BREAKING NEWS: ONLF ATTACK SOMALILAND

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

grandpakhalif
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 30687
Joined: Tue Sep 01, 2009 10:32 am
Location: Darul Kufr
Contact:

BREAKING NEWS: ONLF ATTACK SOMALILAND

Post by grandpakhalif »

Ciidamo Hubeysan Oo Aan Haybtooda La Aqoonsan Ayaa Ka Degay Gobolka Awdal, Somaliland [Dhegayso]

September 13, 20104 comments| leave your own!
Share5 Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Dr.Maxamed Cabdi Gaboose ayaa sheegay in ciidamo si xoogleh u hubeysan ay soo gaareen gobolka Awdal, Wasiirka ayaa u sheegay Warbaahinta BBC-da in ciidankan ay ka soo dageen xeebta u dhexaysa Saylac iyo Lughayha, kadib waxaa kaalmeeyey dad ku sugaayey dhanka xeebta, waxaana ay galeen buuraleyda Maarmaar, Wasiirka ayaa sheegay waqtiga ay soo gaareen gobolka Awdal in ay ahayd Habeenimadii Axaadda oo ku beegnayd 12.09.2010

Dhegayso Waraysiga Wasiirka (BBC) :

Dr.Gaboose ayaa sheegay in ciidankaas lagu sheegay qiyaastii 200 oo nin kuwaas oo hubeysan, waana lagu hareeraysan yahay, waxaana wasiirku sheegay in ay qabteen qaar ka mid ah hubkii ay wateen oo ay ka mid ahaayeen Baasuukayaal badan, iyo weliba dukumenti aad u muhim ah kaas oo ku qoran luuqada Soomaaliga iyo Amxaariga.

Wasiirka Arimaha Gudaha ayaa saxaafadda u sheegay in xeebta ay ka soo qaadeen saddex gaari oo ah nooca waaraadka, kuwaas oo laba kamid ah dadkii iskalahaa iyo gawaaridiiba gacanta lagu hayo.

Dhanka kale ciidamada Itoobiya iyo kuwa Jabuuti ayaa xirey xadka waxaana halkaas la soo dhoobey ciidamo badan.

Wararka maanta magaalada Hargeysa la isla dhexmaraayo ayaa sheegaya in ciidankan ay yihiin ONLF ku soo tababartey dalka Ereteeriya, inkasta oo Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland uu sheegay in ay ka warsugayaan baaritaanka, waxaana uu caddeeyey in mar dhaw hawlgal lagu qaadi doono buuraha Maarmaar ee ay ku jiraan.
User avatar
Voltage
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 29214
Joined: Tue Oct 23, 2007 11:33 pm
Location: Sheikh Voltage ibn Guleid-Shire al-Garbaharawi, Oil Baron

Re: BREAKING NEWS: ONLF ATTACK SOMALILAND

Post by Voltage »

So Al Shabaab has come for Hargeisa?
User avatar
RuralMan08
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4512
Joined: Thu Sep 10, 2009 8:45 am
Location: His Royal Majesty

Re: BREAKING NEWS: ONLF ATTACK SOMALILAND

Post by RuralMan08 »

Its just fear mongering or an anti-Djiboutian opposition group roaming around. Nothing to be concerned about.

Aragtida Dadweynaha :

Waxa aanu shiki ku jirin in maanta caalamka waxa kaliya ee lagaaa dhagaysan karaayi ay tahay marka aad ka sheekaysid mashruuca “war on terror” ama ladagaalamka argagixisada, kaasi oo noqday maanta mashruuca ugu lacagta badan leh aduunka uguna khasaaraha badan leh maadaama ay malaayiin qof ee muslim ahi ku waaayeen nafahoodii.

Maanta wasiirka arimaha gudaha ee Somaliland maxamed cabdi gaboose waxa uu ideecada BBC da ka sheegay inay ku haraaaraysan yihiin 200 oo askari oo ku dhuumanaya buuraha silsilada maarimaar ee u dhaxaysa degaanka balaadhan ee lughaya ilaa saylac, isaga ooku daray in doonyo hub casri ah sida ay kala soo dageen xaabtaasi balaadhan ee awdal, hubka qaar ka mid ahna ay hayaan qaarna ay galeen gacanta nimanka argagixisada ah ee ku dhuumaalaysanaya buuralayda gobolka awdal,wasiirku waxa uu raaciyay hadalkiisa inay ciidamada Ethiopia ay ilaashadaan xadka ay la leeyihiin gobolka awdal sidoo kale ciidanka jabutina ha ka foojignaadaan xuduudka dheer ee ay la leeyihiin gobolka awdal si ayna argagixisadu u soo galin dhulkooda hana iska kaashadaan xukuumaduhu la dagaalanka argagixisada.

Su’aalaha is waydiinta mudani waxa weeyi

1.waa maxay argagixisadan joogta gobolka awdal ee ay xukuumada cusub ee siilaanyo ku aragtay mudada labada bilood ah ee ay xukuumada ina rayaale ku arki wayday sideeda sanadood?

2.maxaa isku beegay xidhiidhka sii xumanaya ee u dhexeeya Ethiopia iyo Somaliland, iyo qaylo dhaantan ah in argagixiso ka dilaacday gobolka awdal si layskaga kaashado?

3.waa maxay u jeedada argagixisadu ay u doortee G/awdal una dooran waayeen gobolada kale?

4.argagixisadan la sheegayo ma rag isir ahaan ka soo jeeda G/awdal baa?

5.todobadii wasiir ee gaboose ka mid ahaa ee Ethiopia ku eedaysay inay gacan saar la leeyihiin argagixiso islaamiyiin ah, markii ay maalintab dhawayd shirka jaraayid ku qabteen hargaysa ma dhici kartaaa hadalkan maanta gaboose yidhi mid ay isku baraxayeen masuuliyiintaasi si ay Ethiopia dacwadaha uga khafiifiso?

6.xukuumad kasta oo ay madax ka noqaan beesha dhexe maxay gobolka awdal ugu sheegaan inay argagixiso dagan tahay, sidii ina cigaal uu horay u sheegay awdal (boorama) iyo sool ( laascaanood) inay nimanka itixaaadka la yidhaahdi dagan yhiin?

7.dhibaato intee leeg ayay kala kulmi doonaan ganacsatada reer awdal dalalka jaarka ka dib markii gobolkooda lagu sheegay argagixiso?

Su’aalahaasi iyo kuwo kale oo badan waxa ay ka dhex guuxaysaa maxada siyaasiyiin,aqoonyaahno,iyo waxgarad badan oo ku abtirsada gobolka awdal.

Xaqiiqdii mashruucani uu maanta gaboose ku dhawaaqay waxba kama duwana kii uu madaxwaynaha puntland c/raxmaan faroole uu Ethiopia kaga soo qaatay hubka iyo lacagaha isaga oo sheegay in buuralayda silsilada golis ay soo galeen niman argagixiso ah si ayna Ethiopia iyo wadamada jaarka ugu fidina uu halkaasi ku baaabi’inayo.

Waxa aan ka war haynaa in maalmahan fooda inagu soo haya siiraanyo looga yeedhi doono caasimada Ethiopia ee addisababa si su’aalo looga waydiiyo qaar ka mid ah golihiisa wasiirada oo looga shikisan yahay inay la shaqeeyaan argagixiso.si hadaba loo helo agende uu siiraanyo la hor tago raysal wasaare males ayaa loo abuuray mashruucan,

Waa wax iska dabiici ah hadii xukuumadi aragto gobolada qaar kood oo saluugsan qaabka saami qaybsiga kuraasta amase looga shikiyo mucaarad ahaan in la cabudhiyo laguna sheego wax aanay ahayn.

In xeebaha gobolka awdal lagu tilmaamo dhul argagixisadu hubka kala soo dagto,ku tababartaan kuna dhuuntaan waliba warkaaasi laga shaaciyo ideecada ugu dhagaysiga badan leh aduunka waa BBC dee waa arin war warkeeda iyo walbahaarkeeda leh.si dadban iyo si toos ahna waa ay inoo saamayndoontaa waayo maanta xeebaha gobolka awdal waxa dhex mushaaxaaya waraakiib ay leeyihiin wadamada ugu awooda badan leh aduunka sidoo kale ciidamada ethiopiana waxa laga yaabaa ina fara galin toos ah ku sameeyaan magaalooyinka gobolka.

Arimahani argagixisada waxa badanaa siyaasiyiintu u adeegsadaan marka la rabo in gobol dhaqaale ahaan,waxbarasho ahaan,horumar ahaan, siyasad ahaan iyo sumcad ahaanba loo curyaamiyo.

Ugu danbayn arinkani waa inay ka hadlaan odoyaasha iyo aqoonyaaanada gobolku inta ayna arini faraha ka bixin eena diyaaradaha iswada iyo hubka maraakiibta dagaalka ka dhaca aan lagu rushaynin degaanka buuralayda ah ee loo calaamadeeyay reer galbeedka.

Guuleed omer mead
User avatar
RuralMan08
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4512
Joined: Thu Sep 10, 2009 8:45 am
Location: His Royal Majesty

Re: BREAKING NEWS: ONLF ATTACK SOMALILAND

Post by RuralMan08 »

Ciidamado aan la garanayn oo lagu arkay Buuralayda Xariirad Ilaa Saylac u dhexasaysa

Xariirad(Saylac.com)- Dadweynaha ku dhaqan Magaalada Xariirad, Cabdiqadir, Jidhi iyo Lawyacado ayaa saxaafada gobolka Awdal u sheegay inay indhahooda sareen ciidamado hubaysan oo u safar ku maray degaanadaa ka dibna aan la garanayn meel ay ku danbeeyeen.

Ciidamada Federaalka Itoobiya oo ay iskaashanayaan ciidamada Jamuuuriyada Somaliland ee ku sugan Gobolada Awdal iyo Selel ayaa si dhakhsiyo ah u dabagalay ciidamadan lagu sheegay Buuralayda Gobolka Awdal waxaana wararku intaa ku darayaan in ciidamada Itoobiya iyo Kuwo Awdal ay heleen dirays iyo saanado rasaas ah oo ay ka tageen ciidamada lagu arkay Buuralayda gobolka Awdal.

Inkasta oo aan ilaa hadda la kala ogoyn cida ay yihiin ciidamadan buuraha gobolka Awdal lagu arkay, hadana dadweynaha degaanadaa degani waxay shegeen inay yihiin ciidamo soomaali ah oo afsoomaali ku hadlayey mudadii ay galayeen Buuralayda ee safarka ku marayeen dhulka lagu arkay. Ciidamadan Buuraha galay ayaa dadku u dhigeen inay yihiin ciidamado Jabhad mucaarad ku ah dawlada cusub ee Jamuuriyada Somaliland oo kasoo jeeda Gobolada Awdal iyo Selel Halka dadka qaarkiisna ay iska dhex marayaan inay yihiin Ciidamo Jabhad mucaaradku ah dawlada Jabuuti oo dhanka Itoobiya kasoo galay dalka Jamuuriyada Somaliland Dadka kale ayaa iyaguna aaminsan yihiin ciidamo ka tirsan Hadhaagii Jabhada ONLF .

Dadweynaha Borama ku dhaqan ayaa isla dhex maraya in arimahani yihiin kuwo aad loo buunbuuniyey isla markaana lagu damacsan yahay in gobolada Awdal iyo Selel ay noqdaan goob dagaal oo dadka lagu cabsi gasho cid arimahan ka danbaysana ilaa hadda lama garanayo.
Kala soco wararka intooda kale iyo waraysiyo aanu ka qaadnay dadweynaha ku dhaqan buuralayda gobolka awdal saylac.com

Saylac.com
grandpakhalif
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 30687
Joined: Tue Sep 01, 2009 10:32 am
Location: Darul Kufr
Contact:

Re: BREAKING NEWS: ONLF ATTACK SOMALILAND

Post by grandpakhalif »

CIIDAAMO AAD UU HUBEYSAN OO ISKU WAREEGAY SOMALILAND

:idea: :idea: :idea:
shaankaroon1
Posts: 65
Joined: Sat May 22, 2010 4:30 pm

Re: BREAKING NEWS: ONLF ATTACK SOMALILAND

Post by shaankaroon1 »

If Alshabaab defeats TFG, AMISOM, and Ethiopia forces in Somalia, It won't take half a day to run over Somaliland.

So the logic thing would be to send your armies and fight along the Somali government before it is too late. Only Puntland can stand alone and win without any help from anyone when it comes to kishkabab, no offence intended!
AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

Re: BREAKING NEWS: ONLF ATTACK SOMALILAND

Post by AhlulbaytSoldier »

shaankaroon1 wrote:If Alshabaab defeats TFG, AMISOM, and Ethiopia forces in Somalia, It won't take half a day to run over Somaliland.

So the logic thing would be to send your armies and fight along the Somali government before it is too late. Only Puntland can stand alone and win without any help from anyone when it comes to kishkabab, no offence intended!
:lol: :lol: :lol: :lol:


how can punaniland defeat alshabaab when they cannot even defeat tunaheads :down:


The only people which managed to defeat them and make them suffer real pain is ahlul galgaduud 8-) :up:
grandpakhalif
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 30687
Joined: Tue Sep 01, 2009 10:32 am
Location: Darul Kufr
Contact:

Re: BREAKING NEWS: ONLF ATTACK SOMALILAND

Post by grandpakhalif »

shaankaroon1 wrote:If Alshabaab defeats TFG, AMISOM, and Ethiopia forces in Somalia, It won't take half a day to run over Somaliland.

So the logic thing would be to send your armies and fight along the Somali government before it is too late. Only Puntland can stand alone and win without any help from anyone when it comes to kishkabab, no offence intended!
Bintiland ma wax difaaci kara?


:lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol:
User avatar
RuralMan08
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4512
Joined: Thu Sep 10, 2009 8:45 am
Location: His Royal Majesty

Re: BREAKING NEWS: ONLF ATTACK SOMALILAND

Post by RuralMan08 »

Image

Route taken by the "unknown militia"
User avatar
Cali_Gaab
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14013
Joined: Wed Oct 17, 2007 8:50 pm
Location: Sleeping next to my life's cottage

Re: BREAKING NEWS: ONLF ATTACK SOMALILAND

Post by Cali_Gaab »

Voltage wrote:So Al Shabaab has come for Hargeisa?
:lol: :lol:

You must be dancing in your bedroom with your nigis on your head.
Farxada kaa baxaysa halkan ayaan ka arkaa :lol:
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: BREAKING NEWS: ONLF ATTACK SOMALILAND

Post by Siciid85 »

:lol: , no big deal they have already been surrounded by the Somaliland forces and some weapons confiscated from the group.



Image


Image
Oxidant
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3239
Joined: Tue Dec 04, 2007 5:52 am

Re: BREAKING NEWS: ONLF ATTACK SOMALILAND

Post by Oxidant »

Siciid85 wrote::lol: , no big deal they have already been surrounded by the Somaliland forces and some weapons confiscated from the group.



Image


Image

So Somaliland has apprehended 200 to 400 men alone without a major fight?
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”