WILL GEN JAAMAC QAALIB BE ALLOWED BACK IN HARGEISA

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

WILL GEN JAAMAC QAALIB BE ALLOWED BACK IN HARGEISA

Post by LiQaaye_TDH »

Siyaasiga Jaamac Maxamed Qaalib oo ka mid ah masuuliyiinta mudada dheer ku soo jira siyaasadda mandaqada, ayaa lagu wadaa inuu Ciidda Ramadaan oo ay inaga xigaan maalmo koobani ka soo dego garoonka diyaaradaha Cigaal International Airport ee magaalada Hargeysa.

Sida Shabakadda Somalilandpress u xaqiijiyay Wiil uu dhalay Jeneraal Qaalib oo ku sugan magaalada Hargeysa, socdaalka uu dalka ku imanayo waxa uu ka dambeeyaa kadib markii is-afgarad uu dhex-maray xukuumadda Somaliland ee dhawaan xilka la wareegtay ee la soo doortay. Isla markaana Cabdiraxmaan Jaamac Maxamed oo u waramayay weriye Cabdiqani Xuseen Baynax iyo xafiiska Somalilandpress ee Hargeysa, ayaa sheegay in aabihii uu xilligaas si rasmiya u iman doono Hargeysa.

Hase yeeshee, ma jiraan warar rasmiya oo cadaynaya imaatinka Jeneraal Jaamac iyo weliba ilaa hada waxyaabaha ay dawladda Madaxweyne Siillaanyo ka wada hadleen.

Dadka siyaasada u dhuun-daloola ayaa waxay sheegayaan in Jeneraal Jaamac Maxamed Qaalib iyo Madaxweyne Axmed-Siillaanyo ay ahaayeen saaxiibo isku dhaw, iyada oo Jeneraalku xidhiidh adag la lahaa Md. Siillaanyo waqtigii uu Ururkii SNM hogaaminayay, isla markaana uu siin jiray warbixino siro ahaa oo ku saabsan hadba halkii xaal marayay, xataa isaga oo ka tirsanaa waqtigaas dawladii Maxamed Siyaad Barre, kuna sugnaa magaalada Muqdisho.

Jeneraal Jaamac Maxamed Qaalib oo Wasiirkii Arrimaha Guddaha Dawladii Soomaaliya ugu mudada dheeraa, lana sheegay inuu ahaa kii ugu awoodda badnaa, ayaa arrimihii ay isku khilaafeen Maxamed Siyaad Barre waxa ugu waynayd isaga oo lagu eedeeyay kaaimihii uu ka ciyaaray taabo-gelinta Ururkii dib-u-xoraynta dalka ee SNM.

Jeneraal Jaamac Yare oo ka tirsan Inter-Poll ama Booliska Caalamiga ah, ayaa sidoo kale xubin ka ahaa Baarlamaankii ugu horeeyay ee Somaliland yeelato waqtigii maamulkii SNM xilka wareejiyay, waxaana uu hada ka mid yahay siyaasiyiinta ugu magaca wayn Somaliland iyo Somalia-ba.

Jeneraal Jaamac Maxamed Qaalib, waxa ugu dambaysay Somaliland oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo sanadkii 2003-dii, waqtigaas oo uu safar aanu ku guulaysan ku yimi dalka, ka dib markii ay xabsiga u taxaabay xukuumadii Madaxweyne Daahir Rayaale, iyada oo weliba dalka laga mastaafuriyay, sidaa aawadeed-na waxa uu u sii gudbay dhinaca dalka Djibouti, halkaasoo marka horeba uu socdaalkiisu ku jeeday si uu uga qaybgalo shir waqtigaa halkaa ka dhacayay.
User avatar
hargaysaay
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8453
Joined: Sun Jan 17, 2010 7:32 am
Location: Best part about getting high having sex with you is geting high having sex with you part.

Re: WILL GEN JAAMAC QAALIB BE ALLOWED BACK IN HARGEISA

Post by hargaysaay »

he will be very welcomed inshalaah hargeysa waa dhulkiisii dadkiisii marka it is good haduu ciida halkaas joogo :up:
User avatar
ToughGong
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15321
Joined: Mon Jul 14, 2008 11:06 pm
Location: No Justice Just Us

Re: WILL GEN JAAMAC QAALIB BE ALLOWED BACK IN HARGEISA

Post by ToughGong »

My Somali reading skill are waninig,this man was a Genreal in the faqash era miyaa
If so is he wanted for anthing
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: WILL GEN JAAMAC QAALIB BE ALLOWED BACK IN HARGEISA

Post by The_Emperior5 »

seemeyer wrote:My Somali reading skill are waninig,this man was a Genreal in the faqash era miyaa
If so is he wanted for anthing

No he is a dirt woqoyi but he is tired living in exile going from kenya to djibouti to Eritrea , Now he wants cafis from the somaliland goverment , i dont think so its going to happen
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: WILL GEN JAAMAC QAALIB BE ALLOWED BACK IN HARGEISA

Post by Siciid85 »

seemeyer, he was the former interior minister in the kacaan and later joined the SNM, and at last he joined the 2000 arta & tng which were against somaliland and later quitted it his not active in politics at the moment he lives in eritrea, his son lives in hargeysa called Abdirahman Maxamed jamac qaliib.
User avatar
hargaysaay
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8453
Joined: Sun Jan 17, 2010 7:32 am
Location: Best part about getting high having sex with you is geting high having sex with you part.

Re: WILL GEN JAAMAC QAALIB BE ALLOWED BACK IN HARGEISA

Post by hargaysaay »

this man is the only polotician I saw in real life whose qabiil is soomaalinimo :up:
and he is the man cigaal hated the most :(
User avatar
ToughGong
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15321
Joined: Mon Jul 14, 2008 11:06 pm
Location: No Justice Just Us

Re: WILL GEN JAAMAC QAALIB BE ALLOWED BACK IN HARGEISA

Post by ToughGong »

Thanks Emp and Siciid,the fact that he was SNM will work wonders for him I think if he wants to come back into the fold
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: WILL GEN JAAMAC QAALIB BE ALLOWED BACK IN HARGEISA

Post by The_Emperior5 »

hargaysaay wrote:this man is the only polotician I saw in real life whose qabiil is soomaalinimo :up:
and he is the man cigaal hated the most :(
Cigaal wanted somaliland he was against it the hate came from there
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”