Tax Revenue Money from Wajaale and Kalabydh Hits the Sky

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Tax Revenue Money from Wajaale and Kalabydh Hits the Sky

Post by LiQaaye_TDH »

Kastamada Wasaarada Maaliyada ee cashuuraha qaadka Kallabeydh iyo Tog-Wajaale ayaa markii u horaysay,dakhligoodu kor uaga kacey intii hore tobanlaabkeed dakhliga kasoo xerooda cashuuraha jaadka oo u dhiganta boqlkiiba afaratan.

Sida ay xaqiijiyeen qaar kamid ah howlwadeenada iyo masuuliyiinta kahowlagala Kastamada Kalabeydh iyo Tog-Wajaale ee cashuuraha qaadka ,oo ka cudurdaartey in la xuso magacyadooda ayaa sheegay in uu kor ukacay dakhliga cashuuraha ee soo gala kastamadaasi toban laab marka loo eego intoo kasoo xeroon jirtey awal hore xiligii Xukuumadii hore taas, oo maalin walba ay jirto kor-ukac tirada guud ee dakhliga ah, taas u dhiganta boqolkiiba afartan. Waxa kale oo ay xuseen, in ay kor ukacani yahey kii ugu badnaa ee noociisa ah oo dakhliga cashuuruhu kor ukaco xadi intaa leeg waxaanay, sheegeen in guud ahaanba si isku mid ah loo cashuuro ,wixii badeecooyin qaad ah ee soo mara Kasatamadan.

Sidoo kale qaar kamid ah Shaqaalaha Baanka Gabiley, ayaa iyaguna sheegay kor ukaca dakhliga kastamka Kalabeydh iyo Tog-Wajaale ee Wasaarada Maaliayadu ku cashuurto qaadadka ka yimaada dalka Itoobiya "Waxaanu kayaabnay fara badnaanta dakhliga Wasaarada Maaliyada uga soo xerooda xiligan Kastamka qaadka Kallabeydh iyo Tog-Wajaale, oo kabadan toban jeer intii aanu ka xerayn jirnay awal hore, waxaana Kalabeydh oo kale dakhligeedu hada gaadhaa laba boqol oo milyan iyo dheeraad"Sidaa waxa yidhi mid kamid ah Shaqaalaha Baanka Gabilay oo ka cudurdaatay in magaciisa la xuso.

Guud ahaanba shaqaalaha iyo masuuliyiinta Kasatmka Kallabeydh ayaa, siwayn uga foojigan in ay wax madmadow ahi kyimaado ,howsha cashuuraha Wasaarada Maaliyada gaar ahaan, cashuuraha qaadka oo inta badan lagu jeegareeyo Kastamka Abaarso, oo ay sii maraan laguna baadho qaadadka lagu cashuuro Kastamka Kallabeydh iyo khudaarta ka timaada dhinaca Itoobiya , oo inta badan lagu cashuuro Katamka Wasaarada Maaliyadu ku leedahey Tog-Wajaale oo kuyaala kadinka xuduuda labada dal
User avatar
KyrieJama
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3930
Joined: Tue Aug 24, 2010 8:21 pm
Location: Somalia

Re: Tax Revenue Money from Wajaale and Kalabydh Hits the Sky

Post by KyrieJama »

All thanks to Mohamed Hashi Elmi nin diin leh wayaan. Good management of tax revenues was all that was needed :up:
User avatar
KyrieJama
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3930
Joined: Tue Aug 24, 2010 8:21 pm
Location: Somalia

Re: Tax Revenue Money from Wajaale and Kalabydh Hits the Sky

Post by KyrieJama »

Lidqaye is it true the ina hashi demanded the mamulka dekeda tranfer all money to wasarada malliyada?
User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Re: Tax Revenue Money from Wajaale and Kalabydh Hits the Sky

Post by LiQaaye_TDH »

garad13 wrote:Lidqaye is it true the ina hashi demanded the mamulka dekeda tranfer all money to wasarada malliyada?
Yap and he dont trust no one else with it..... he even made The Qaad Dealers pay 5 times more Tax :up: :up: :up:
User avatar
KyrieJama
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3930
Joined: Tue Aug 24, 2010 8:21 pm
Location: Somalia

Re: Tax Revenue Money from Wajaale and Kalabydh Hits the Sky

Post by KyrieJama »

LiQaaye_TDH wrote:
garad13 wrote:Lidqaye is it true the ina hashi demanded the mamulka dekeda tranfer all money to wasarada malliyada?
Yap and he dont trust no one else with it..... he even made The Qaad Dealers pay 5 times more Tax :up: :up: :up:
Rageedi :up: :up:
budnacab
Posts: 97
Joined: Sat Jan 29, 2005 10:40 am
Location: Cadaadley

Re: Tax Revenue Money from Wajaale and Kalabydh Hits the Sky

Post by budnacab »

basically lacagta cashuura ama whatever ee qaranku leeyahay waa inay wasaarada maaliyada hoos tagtaa. kan loo magacaabay ee ku doodaya dekedu way baahi badantay. xagee lagu arkay deked bank-gaara ka yeelata qaran jira. waa in wasaarada ay dekedu hoos tagto ay hadba baahida wasaaraddaa u qorataa wasaarada maaliyada sidaasa lagu dabar jari karaa lacgtii la lunsan jiray. ee inta mishiin ama wiish $100,000 lasoo iibiyo fake voucher $500,000 loo record garayn jiray qaranka. absolutely waan ku raacsanay maxamed xaashi in ilaha dhaqaala ee qaranku leeyahay meel la iskugu keeno.

dhinaca kale eng maxamed xaashi meel buu kayara suufiyeey ama ilduuf ba ay ka noqotay oo halkuu la xidhiidhi laha dhigiisa/wasiirka dekeda ayuu maareeye warqad ku hagaajiyay. taasina waa qalad sahlan laakin in ay debeda uga soo baxdo maamulka dawliga ah maaha waana in maareya iyo dhamaan ba shaqaala qaranka wasiir ila cashur gure wixii xafiiska shaqo kuleh in aanay ordinary civilian ka la ogaysiin iyadoo maaran waa noqota ama khiyaamo qaran muqaalkeed yeelata mooya'e.

my allah bless somaliland and our leaders.
User avatar
HaragWafi85
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1838
Joined: Sun Sep 19, 2010 9:48 am
Location: Somaliland.

Re: Tax Revenue Money from Wajaale and Kalabydh Hits the Sky

Post by HaragWafi85 »

good news. :up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”