Md.Cali Sanyare might run for UDUB Candidacy

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Md.Cali Sanyare might run for UDUB Candidacy

Post by Siciid85 »

Image


Wasiirkii Hore ee Qorshaynta Qaranka oo ka Hadlay Md. Cali Sanyare Oo Ka Hadlay Mustaqbalka UDUB, lana weydiiyay inuu Isu Soo Sharaxayo Hogaanka Xisbiga


“Waxaan aad u jeclaa in xisbigaygii UDUB ku guulaysto (Doorashada), laakiin. Waxaan anigu u haystaa saddex qodoba isbedelkani inuu kolayba iska fiicnaa, inuu wax ka tarayo midnimada iyo horumarka dalka, In oday Axmed Maxamed Siilaanyo, oo uu hayay damac ah inuu Madaxweyne noqdo, uu hadda da’ ayuu joogaaye uu isna halkaas ku qaboobo, taas oo iyana xoojin karta nidaamka Dimqraadiyadda iyo siyaasadda dalka, midda saddexaadna waxa weeye haddii ay UDUB heli lahayd……..”

Hargeysa/Sallaxleynews-Wasiirkii hore ee Wasaarada qorshaynta qaranka iyo xidhiidhka caalamiga ee Somaliland Md. Cali Ibraahim Maxamed (Cali Sanyare) ayaa markii ugu horeysay ka hadlay sababaha ugu waawayn ee keenay in xisbigii UDUB ee mudada dheer Somaliland xukumayay lagaga guulaysto doorashadii Madaxtooyada ee dalka ka dhacday 26/06/2010-ka.



Md Cali Ibraahim Maxamed, oo dhawaan ka soo baxay qaliin caafimaad oo uu u galay cisbitaal ku yaala magaalada Geneva ee dalka Switzerland, waxa uu isagoo halkaas jooga, xalay u waramay Wargeyska Geeska Afrika, waxaanu sheegay in sababta ugu weyn ee uu UDUB u guul daraystay tahay xisbigii oo saqiiray oo aan laga shaqayn dhismihiisii iyo sidii uu tartanka u geli lahaa. Md. Cali-Sanyare, oo ka mid ahaa xubnaha kooban ee miisaanka leh ee ku jiray xukuumadii Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu sheegay in caafimaadkiisu hadda wanaagsanyahay, cisbitaalkiina ka soo baxay oo uu nasasho ku jiro. Waraysigaasina wuxuu u dhacay sidan:



Mudane Cali, waxaad gashay qaliin, bal hadda caafimaadkaagu waa sidee?



Walaahi caafimaadkaygu aad iyo aad buu u fiican yahay, wadankiina waxaan si deg-deg ah uga soo baxay 28/05/2010-ka, sababtoo ah markii aan isku baadhay Maraykanka ayaa la igu yidhi si deg-deg ah fin Carabka kaa soo baxay iska qal. Markaa Madaxwayne Rayaalena wakhtigaas fasax ayaan ka soo qaatay, waxaanan islahaa toddobadaad gudihii ayaad ku soo noqon doontaa, laakiin waxa la igu sameeyay qaliin toban saacadood qaatay, markaa imikana wuu dhamaaday oo waan ka baxay oo si wanaagsan ayaan u caafimaaday.



Xukuumadii hore, qaliinkaagan wax caawimo ah ma ka gaysatay?



Mayee, xukuumadii hore waxba igamay bixin, wakhtigaan soo baxayna wakhti aan arrimahaas dheg jalaq loo siinayn ayay ahayd, anigaana is dab-baray.



Dalka, intii aad ka maqnayd waxa ka dhacay isbedel, madaxweynihii hore waa laga guulaystay, madaxweyne cusub ayaa la doortay. Bal isbedelkan dhacay sideed u aragtaa?



Marka ugu horaysa waxaan aad u jeclaa in xisbigaygii UDUB ku guulaysto, laakiin isbedelku markuu yimaado, uma yimaado sidii uu dadkeena ugu yimid oo kale, waa la faaqidaa oo waa la eegaa inuu yahay isbedel wax tar leh iyo inuu yahay isbedel aan wax tar lahayn. Waxaan anigu u haystaa saddex qodoba isbedelkani inuu kolayba iska fiicnaa, inuu wax ka tarayo midnimada iyo horumarka dalka, waa marka labaade oday Axmed Maxamed Siilaanyo, oo uu hayay damac ah inuu Madaxweyne noqdo, inuu hadda da’ ayuu joogaaye uu isna halkaas ku qaboobo, taas oo iyana xoojin karta nidaamka Dimqraadiyadda iyo siyaasadda dalka, midda saddexaadna waxa weeye haddii ay UDUB heli lahayd, Dimuqraadiyadeenu weli waa bilow, laakiin markuu xisbi mucaarad ahi helo ee uu yahay wadan Afrikaan ah, loona tiriyo doorasho xor iyo xalaal ah in lagu kala baxo, taas lafteeduna waa mid weyn oo ictiraafkeena iyo geedi socodka Dimuqraadiyadda iyo midnimada wax ka taraysa. Markaas saddexdaas aragtiyoodba wuu ku fiicanyahay, shan sannadoodna waa berri, laakiin sidaan hore u sheegay nin walba waxa u guntanayd xisbigaagu ha helo.



Cali, maadaama oo xisbigii aad ka tirsanayd ee UDUB laga guulaystay. Bal markaas maxaad u aragtaa inay sabab u ahayd in laga guulaysto?



Horta nidaamkan dimuqraadiyada ah ee aynu bilownay waxa uu ogolaanayaa in wax la badalo, UDUB-na labaatankii sanadood ee ugu dambeeyayna iyadda ayaa xukunka haysay, markaa waxyaalo badan baa isbadalkaa keenay, oo dadka haddii had iyo gooraale taswiirtaadu ku badato isbadal bay doonaan.



Ta kale marka aad xukuumada ku jirto khaladaad badan baa iska dhaca, kuwaas oo dadkana lagu beer laxowsan karo, isbadalkaas oo kalena keena. Ta saddexaad waxa weeyaan dadku inta uu xukunka hayo wuu is dhisaa, laakiin habacsanaan baa ka soo baxda hawshooda, waxaanad moodaa in sida mucaaradka aanay darbi walba dadka wax kaga dhaadhicinayn oo ay u qaataan in dadku meeshaas u taaganyihiin, weliba dadka dawlada u soo waramayaana warka ay siinayaan uu noqdo wax walba way hagaagsan yihiin, taasina Kenya iyo meelo badan oo kale ayay ka dhacday, markaa sababta lagu badalay UDUB waa sababahaa iska caanka ah. Laakiin sababta ugu wayni waxay ahayd xisbigii oo saqiiray oo la saqiiriyay ayaa ah mushkilada ugu wayn, oo toddobadii sanadood ee ugu dambaysay waxa dhacday in aan xisbigii la dhisin lagana shaqaynin lana siinin macno wayn oo ah inuu doorashada helo, markaa waxa imika loo baahan yahay in UDUB cusub iyo jawi cusub oo UDUB cusub lagu bilaabo la sameeyo si bahwayntii UDUB ay ka tashato sidii ay mar labaad tartan u gali lahaayeen oo shanta sannadood ee soo socda tartan fiican u geli lahaayeen.



Haddii aan imika la bilaabin ilayn toddoba sanadood ayuu xisbigu saqiiraye inay dhibaato ku noqoto inuu si wanaagsan uga qayb-galo, markaa waatan gudida guddoomiyaha xisbigu sameeyay inuu baadho wixii sababay faashilkii, markaa waala arki doonaa waxay soo qoraan, muhiimaduna waxa weeyaan inaan dib la eegin ee hore la eego oo ay dhacdo in xisbigii si fiican isku cusboonaysiiyo oo UDUB cusub la dhiso, wax alaale iyo wixii ka kala yaacayna dib loogu gacan haadiyo si ay xisbigii dib ugu noqdaan, dimuqraadiyada wanaagsana xisbiga lagu soo dabaalo oo ah in dadku ka qayb-galo dhisida iyo xoojinta xisbiga cid alaale iyo cidii ku soo baxdana la ayido oo aanay dhicin habacsanaantii hore ee ahayd in aan talada la wada wadaagin.



Adiga ma kugu jirtaa inaad shanta sannadood ee dambe aad u tartanto inaad noqoto murashaxa xisbiga UDUB ee Madaxweynenimada Somaliland?



Walaahi taasi igama madhna laakiin inaan wada tashi badan la sameeyo weeyaan xisbiga iyo taageerayaasha, wayna fiican tahay inay soo baxaan wajiyo cusub oo dadku ku kalsoon yahay.



Laakiin, haddii xisbiga UDUB aad ka dhex aragto ma is sharaxaysaa?



Taas wada tashi baa ku jira, laakiin meesha kama madhna.

La soco…Qaybta labaad ee waraysigan oo aad u xiiso badan.

Sallaxleynews Desk
User avatar
Khalid Ali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 32790
Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa

Re: Cali Sanyare might run for UDUB Candidacy

Post by Khalid Ali »

Cali sanyare is a good guy he is good friends with my dad a decent honest man , he also looks like Jamie fox lol
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Cali Sanyare might run for UDUB Candidacy

Post by Siciid85 »

khalid ali wrote:Cali sanyare is a good guy he is good friends with my dad a decent honest man , he also looks like Jamie fox lol

Wa ruunta , Cali Sanyare is a top guy and one of the most honest and hard working ministers of the former government. :up:


Md. Wasiir Cali-Sanyare, Waxa Uu Mudan Yahay In Lagu Daydo









Waxaan halkan hambalyo u dirya dhamaan aqoonyahanaka Reer Somaliland ee ku guulaysatay in ay wadankooda wax ku kordhiyaan ayaga oo Illaahey tala saartay in ay wadankooda wax-ka-bedal muuqda u qabtaan iyo bulsha-weynta JSL. By: A/rahman A/llahi ( Abdikaliil ).





Marka labad waxaan hambalyo iyo bogaadin aan la soo kobi karin u dirayaa Wasiirka Qorsheynta Qaranka Mudane Cali Ibrahim Maxamed ( Cali-Sanyare ) oo runti ah wasiirka qaaday koobka wax qabadka ee xukumada Madaxaweyne Rayaale Kaahin JSL.

Anaga oo og in ay xukumadda hada jirta ay tahay tii u balaadhnayd amaba u wasiiro badnayd tan iyo intii madax-banaanida ay la soo noqotay Jumhuuriyadda Somaliland ayaa hadana waxay ku caan baxaday wasiiro badan iyo tayada wax qabadkeeda oo aad u liidata ayay hadana waxa jira dhawr wasiir oo fara ku tiris ah oo wax qabad fiican leh bulshaduna ay aad u amaantu. Kuwaas oo uu ugu horreeyo Md. Wasiir Cali Ibrahim oo ay muxaafid iyo mucaaridba soo dhaweeyeen maalintii la magacabay.

Hadaba akhristaw mudadii kobnayd ee u xilka qaranka uu u hayay iyo wax-qabatkiisa uu qabtay ayaad waxaad ka arki kartaa in ay kala badani yihiin oo waa ninka hay'adihii lacagta ku cuni jiray magaca Somaliland uu qasab ka ga dhigay in ay xafiis ka furtaan wadanka gudihiisa halka ay lacagtaasi ku bixi jirtay Nirobi. Taas oo ay ka faa'ideen dadka wadanka jooga. Arrinkaas oo dhaqalihii wax ka taray waayo guriyaha ay kiraysataan iyo shaqaalaha kala duwan mid sare iyo mid hooseba waa faa'iido weyn oo u soo korodhay wadanaka iyo dhaqalihiisa. Waxa kale oo jirta in uu dhawan wasiirku qaban-qabiyay siminaar ka hadlya habka shaqa abuur loo sameeyo. Siminaarkaas
oo faa'iido weyn laga helay fikiradihii kala duwana ee lugu soo bandhigay.

Run ahaantii lama soo koobi karo wax qabadka wasiirka oo ah in la siiyo abaal gudka loo yaqaan " Nobel Price" u gaar ah hadana maanta waxa uu ku gulaystay in uu aqoonyahanka JSL ee dayacnaa ee ninba meel uu joogay ee reeraha u kala fadhiyay in uu isku keeno dalad kulmiysa oo keentay talaabo hormar leh oo ah in laga nasan doona qaabki garabayshanka ahaa oo hadda qofkuu u isagu xarysanayo CV-giisa ka bacadina isaga iyo cilmikiisa aya la isku daynyo oo qof dambe oo odhanaya garabayshan ayaa shaqadaas la iiga qaaday ma jiri doonto.

Ugu dambaynti Madaxweynaha hal baan leeyahay. Wasiirada kalana hal baan leeyahay

Mdaxweyneha waxaan leeyahay, "Madaxweyne Wasiirada Mutacalimiinta ah ee khibrada leh u soo xul shaqada qaranka JSL adiga ayay faa'ido iyo sumcad weyn ku noqon doonta wax qabad kastaba oo ay qabtaanba".

"Wasiirada kalana waxaan leeyahay, "Wasiir Cali Ibrahim iyo wasiirada la midka ah waxay mudan yihiin ku dayasho ee ku dayda waxna ka barta. Waxa uu ka mid Cali-Sanyare halyayada uu Illaahay ku mannaysaty ee u soo diray Qaranka J. Somaliland in ay kiciyaan oo istaajiyaan isla markaasna socod bara"
.
User avatar
Cali_Gaab
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14013
Joined: Wed Oct 17, 2007 8:50 pm
Location: Sleeping next to my life's cottage

Re: Md.Cali Sanyare might run for UDUB Candidacy

Post by Cali_Gaab »

:lol: :lol: :lol: :lol:

Any other clowns running for the opposition parties?

So far we have got this funny man for UDUB:

Image

This innocent man for UCID:

Image

And this thief for UDUB:

Image

Lord help UDUB :|
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Md.Cali Sanyare might run for UDUB Candidacy

Post by Siciid85 »

:lol: :lol: maxa ka galay who UDUB/UCID choose for their leadership unless your a UDUB/UCID supporter.


Ciyaar mood raggan they are highly educated.

Image

Image
User avatar
Cali_Gaab
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14013
Joined: Wed Oct 17, 2007 8:50 pm
Location: Sleeping next to my life's cottage

Re: Md.Cali Sanyare might run for UDUB Candidacy

Post by Cali_Gaab »

Saaxib, unlike you, i make it loud and clear who i support and have supported in the past.

You don't see me claiming to support kulmiye one minute, UCID the other and the excuse being that UCID doesn't take part in the whole 'Reer hebel hebel oo ku soo biiray xisbiga Kulmiye/UDUB'. When the elections are finally over do a complete one 180 and say " Faisal waraabe should have used the qabiil card" :lol: :lol:

There's something called 'principle' over here buddy :|
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Md.Cali Sanyare might run for UDUB Candidacy

Post by Siciid85 »

Instead of worrying about ragga ka cilmi badan the likes of Sanyare & Cawiil, worry about your next candidate "Jahiil suit lo xidhay" as some would say. :lol: :lol:



Image
User avatar
Cali_Gaab
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14013
Joined: Wed Oct 17, 2007 8:50 pm
Location: Sleeping next to my life's cottage

Re: Md.Cali Sanyare might run for UDUB Candidacy

Post by Cali_Gaab »

This guy gives certain people panick attacks the same way Silaanyo used to do :mrgreen: And for that, he has my full support :up:

Ps: maantaan wax maqalnay, siciid oo cawil inagu faanaya :lol: :lol:
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Md.Cali Sanyare might run for UDUB Candidacy

Post by Siciid85 »

And warancadde has my full support seening as he gives many people panick attacks, :lol: :mrgreen: wa ninki ku yidhi salebaan gaal, "Wallaahi, haddaad joojin waydo waxaad wado in meydkaaga suuqa la jiid-jiidi.". :lol: Gangster. :up: :sland:



Image
User avatar
HooBariiska
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7692
Joined: Thu Apr 08, 2004 7:00 pm
Location: In My Ardaaa - Ballin' & Haasaawin'

Re: Md.Cali Sanyare might run for UDUB Candidacy

Post by HooBariiska »

cali gaab,

dont mess with waran cade, he is libaaax, infact he has some in his back yard wallahi :D :D :D
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Md.Cali Sanyare might run for UDUB Candidacy

Post by Siciid85 »

Timo_Case, i was invited to that place by a relative of his in the new hargeysa zoo area. :mrgreen: wa reer ficaan and well liked in hargeysa. :up:
Last edited by Siciid85 on Mon Aug 30, 2010 9:51 pm, edited 2 times in total.
User avatar
Cali_Gaab
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14013
Joined: Wed Oct 17, 2007 8:50 pm
Location: Sleeping next to my life's cottage

Re: Md.Cali Sanyare might run for UDUB Candidacy

Post by Cali_Gaab »

:lol: :lol: :lol: @ Lion

waa odaygii lahaa waxaas iyo waxaas ayaan hargeisa airport ka sameenaya. Hadanna doqonkii uu shaqeeyo ayaa idhi 'war shadhaab, shilin lagu siin maayo'

Image

Laxdan ayuu orders ka qaadan jirey :lol:

Waxaas aad libaax uu haysataan miyaa? Anyways, he's out of a job now, bal aan eegno halku bisada ku dambeyn doono :lol:
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Md.Cali Sanyare might run for UDUB Candidacy

Post by Siciid85 »

"Wallaahi, haddaad joojin waydo waxaad wado in meydkaaga suuqa la jiid-jiidi." :lol: :lol: :lol: now that is classic.



Image
User avatar
Cali_Gaab
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14013
Joined: Wed Oct 17, 2007 8:50 pm
Location: Sleeping next to my life's cottage

Re: Md.Cali Sanyare might run for UDUB Candidacy

Post by Cali_Gaab »

^ :lol: :lol:

You have to understand that he hails from the same people who claimed ' Silaanyo hadu badiyo doorashada, civil war ayaa dhacaya'. Making your argument void :|
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Md.Cali Sanyare might run for UDUB Candidacy

Post by Siciid85 »

that still doesn't change the fact inu ka shaqeyey salebaan gaal, black and blue. :lol: no hard feelings warancadde was just showing him who is the boss in hargeysa. :mrgreen: :up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”