayada marka dab dhaco nin dhagax la orda, nin jiingad la orda, nin digsi biyo kula orda, niman dhagxaan waaweyn la yaaca yeesha intaadan hal gaadhi ka dhaxaysiinaysaan Burco iyo Berbera.![]()
- Rightwing
- SomaliNet Super

- Posts: 9248
- Joined: Mon Dec 23, 2002 7:00 pm
- Location: Maqaamka lagu xadreeyo MEDED, MEDED
- Contact:
Re: Wasiir xukumadda cusub oo ka cadhaysiiyey Reer Burco
seemeyer wrote:Dawladda 0
Rightwing 1![]()
![]()
Re: Wasiir xukumadda cusub oo ka cadhaysiiyey Reer Burco
seemeyer wrote:Dawladda 0
Rightwing 1![]()
![]()
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 1 Replies
- 407 Views
-
Last post by MarsinQorahay
-
- 0 Replies
- 320 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 0 Replies
- 439 Views
-
Last post by Diyeeshaha_Tolka
-
- 16 Replies
- 4991 Views
-
Last post by CaliBurco
-
- 1 Replies
- 960 Views
-
Last post by Togdeer
-
- 10 Replies
- 1921 Views
-
Last post by Mr_Alfaas
-
- 15 Replies
- 5085 Views
-
Last post by Qatar_isaaq_chick
-
- 12 Replies
- 1791 Views
-
Last post by Cali_Gaab
-
- 0 Replies
- 395 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH