Weriya yaal yuhuud ah oo ku sugaan SLand,

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Bohol iyo karaman
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1060
Joined: Sat Dec 03, 2005 12:37 pm
Location: Is'argoof> Inta Sacad Yoonis dhaqaan yahay Sidaan falaaba ii furan

Weriya yaal yuhuud ah oo ku sugaan SLand,

Post by Bohol iyo karaman »

Laba suxufiyiin YUHUUDA oo Wasiirka Arimaha Dibadu Amray Inay Joojiyaan Hawshoodii Suxufinimo.Sheegayna in siyaasada S/land anay ku jirin in Yuhuuda Xidhiidh lala Yeesho.







Hargaysa(Ceerigaabo.com)-Laba Weriye oo ka socda dalka Israa’iil oo sida la sheegay midkood caan tahay kana waranto Television-ada Israel ayaa muddo laba cisho ah ku sugnaa gudaha JSL. Sida uu sheegay Dr. Cumar Dixood oo ay marti u ahaayeen.





Labada suxufi waxay haysteen ogolaansho dal ku gal iyo fasaxa wasaaradaha Arrimaha dibedda, Warfaafinta iyo Gudaha, hawshoodii suxufinimana si toos ah ayey u gudanayeen intii ay joogeen.





Siday u sheegeen warbaahinta dad ku dhawaa labadan suxufi, waxay arrintu isbedeshay markii uu dalka ku soo noqday Wasiirka Arrimaha Dibedda JSL oo ku maqnaa Kiiniya intii hore ogaadayna joogitaanka labadan suxufi iyo balan ay la lahaayeen madaxda dalka. Wuxuu wasiirku markaa xayiray socdaalkii hawshii ay u socdeen iyada oo markaa ciidamada sirdoonka, Booliska iyo CID-uba ay ku soo xoomeen Hotel Maansoor oo ay deganaayeen. Sida la sheegay wasiirka arrimaha Dibeddu wuxuu ku dooday inaanay ku jirin siyaasadda JSL in xidhiidh lala yeesho dalka Israel.




Sida soo shaac baxday Suxufiyaddan ka hadasha Television-ada dalka Israel mid ka mid ah, waxay hore u waraysatay Madaxweyne OBAMA, Tony Blair iyo madax kale oo badan.





Sida wararku sheegayaan waxa arrinta soo dhexgalay Wasiiradda Arrimaha gudaha iyo Maaliyadda oo isku dayey in arrinta hoos loo dhigo. Labada wariye maalintii shalay hawshoodii ayey guteen iyaga oo suuqana maray soona eegay xabaalihii xasuuqa ee malka durduro. In kasta oo aanay u suuragelin inay waraysiyo la yeesheean Madaxweynaha JSL ama booqdaan dalka inta ka baxsan Hargeysa.





Balse waxa khasab noqotay maadaama laga hor istaagay ujeedadoodii inay waraystaan wasiirka Arrimaha Dibedda Maxamed C/laahi.




Illaa hada lama garanayo go’aanka ay Xukuumaddu ka qaadatay labadaasi wariye inkastoonu isku daynay inaanu warar dheeraad ah ka helnana noomay suurto galin kadib markii Agaasimaha Guud ee wasaaradaasi oo aanu wax ka weydiinay uu iskaga riixay wasiirka, wasiirka laftiisana mar aanu isku daynay xafiiskiisa inaanu ku booqano uu Xoghayihiisu noo sheegay inaanu na qaabili Karin isagoo sabab uga dhigay shirka Golaha Wasiiradda oo uu wasiirku tagayay awgeed inaanu cid qaabili Karin.





Ceerigaabo.com
User avatar
RuralMan08
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4512
Joined: Thu Sep 10, 2009 8:45 am
Location: His Royal Majesty

Re: Weriya yaal yuhuud ah oo ku sugaan SLand,

Post by RuralMan08 »

:down: :down:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”