University of Maakhir (Badhan): XALFAD CEERIGAABO

The region of Maakhir coast and its environs. Maakhir forum discusses current events, economic development and Somali Unity.

Moderator: Junior Moderators

vangandi
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 257
Joined: Sat Sep 11, 2010 5:10 pm
Location: Sultan of Maakhir

University of Maakhir (Badhan): XALFAD CEERIGAABO

Post by vangandi »

XALFAD LAGU SOO DHAWEYNAYO JAAMACADA MAAKHIR UNIVERSITY BADHAN OO KA DHACDAY MAGAALADDA CEERIGAABO.+SAWIRRO
Image


Xalfad Si heer sarre ah loogu soo dhaweynayo Jaamacada Maakhir University oo dhawaan laga yegleeli doona Magaaladda Badhan ayaa Maanta ka dhacay Xaruunta Wasaarada Waxbarashada ee Magaaladda Ceerigaabo Waxaana kasoo qeyb galay Marti Sharaf badan oo isugu jira Siyaasiyiin, Ganacsato, Culimo, Dhalinyaro iyo Haween Waxayna dhamaantood isku raaceen dadkasi in ay Soo dhaweynayaan Jaamacada Maakhir University.

Jaamacada Maakhir University ayaa maalmahanba Wuxuu Ololaheedu ka socday Deeganada Gobolada Maakhir Waxaadna Markan mooda dadka intiisa badani in ay ku baraarugeen Waxtarka Jaamacad Laga yegleelo Deeganada Maakhir.

Waxaa Xusid Mudan in Deeganada Maakhir aysan lahayn Waxbarashada Sarre Sida Jaamacado iyo Machado kuwaas oo ay galaan Kumanaanka Ardey ee Reer Maakhir ee ka qalin jabisa Dugsiyada Sarre ee Deeganada Maakhir.

Markan hadii laga yegleelo Jaamacada Maakhir University Gobolada Maakhir Waxaa dhaboobaysa Riyada Ardey iyo Waalidiin badan oo ku hamiyay In ay deeganadooda ka helaa Waxbarasho Sarre.

Jaamacada Maakhir University ayaa Waxaa Dhawaan Sitoosa looga bilaabi doonaa Xaruunteeda Koowaad Magaaladda Badhan yadoo Laamo ku yeelan doonta Deeganada Maakhir.

Warbaahinta Laasqoray.NET ayaa Waxay Sii laba jibaaraysa Ololaha ay ugu jirto Dhismaha Jaamacada Maakhir University oo dhawaan laga dhisi doona Magaaladda Badhan, Waxayna Shabakadu Dhamaan dadka Reer Maakhir ee dibada ku dhaqan ugu baaqaysaa gaar ahaan dadkii aan bixin Qaadhanka lacagta Jaamacada in ay hada bixiyaan Si ay Caruurtooda ay jecel yihiin iyo walaalahood u heleen Waxabrasho Sarre oo tayo leh.
User avatar
RuralMan08
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4512
Joined: Thu Sep 10, 2009 8:45 am
Location: His Royal Majesty

Re: University of Maakhir (Badhan): XALFAD CEERIGAABO

Post by RuralMan08 »

:clap: :clap: :clap: :clap: :clap:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Maakhir”