Lafaciise(Harawo.org)Waxaan ku beegay waqti galabeed oo ay qoraxdu sii dhacaysay waxaanan nasiib u helay inay indhahaygu arkaan bilicda magaalada oo aan ka arkaayey meel aad ufog. Gaadhigii aan wadanay ayaan joojiyey meel u dhaw magaalada si aan uga bogto bilicda dabiica ah ee Allaha awooda lehi ku manaystey dhulkan baaxada leh ee beeraylayda ah oo markaa taagnaa wakhtii guga ee dhulku ugu quruxbadnaa.
Bilicda degaanka kasokaw waxaad dareemi kartaa jawiga naacawda hawada furan ee aan buuruhu u dhaxayn oo sidaan dareemay kuguba qasbi karta inaad jiif ula kala baxdid daleeda aan markaa joogsanay.
Gawaadhida dariiqa marmar maraysay marka laga reebo wakhtiga intiisa badan shanqadhu waxay ahayd mid xasiloon oo aanay dhegahaagu maqlayn buuq iyo wax la mida. Dhinac walba markaad ka eegtid dhulkan baaxada leh ee Banka loo laqaano oo ay indhahaagu ku dhamaanayaan jaho walba ayaa waxa kugu soo dhacaya fikirka mashaariic waxsoosaar oo laga fulin lahaa iyo waxtarka ay u yeelan lahaayeen dadka geeska ku dhaqan. Beeraha oo ah ilaha dhaqaale ee dhulkani waxa weheliya xoolaha nool gaar ahaan Loda oo ah kaalinta labaad ee ilaha dhaqaale ee dadka degaanku ku faanaan.
Magaalada waxa dhex mara dariiqa weyn ee isku xidha Jijiga iyo degmada Awbare iyo Wajaale dariiqan oo sahlay isku socodka gadiidka ganacsiga Jamuuriyada Somaliland iyo K5aad waxa uu sare u kiciyey dhaqdhaqaaqa dhaqaale ee cashuuraha degmada iyo ganacsiga intaba. Jidkani waxa kale oo uu sahlay iskusocodka bulshada geeska ku dhaqan waxana lagu tilmaami karaa inuu yahay isha kaliya ee suuro galisey horumarka dhaqaale ee degmadu yeelatey .
Xooga Korontada: Magaalada waxa mara xooga korontada Federaalka Itoobiya dadweynaha magaalada iyo nawaaxigeeduna 24 saac waxay helaan xooga korontada oo ay u istimcaalaan siyaabo kala duwan. Markaad garab dhigtid magaalada Jabuuti oo aan ku soo horeeyey socdaalkayga iyo magaaladan lafaciise 100% ayaa ka horumarinsan . Sababtuna waxay tahay magaalada lafaciise oo dadweynuhu helaan korontada 24saacadood halka magaalada Jabuuti ay habeen dhaaf u helaan dadweynaha ku dhaqani iyagoo waliba lacagooyin qaali ah kabixiya isticmaalka korontada.
Waxbarashada: Dugsiga Sare ee magaalada ayaan booqasho gaaban ku kala bixiyey waxana la iiga waramay in arday aad ubadani ka baxday ardaydaa oo intooda badani shaqooyin ka heleen dawlada ismaamulka Soomaaliyeed ee K5aad halka qaar kalena ay Jaamacado sare ugu gudbeen inay dhamaystaan . dugsiyo kale oo hoose/Dhexe ayaa iyaguna ka furan magaalada waxa dhigta arday aad u badan oo wiilal iyo gabdhaba iskugu jira.
Xarumaha diinta :Magaalada waxa ka dhisan masaajiido aad u waaweyn oo uu ka mid yahay misjiid jaamac aan ku tukaday salaadi jimce oo la ii sheegay inuu dhismihiisa lahaa muwaadin u dhashay degaanku .. Waa Majaajid loo dhisay hab casri ah oo ay ku tukan karaan ugu yaraan dad aad u badani. Masaajidka waxa ka dhex furan dugsiyo quraan iyo culuum kale oo diini ah waxaanan ku dhex arkay arday wiilal iyo gabdhaha isugu jira oo waxkabaranaya dugsigayada diiniga ah ee ku dhex yaal Misjiid jamaamaca.
Suuqa ganacsiga: Magaaladu waxay leedahay suuq ganacsi oo inta badan lagu kala iibsado xoolaha nool iyo shixnadaha ganacsiga . Ganacasiga midhaha kasoo baxa beeraha ayaa iyaguna ah mid aan ka maqnayn suuqyada ganacsi ee magaaladu leedahay waxa isaguna raaca geedka qaadka oo aad dadweynuhu uga ganacsadaan .
Dhaqdhaqaaqa suuqa ganacasiga lafaciise waxa uu suuro galiyey in degmadu hesho cashuuro kufilan oo lagu fuliyo horumarinta mashaariicda bulshada sida waxbarashada, caafimaadka iyo dayactirka jidadka.
Dhulbixinta: Ganacasigu kuma koobna oo kaliya waxyaabahaas aan soo sheegnay ee waxa weheliya iibka dhulka oo noqday mid aad sarey ugu kacay in mudo ah waxana la ii sheegay in qiyaasta rafka ah ee iibka dhulku intii sadex guri oo waaweyni kadhismi karataayi uu yahay $3,000 (60×60m)
Hadii aan soo koobo socdaalkaygii degmada lafaciise wuxuu ahaa mid ii kordhiyey waayo aragnimo badan oo iga dhinaynd dhinaca horumarka magaaladu gaadhay 20 sano ee ugu danbaysay oo aan odhan karo waa shay lagu faano in halkaa laga sii wadano ay waajib ku tahay cidwalba oo degmada u dhalatey.
Saylac.com contributer
Visit to Lafaciise
Moderators: Moderators, Junior Moderators
- RuralMan08
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 4512
- Joined: Thu Sep 10, 2009 8:45 am
- Location: His Royal Majesty
- RuralMan08
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 4512
- Joined: Thu Sep 10, 2009 8:45 am
- Location: His Royal Majesty
Re: Visit to Lafaciise
Pictures of the trip:








Re: Visit to Lafaciise
Magaaladu waa tee? Lafa Ciise anigoo Jabuuti jooga baan maqlay oo waxay ahayd meel dagaal waa hore ka dhacay laakiin magaaladu waa tee? 

- AbuDujanah
- SomaliNetizen
- Posts: 351
- Joined: Mon Aug 30, 2010 9:19 am
Re: Visit to Lafaciise
mashallah nin taariikhi baad tahay Udunoow.udun wrote:Magaaladu waa tee? Lafa Ciise anigoo Jabuuti jooga baan maqlay oo waxay ahayd meel dagaal waa hore ka dhacay laakiin magaaladu waa tee?
lafaciise is in kilinka shanaad, long time ago the cisse invaded the city and they got massacred. it was a big invasion, so many got killed that it was called lafaciise.
Here is the map, I underlined it in black:

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 6 Replies
- 1384 Views
-
Last post by AwdalPrince
-
- 3 Replies
- 730 Views
-
Last post by Gubbet
-
- 1 Replies
- 1305 Views
-
Last post by AbdiWahab252
-
- 8 Replies
- 1425 Views
-
Last post by paperino
-
- 8 Replies
- 1280 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 4 Replies
- 1285 Views
-
Last post by hargaysaay
-
- 10 Replies
- 2067 Views
-
Last post by Strategic
-
- 55 Replies
- 4058 Views
-
Last post by STARKAST
-
- 8 Replies
- 574 Views
-
Last post by Cawar
-
- 19 Replies
- 972 Views
-
Last post by yungnfresh