Geesigu hadddu aay galoo; Gamaska soo laabto
Inkastoo gabbood lagu faloo; Cadow ku gowriiro
Wuxuu Guullihiis ugu samroo; Godol la ciiraaba
Godobtiisa raagtaa nimaan; Gudan la moodaaye
Goolkuu sugaayiyo kolkii; Liifaddu is gaadho
Ee uu guntiga giigsadaa; Fuleygu guulmaaye
Annagoo guhaad iyo waxaan; Caro gamuurnaaba
Go’doon waxaan ahaannoo sidii; Geri wareegnaaba
Gorayada sideedii waxaan; Gaahi socodnaaba
Gabbal dhiciyo waaberi waxaan; Gaari orodnaaba
Gabbaad dhul aan lahayniyo waxaan; Gelengel meernaaba
Gaajada daraadeed waxaan; Golongolnaanaaba
Geeri aan dhammaaneyn waxaan; Seben ku gaarnaaba
Wuxuu golowgu gii leeyahoo; Gama’a diidaaba
Gorgorkiyo waraabuhu waxay; Hilib ka giigaanba
Gobanimada Maandeeq waxaad; Yurub u geysaaba
Gumaaradaha dhulkeygiyo waxaad; Ciidda gadataaba
Gawaanlaha sidiisii waxaad; Noo gorgorisaaba
Haddaad tiri ma geylamikaraan; Gocosadaad reebtay
Gu’ ma jirine maantoo kalaan; Soo gilgilannaaye
Gacalkood raggaad leysataa; Gayr la soo kacaye
Waakaas dadkii gaagaxoo; Soo gandoodsadaye
Afartaada geesood dab baa; Kaaga soo galaye
Gogoshaada meel gee carrigu; Kugu gantooboowye!!
Geedihii la gooyaa marbey; Geydho bixiyaane
Haddii aan guntoodiyo engegin; Goborka hooseeya
Inkastoo la gubo xididadey; Goror ku heystaane
Gurmo-go’antu waa soo fuftaa; Guux hadduu maro'e
Gu’ sooraan ahaaneed haddii; Gibilku seymeeyo
Mar uun baa galoolku is xiraa; Gubatadii sool'e
Wuxuu Guullahey korinayaa; Garab ma waayaane
Inkastood na kala gaasirtood; Nagu galeyryeysay
Rabbi baa guddoonsaday inaan; Gacan sarreynaaye
Annagoo gabood lama dagee; Gol iyo duur joogna
Annagoo xaqii nalaka guray; Daba galliinkiisa
Annagoo gob baa aarsatee; Guluf rasaaseeyno
Annagoo gaheyr noqonnayoo; Gaban ka weynaannay
Annagoo giftii hore qabnoo ciil la ……………..
Annagoo sidaannu u gurxami; Laga gadiidaayo
Annagoo gabraarsiga sidii; Ganato yaaceyna
Annagoo miraha gomoshahaa; Hawd ka guraneyna
Annagoon gasiin kale aqoon; Guradka mooyaane
Annagoo sidii gaade tuug; Soo galgalaneyna
Annagoo ka goor iyo ka goor; Gaar u wada taagan
Annagoo sidii aar gardho leh; Guudad hamashoownay
Annagoo gurbood aabbe li’i; Naga dul gooheyso
Annagoo gambooleyayadu; Guuxa damin weyday
Annagoo garowsoon waxaas; Nala ku goodaadshay
Nabsi waa giraan socota oo; Gelinba meel taale
Waa gulungulceeyaa sidii; Gal iyo duufaane
Wixii naga gullaalaan jiraa; Soo galgaal baxaye
Geddigii la soo maray haddii; Rag isku giisaasay
Waagoo gaduutoo shamsadu; Gol iyo baal keentay
Guutooyinkaagii haddaad; Foodda noo galisay
Ma gaashaandhiggii baa difaac; Ula garwaaxeystay
Gumniyaal walaalo ah miyaa; Ficil galiilyooday
Gablamooy dagaalama miyaa; La isla wada gaaray
Garneylkiyo rasaastii miyaa; Gininiftoo yeedhay
Fiintiyo galeyrkii miyaa; Wada galuuyaasay
Gujisyada isdhaafkaa miyaa; Labo gar weydaartay
Nin waliba wuxuu galo miyaa; Gaashi ka caddaatay
Gurmadkiyo ataagii miyaan; Goor dambe u yeernnay
Beynaad gafuurkeed miyaa; La isla soo gaaray
Gudihii Rasuulkii miyaan; Galab caroowsiinnay
Guulloow Adaa weyn miyaa; Gaardi lagu qaaday
Sidii Muxamed gaalada u galay; Ma ugu gaaddeynay
Gufarkii la soo diray “Shariif”; Ma u gadaansaarnay
Cararkii garaaraco miyaa; Goxondho naafeysay
Sidii xoolo goosana miyaa; Gabalba meel aaday
Geesh wada asxaabiya miyaa; Kugu galaandeyray
Hadba Gaan Malaa’iga miyaa; Kugu garmaameeyey
Sidii goobihii Beder miyaa; Idin ku geeraaray
** **
Gaas guuxayoo laba shirraa; Gaari noocyo lehe
Iyo gaas gamuux-jiibahoo; Gaatan iyo xeel leh
Iyo gaas garaasiyo is-jiid; Gud iyo qaatiin leh
Iyo gaas san-geyr wada lahoo; Gooladaha jiira
Ama gaas gawaarida qafilan; Amase gaashaaman
Iyo gaas biyaha geeya oo; Gud iyo aagaan leh
Iyo gaas gafuur taangiyoo; Wada gurguurtaaya
Iyo gaas Jabbaan laga gadoo; Galacloow siisoowa
Iyo gaas gammuuniyo zuu oo; Gooladaha feena
Iyo gaas halkii lagu gilgilo; Lagu gaboodmaayo
Iyo gaas gantaalaha hawada; Lagu ganoo duula
Iyo gaas dhufeysyada gurracan; Lagu garaacaayo
Iyo gaas galool baxahayoo; Gumuc ka yeeraayo
Iyo gaas gandoodsiga lugaha; Gorariyoo taaga
Iyo gaas gariir kugu ridoo; Garab hilaacaaya
Iyo gaas gufaaceynayoo; Galangal daacaaya
Iyo gaas ged baasuuke iyo; Aake soo godana
Iyo gaasas bii ema miyaan; Galab ka saanyoonney
Wuxuu soo gedaansaday miyaan; Goobannoo furannay
Gooddigiyo faankii miyaa; Sii hirgeli waayey
Sidii waa’ naloo galay miyaa; Caydhu golashleysay!!
Sidii Muxamed gaalada u galay; Ma ugu gaaddeynay
Moderators: Moderators, Junior Moderators, Islam mods
-
- SomaliNetizen
- Posts: 939
- Joined: Mon Oct 22, 2007 8:38 am
- Location: TURMO
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 1035 Views
-
Last post by KeligiiJabhad
-
- 0 Replies
- 913 Views
-
Last post by Amirsade
-
- 19 Replies
- 2273 Views
-
Last post by Rooble90
-
- 15 Replies
- 1902 Views
-
Last post by Cawar
-
- 6 Replies
- 1228 Views
-
Last post by Ayeeyo Xilwa
-
- 7 Replies
- 921 Views
-
Last post by nine
-
- 1 Replies
- 999 Views
-
Last post by AbdiWahab252
-
- 23 Replies
- 2052 Views
-
Last post by ManD333q
-
- 10 Replies
- 592 Views
-
Last post by original dervish